Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta oo ka qeybgashay shir ka dhacay Sweden

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa  Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey tagriibka  oo ay soo  qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka tahriibka ee meelo kala duwan ee adduunka ah.

Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.

” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka  oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden” ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji .

Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha   ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo Ka qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.

furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isagoo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada Dal ka dhaxeeyo.

” Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute”, ( CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha ” Chinese Academy  of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ah  ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqihii aqonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska usoo magacaabatay Soomaaliya, danjire Michael Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo safiirkaasi,waxa ay qaabilaadda kadib isla soo qaadeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sii wadidda iskaashiga labada dhinac ee horumara socda,gaar ahaan taageeridda dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilinta dalka.

Kulanka qaabilaadaasi oo ku dhacay jewi is-afgarad oo wanaagsan,waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Ingiriiska.

Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay xuska todobaadka dhalinyarada

Munaasabad loogu dabaal-degayay todobaadka dhalinyarada ee 15 May ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,

 Munaasabadaan waxaa ka qabtay dhalinyarada degmooyinka qeybta Galbeed ee gobolka Banaadir,sida Dherkeynley,  Wadajir,Kaxda, Deyniile iyo Garisballey.

Munaasabaddaan ooa lagu soo dhoweynayo xuska 15 ka May,waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Benadir Cabdikafi Maxamuud Makaraan, isagoo ku ammaanay dhallinyarada doorka shariifka ah ee ay ka qaataan arrimaha bulshada .

Munaasabadaan waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku xigeeen arrimaha bulshada degmada wadajir, Gudoomiyaha Siyaasada degmada wadajir,  Xogahaya Degmada, gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka, iyo dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir.

Wasiirka Cadaaladda XFS “Musuq-maasuqa waxaan u aragnaa in uu yahay Cadowga umadda

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin  ayaa sheegay in musuqmaasuga uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi kara burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.

“Qofna laguma dulminayo in uu yahay Sarkaal Hoose Qofnna kuma Baxsanayo in uu yahay Sarkaal Sare Marka howshu joogto Musuq maasuq”ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin   ayaa xusay in musuq maasuqa ay u arkaan  caqabad dhaqaale oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka,sidaa daraadeed,waxaa naga go’an ayuu yiri in aan la fagaalanno.

Xeer ilaaliyaha guud ee XFS oo la kulmay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiya

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga Carabiya ayaa kulan la qaatay xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Sacuudi Carabiya Sacuud Bin Abdalla.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka Labada Xafiis ee dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga,

, iskaashiga labada dhinac, ka wada shaqeynta horumarinta xafiisyada iyo howlaha horutabinta u leh labada dhinac.

Xeer ilaaliyaha ayaa booqday xarunta dambi baarista dalkaasi sacuudiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana waxaa uu indho indheyn ku sameeyay qaabka ay u shaqeeyso xaruntaasi.

Waxaa sido kale uu booqday xarunta ugu weyn ee lagula dagaalamo fikirka xagjirka oo dhibaato weyn ku haaya dalalka Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galey furitaanka shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa caawa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB-2023) oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sidoo kale inta uu ku sagun yahay Magaalada Jidda waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galaysa shirka Bangiga Horumarinta Islaamka, isagoo kala hadli doona arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga XFS oo ka qeyb galey daah-furka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ka qeybgalay furitaanka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhacay dalka Kenya

“Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday gaaridda nabad iyo xasillooni ka hirgasha deegaannada xuduudda oo ay wadaagaan saddexdan waddan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sheegay in mashruucan uu wanaajin doonaa nolosha dadka ku nool deegaannada xuduudda, uuna yareyn doono colaadda, korna u qaadayo fursadaha dhaqaale.

Daahfurka barnaamijkan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Kenya, barasaabka Mandheera, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, wasiirka nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

    

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay qaraarka Golaha Wasiirrada ee xoojinta hufnaanta maamul iyo Maaliyadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo dhawaynaa Qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirradu shirkooda todobaadlaha, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”

Wasiiru dowlaha Amniga iyo wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeybgaley kulanka khamiis laha ee hoggaamada Booliska

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Mudane. Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxman Yuusuf Al-cadaala ayaa maanta ka qeyb galay shirka khamiis laha ee hoggaamada iyo fadhiya madaxa banaan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu bogaadiyay wax-qabadka shaqo ee hay’adaha amaanka oo ugu horeeyo ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan sugidii Amniga guud, xiligii Ramadaanka, imtixaanaadka, la dagaalanka burcadda iyo Khawaarijta.

Ciidanka Boliiska, NISA iyo Boolis Militare ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay horgelinta xeerka xakameyn Hubka ee Caasimadda, iyadoo bogaadinta Wasiirrada uu ka mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Ahmed Firin.