Shirweynaha Wadamada Badweynta Hindiya oo lagu soo gabo gabeeyay dalka Bangladesh

Dhaka- Shirweynihii 6-aad ee Badweynta Hindiya ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Dhaka ee Caasimadda dalka Bangladesh, iyadoo shirka ay khudbado ka jeediyeen dalalkii iyo diblomaasiyiinta ka soo qeybgalay shirka oo ay ka mid tahay dowladda Soomaaliya oo uu shirkaaas ku matalayey Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.

Shirka Badweynta Hindiya ayaa ah shir sannadle oo inta badan lagu gorfeeyo xaaladaha kale duwan ee wadamada ku teedsan Badweynta Hindiya.

  

Guddoomiyaha Haya’adda maaraynta masiibooyinka oo gaaray Beledweyne

Hiiraan:- Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soodhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.

Guddoomiye Maxamuud Macalim ayaa u kuur galay xaalada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

    

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay gudidda tira-koobka hantida qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Gudiddan ayaa ka kooban siddeed xubnood oo kala ah wasiirka Maaliyadda,wasiirka ganacsiga, wasiirka hawlaha Guud, wasiirka Arrimaha dibedda,Guddoomiyaha gobolka Banaadir,wasiir dowlaha madaxtooyadda,wasiir dowlahha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Hawlaha guddidan qaban doonto ayaa waxa laf dhabar u ah tirakoobka hantida dowladda,soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey.

Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraa corruption,  waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama awood leh. Waxaa kaloo lagu qeexaa Musuqmaasuqa lunsasho hanti Dadweyne Guud ahaan, musuqmaasaqu waa cadaalad daro iyo daacadnimo la’aan uu qof maamul haya ku doorsado lacag, kharash ama balanqaad iyo dane kale oo shakhsi ahaan ah, si kale haddii loo dhigo ama la sii bal ballaarsho waxaan dhihi karnaa Musuqmaasuq waa ka faa’iidaysiga awoodaha iyo ku xoolaysiga sifo sharci darro ah.

Musuqmaasuqa waxa uu baabbi’iyaa nidaamka dawliga ah iyo saamayn ku dhan sifo hay’adaha ee dalalka dunida saddexaad.Xaqiiqo ahaanna, waa aafo weyn oo haysata waddamo badan oo dunida ah. Musuqmaasuqa ugu badani waa kan curyaamiya dhaqaalaha iyo ka naafeeyey caddaaladda waddamada soo koraya, gaar ahaan dalalka u badan Yurubta Bari, Badhtamaha Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee ay soo saarto hay’adda ka shaqaysa qiimaynta heerarka musuqmaasuq ee dunida ee magaceeda la yidhaahdo Transparency International, ee fadhigeedu yahay Jarmalka, waxay soo bandhigtay qiimaynta 180 waddan oo ay ku qiimaysay 0 ilaa 100; iyadoo dalalka ugu wanaagsan ee isbeddel horumar ka sameeyay arrintan ay ku sheegtay kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub, oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba, iyada oo ay kaalinta hore ee ugu wanaagsan siiyay dalalka New Zealand iyo Denmark, halka ay derajada ugu hoosaysa siisay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, in kastoo xoogaa hoos dhaci jira sanadankan.

Haddii aan guda galno dulucda Warbixinta, si loo baabi’yo Musuqa ayaa Golaha Wasiirrada ay meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Ciribtirka Musuq-maasuqa, hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda dalka iyo kobcinta dakhliga. Qaraarka ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha iyo in loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud ee qaranka.

Golaha Wasiirrada waxaa kaloo ay ayaa meel-mariyey, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo dheelitirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo isna ka hadalay arrimaha Musuq-maasuqa ayaa Sheegay in Deg deg lagu soo dhameystiri doono Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ah Guddi madax banaan, oo ay howshiisu noqon doonto la dagaalanka Musuqa, kaasi oo aan og nahay in la kala diray, wuxuuna xusay Wasiirku in Xubnaha Guddiga la soo dhameystiri doono, kadibna la marsiin doon Golaha Wasiirada XFS, kadibna Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la hor geyn doon.

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna khudbadii Jumcaha shalay kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha, ayaa aad ugu dheeraaday arrintaasi, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Madaxweyne Xasan oo arrintaasi ka sii hadlaayay ayaa yiri” qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida Ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin, ogaada walaalayaal dadka Somaaliyeed  meel kasta oo aad joogtaan , tuug ehel maahan , qaraabo maahan , saaxiib maahan oo isku halleeyn magalyo, illeeyn waaba tuuge, yaa la dhaweeysan yaa la qaraabeeysan”. Waa hadal weyn oo wax ku qaadasho leh, ee Soomaaliyeey ha dhaweysan musuqa, cid kastana waa inay ka qeybqaadataa la dagaalankiisa.

Waxaa jira in 20 eedeysane ay u xiran yihiin haatan arrimaha la xariira Musuq-maasuqa, wax isdaba marin iyo lunsasho Hantida Qaranka, sida la soo gaarsiiyay Wakaaladda Waraka Soomaaliyeed ee SONNA. Marka gunta iyo gabgabada waxaan dhihi karnaa waa loo soo jeestay la dagaalanka musumaasuqa, maadama Madaxweyne, Xukuumad iyo shacabba ay diyaar u yihiin ka howlgalinta arrintaasi Qaranka Soomaaliyeed dhabar jab ku ah, marka aan si wadajir ula dagaallanno musyuq-maasuqa maadaama u yahay cadowga Qaranka Soomaaliyeed.

Xigasho: SONNA

Ciidanka Sirdoonka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 44 khawaarij ah

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Howgalkan ayaa dhacay shalay galabnimadii, ka dib markii Sirdoonka Qaranka uu helay xogta maleeshiyadaan oo in mudo ah isku aruursanayay deegaankaan ayagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, Hub iyo saanado kale oo ay ku aruursanayeen danbiilayaasha Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed deegaano badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay faah-faahinta malesshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo muddo sanado ah u xirnaa kooxda Khawaarijta arxanka-daran ee Al-shabaab oo inta ay Xabsiyada kala baxeen meelo kala duwan ku khaarijiyeen.

Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka dhigan tiradii ugu badneyd  ee ka tirsanaa Daacish oo Al-shabaab muddo Shan ah xabsiyo kala duwan ugu xirnaa ayay Khawaarijtu Al-shabaab khaarijiyeen labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyagoo tallaabadaas uga dan leh in ay ugu aargudaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaaab oo lagu baabi’iyay  dagaallo iyo qaraxyo ay Daacish ka geysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Daacish, ee Al-shabaab ay khaarijiyeen waxaa lagala soo baxay xabsiyo ay dadka ku ciqaabaan Khawaarijta oo ku kala yaala  Sakow, Jilib iyo Kuunya-barow oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose, iyadoo si bareer ah loogu laayay duleedyada saddexdaas degmo.

Wararka ay warbaahinta Qaranka ka heshay gudaha Khawaarijta Al-shabaab waxay xaqiijiyeen ka hor tallaabadan khaarijinta ah inta aysan qaadin waxay horjoogayaasha Khawaarijtu isugu yeereen xaasaska  ay qabeen maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Daacish ee ay dileen, iyagoo u sheegay in nimankooda Diin ahaan ku xirmin oo laga fasaqayo, waanna ficil ay kooxdu caan ku tahay.

Goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab ugu yeerteen xaasaska maleeshiyaadka Daacish ee ay ugu dambeynna dileen waxaa ka I’d ah deegaanka Buulo-fullaay ee gobolka Baay.

Amarka lagu khaarijiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish ee in muddo ah maxaabiis ahaan ugu jiray gacanta Al-shabaab, waxaa bixiyay horjoogaha dhagarta badan ee Khawaarijta Al-shabaab awoodda ku dhex leh ee Mahad Karataay,iyadoo fulinta howshaasina ay qabteen labo horjooge oo aad ugu dhow, kuwaas oo kala ah Liibaan Cali Cabdi oo magaciisu afgarashada uu yahay ” Saacid”, iyo Sahal Baabul Qowf oo labadaba ka soo wada jeeda deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ah oo ku sugan goobaha ay maleeshiyada Khawaarijta ku laayeen boqolaalka maleeshiyo ee ka tirsan kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed in ay arkeen Al-shabaab oo duleedka degmooyinka Jilib,Kuunya-barow iyo Sakow xabaalo-wadareedyo ku aasaya meydadka maleeshiyaadka Daacish ee sida tira-beelka ah ay u laayeen.

Khilaafka iyo is-ugaarsiga ka dhex jira kooxaha Khawaarijta  iyo argagixisada wada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo soo jiidamayay sanado badan ayaa sii xoogeystay shantii Sano ee la soo dhaafay, wallow la wada ogyahay wax xaq ah oo mideynayay ama ku heshiiyeen aanu jirin, marka laga reebo in ay banneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Xiisaddu waxay faraha ka baxday oo ka sii  dartay labadii bilood ee ugu dambeysay markaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish weeraro isugu jira dagaal toos ah  iyo is qarxin ah ay ku qaadeen xarumo Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay Daacish ku laayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sacuudiga

Jeddah:- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran.

Madaxweynaha JFS oo sheegay in shacabka toos warbaahinta ugala socon doonaan eedaha la xiriira musuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jumcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in shacabka soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socondoonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Halkan hoose ka daawo khudbadii Jumcaha maanta ee Madaxweynaha JFS.

Share this Article

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Abaaraha oo qeyb galay shir la xariira xal u helidda abaaraha

GENEVA- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha (IDMC) oo ah hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ay gaartay 71.1 milyan adduunka dhammaadki sanadkii hore, sababo la xiriira iska-hor-imaadyada iyo masiibooyinka cimilada.

Ergeyga ayaa madasha ka jeediyay aragtida dawladda Soomaaliya ee ku aaddan mushkilada iyo xalka arrimaha barakaca, isagoo diiradda saaray sida ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qabto asalka mushkilada cunta yarida oo ah la’aanta maalgelinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, uguna horrayso maalgelinta beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dalkeenna, barakacayaal gaaraya 3.6 milyan ayay colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo cunto yaridu ku qasbeen in ay magaalooyinka buux dhaafiyaan, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu horreeya ee dadkiisu magaalooyinka iskugu soo ururayaan.

Ku dhowaad 46% dadka Soomaaliyeed waxay maanta ku nool yihiin magaalo, waxaana hoos u sii dhacaysa noloshii miyaga ee xoolo dhaqashada iyo beerashada.

Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta oo ka qeybgashay shir ka dhacay Sweden

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa  Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey tagriibka  oo ay soo  qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka tahriibka ee meelo kala duwan ee adduunka ah.

Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.

” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka  oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden” ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji .

Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha   ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.