Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kuwaasi oo Madaxweynaha u soo  bandhigey waxqabadka halkii sano ee la soo dhaafay oo ka soo bilaabaneysa xiligii u Madaxweynaha xafiiska la wareegay May 2022.

Warbixinta ayaa ku aadaneyd, guud ahaan Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kan xafiiska Madaxweynaha, qorshaha istaraatiijiyadda 2023-2026 iyo qorshaha horumarinta Madaxtooyada JFS.

      

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay ku simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka waasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku simaha  Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa kulankooda kaga wadahadley horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaaliya ka sameyneyso dhanka sugidda amniga, dagaalka lagula jiro Khawaarijta, diyaar garowga wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, maamul wanaagga, adeegyada bulshada, barnaamijyada xasilinta, dib u heshiisiinta  iyo horumarinta.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey dadaalka ay dowladda u gashey sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo taageero iyo iskaashi u buuxa u muujiyay dowladda iyo ciidanka qaranka.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys uu Ergeyga Qaramada Midoobay faahfaahin ka siiyay qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Wasiirada ee khuseeyay maareynta maaliyadda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa.

Ku siimaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho ayaa dhankeeda ku bogaadisay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto inay nabad, kala dambeyn iyo horumar ku soo dabbaasho dalka, iyadoo intaa ku dartey in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashiga iyo taageerada ay Soomaaliya u fidineyso.

  

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS oo si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soaamliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta si rasmi ah u daah furay munaasibad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka taas oo ay si daahfuran ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritas taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiira Jibriil, ayaa sheegay in talaabadani ay hagaajin doonto sidoo kalena hirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka, waxaana uu ku bogaadiyey maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo dadaal xoog ee ay ku bixiyeen guusha maanta la gaadhay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa waxa carabka ku dhuftay in arrintani ay muhiim u tahay ilaalinta badqabka bulshada, kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha iyo weliba kobac dhaqaale oo waara, isaga oo xusay inay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aan la lee nahay wadamada caalamka.

Ugu dambayn, Wasiirku, wuxu guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo u mahadceliyey madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah ee arrintan.

  

Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo badbaadisay dagaalka ka socda Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa 9 muwaadiniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho.

Muwaadiintaan ayaa ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka soo galeen xuduuda Sudan, muwaadiniintaan oo ah arday wax ka baranaysay dalka Sudan oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dhaweeyay xafiiska ergayga gaarka ah madaxweyne ha u qaabilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta.

Dowaladda federal ka Soomaaliya waxaa ka go’an inaysan waxba la harin inta muwaadinka ugu dambeeya laga soo badbaadinaayo colaadda ka taagan Suudaan.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubnno katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Goobo ay khawaarijta ku dhuumaaleysanaysay oo dhaca xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeellaha dhexe.

Deegaanka howlgalka uu dhacay ayaa lagu magacaabaa Sabansableey waxana halkaa ka dhacay dagaal xooggan kaa oo khawaarijta loogu geeystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan khawaarijta ay isku arruursanayeen deegaanka Sabansableey, si ay u sameeyaan arbushaad, hada yeeshee ciidammada ayaa ka hortagay dhagartooda.

Xoogga dalka ayaa sii baacsanaya xubnihii khawaarijta ee ku dhuumaaleysanay deegaanka oo isaga cararay halkaa.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay gaba-gabada fadhiga loo dhanyahay ee shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Jidda ee Dalka Saudi Arabia.

Shirkaan oo ay fadhiyeen dhammaan wasiirada Maaliyadda Dalalka Islaamka iyo gudoomiye-yaasha Bangiyada Horumarinta ayuu wasiirka maaliyadda Soomaaliya ka horsheegay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriigay in loo baahan yahay in dalalka Islaamka ee ku bohoobay Bangiga Islaamka iyo Madaxweynaha Bangiga ay si gaar ah u la shaqeeyaan dalalka ka soo kabanaya dagaalada sukeeye oo ay Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay hadda ku socoto dariiqii rajada, kana gudbaysa Caqabado waayweyn oo ay ka mid yihiin dhibaatada laga dhaxlay arrimaha argagixisada, Abaaraha, iyo Saameyntii Covid-19.

Gunaanadkii khudbadda ayaa wasiirka maaliyadda waxa uu kaga codsaday Dalalka Islaamka in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan dhameystirka barnaamijka deyn-cafinta oo hadda soo gaaray heer gabo-gabo ah.

Ciidanka Sirdoonka oo fashiliyey shabakad khawaarij ah oo isku urursanaysay deegaanka Sabyo

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa helay xogta Dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo isku dayaya in ay si dhuumaalaysi ah ku soo galaan deegaanka Sabyo oo ka mid ah deegaannada hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay halkaas ugugu yeeraan ganacsatada uguna baadaan xoolahooda, sida ay xog ku heshay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Kooxda khawaarijta oo ku naaxday dhiiga iyo hantida shacabka soomaaliyeed ayaa waxaa saamayn wayn ku yeeshay Talaabooyinka ay qaaday dowladda kuwaas oo gabi ahaanba lagu soo xiray waddo kasta oo ay ku boobi jireen hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa horay waxay u burburiyeen dhammaan Maxkamad beenaadyadii iyo Xarumihii ay dadka ugu yeeri jireen Khawaarijta kuwaasi oo ku yaalay duleedyada Muqdisho iyo deegaanno hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay dad la macaamilay Khawaariijta, Ganacsato baad siiyay iyo kuwa doonayay inay ugu tagaan meelaha ay joogaan oo Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen.

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka horay waxay u burburiyeen Dhammaan Maxkamad beenaadyadii iyo Xarumihii ay dadka ugu yeeri jireen Khawaarijta kuwaasi oo ku yaalay duleedyada Muqdisho iyo deegaano hoos taga Gobalka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey go’aanno culus uga qaadatay in kooxda khawaarijta la siiyo lacago baad ah iyadoo dowladda xirtay in ka badan 250 Bank Account oo kooxda khawaarijtu isticmaali jireen.

Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).

Bilowgii so ifa-bixida Khawaarijta Al-shabaab, waxay soo saareen go’aanno ah ciddii salaanta ciidanka in la dili doono, go’aankaas ayaa ahaa mid lagu kala fogeynayo isla shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas oo dhabar jab ku noqoneysa argagixisada haddii ay is fahmaan ciidamada iyo shacabka.

Go’aankaas guracan waxay ku dileen dhalinyaro badan oo u hoggaansami waayay amarka Khawaarijta, balse ku dhowaad dhowr iyo toban Sano ka dib, shacabka ayaa ku dhiiraday in ay ka tallaabaan amaradii Al-shabaab ay ku cabsi gelin jirtay.

Waxaana qof kasta uu ogaaday shaxda uu Al-shabaab u isticmaalo shacabka, sidoo kale, waxay u bixiyeen magacyo qalafsan oo ay ku bahdilayaan sumcadda iyo sharafta ciidamada, magacyadaas foosha xun ee Khawaarijta Ku marin habaabin jirtay shacabka waxaa ka mid ahaa calool-uus, Maryo-callas, Gaalo Kalkaal, Mujrim, kaafir iyo kuwo kale oo ka sii xun.

Balse, sanadihii ugu dambeeyay waxay indhuhu ay qabanayeen marka aad booqato baraha Bulshada dhalinyaro ku lebisan dareeska ciidamada. Kuwo kale, oo ku faanaya in ay xirtaan mar un dareeska ciidamada, ficiladaas dhallinyarada ka timid ayaa bilow wanaagsan u noqday isdhexgalka Bulshada iyo ciidanka oo difaac ku kala jiray.

” waxaan u taagan nahay waxay tahay inaan ka dulqaadno dadkan masaakiinta ah ee shacabka Soomaaliyeed aan u dhaaranay inaan mar walba cadowga ka ilaalino, balankeenuna uu ahaa caqabad nama joojin karto, sidaa darteed, waxaan u baahan nahay nimankan Khawaarijta ficilkooda guracan iyo dhaqankooda foosha xun iyo baadda iyo dhaca dadka ku hayaan inaan ka dulqaadno,”.

Xilligan oo ay wariyaasheennu ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, ku dhowaad labadii bilood ee la soo dhaafay, bil ka mid ah waxay howdka ku wada qaateen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

” Khawaarijtu waa dad naxariis lahayn, dadka waa gumaadaan, anagana meeshan waxaan ugu talagalnay inaan shacabka ka xoreyno, waxaan u soo dhaqaaqnay inaan Diinteenna, Dalkeenna iyo Dadkeennu cadowga ka difaacno,’ ayuu yiri askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka.

15-maalin oo ka mid ah bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxa ay lugeynayeen maalintii ku dhowaad 7 ilaa 8-km, iyaga oo sooman, salaadana aan ka tegin, cadceedu oo aad u kulul, gaajana u sii dheer tahay.

Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab ayaa ugu sheekaya shacabka aan arkin harka Dowladnimada 15kii Sano ee la soo dhaafay in ciidanka Dowladda ay Gaalo yihiin.

” Kuwa Gaalo waa dhahaayo kawaran ma soomaan ma salaadaan, kuwaas Ilaahbaa haleeyay, waa dadkii Nabiga ( CSW), sheegay weeyaan, ninkii dila iyo ninkii ay dilaanba labadaba jannada lagu gelayaa,” ayuu yiri, mid ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Deegaanno badan ayay ka qixiyeen dadkii degganaa, gabdho yar yar iyo hooyooyin u soo aroor tegay ceelasha biyaha deegaannadaas ayay maalin walba caawiyaan ciidanka, balse falcelinta ka imaanayay shacabka ayaa ahayd ” Alle nagama qaado wiilasheenna,”.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta carruurta agoonta ciidanka Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa kormeer ku tagay Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee barbaarinta Carruurta.

Wasiirka Caafimaadka iyo Mas’uuliintii la socotay waxaa Xarunta Agoonta Carruurta Booliska ku soo dhaweeyey Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo Sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), Wasiirka ayaa soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xarunta sida goobta ay jiiftaan, halka ay ku cunteeyaan, goobahooda nasiinada, isagoo ku hakaday qeybta Farmashiyaha Xarunta si uu u hubiyo xaaladda goobtaas.

Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa uga warbixiyey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan xaaladda Carruurta Agoonta ee ku jira Xarunta barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa daneynayey xogta ku saabsan Caafimaadka Carruurta si loo la socdo xaaladdooda iyo hadii ay jiraan caqabado si looga gudbo.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta sidoo kalena bogaadiyey hogaanka Booliska gaar ahaan mas’uuliinta gacanta ku haysa xaruntan soo saarta Ubaxii dalka, isla markaana lagu koriyo Carruurta Booliska Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Wasiirro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Galmudug.

Halkan ka akhriso magacaabista Wasiirada.