Guddoomiye sheekh aadan madoobe oo hambalyo u diray munaasabada 15-ka may awgeed dhalinyarada soomaaliyee

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madobe, ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah maalintii dhidibada loo aasay ururkii gobonima doonkii Soomaaliyeed ee SYL.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay udub dhexaad u ahaayeen halgankii xornimo doonka dalkeenna, iyagoo tiir muhiim ah u ahaa dowladnimadda dalka, waxayna kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn waxaa uu dhalinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida ay door weyn uga qaateen dhismaha dowladnimadda, xorreynta dalka iyo u adeegida bulshada kala gedisan ee ku nool dalkeenna.

Madaxweynaha JFS oo ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

   

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda WFP

Dhuusamarreeb, SONNA:Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay wafdi ka socday haya’dda WFP oo uu hoggaaminyay wakiila hay’adda ee Soomaaliya mudane Sayeed Mohammad Farooqui.

Kulanka  ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda goboleedka Galmudug iyo sii wadidda arrimaha bani’aaddannimada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay teegeerada ay shacabka reer Galmudug la garab taaganyihiin

 

.    

Maxaa u qabsoomay Madaxdweyne Xasan Sh. muddada halka sano ah. (WARBIXIN

Inta aan u gudagalin nuxurka warbixinta aad bal dib yara jaleecno, sidii mar kale loogu doortay Xilka Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee laba mar loo doorto, waxayna dorasho socotay muddo 10 saacadood ah ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah, isagoo wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Tirada guud ee codeysay ayaa aheyd 327 cod. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod. Mudane Xasan Sheekh ayaa horey Madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012-kii ilaa 2017-kii.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022-kii, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse markii dambe ay shan ka hareen, waxaana Wareegga labaad ee doorashada u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod,  waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre, ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Codeyntaasi oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishaasi, si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Dhashay 29 Noofambar 1955-ki, wuxuuna ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraani waa siyaasi Soomaaliyeed, waana aasaasihii iyo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka . Waxaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15-kii May 2022-kii, Waxa uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya 2012 ilaa 2017. Waxa uu ahaa nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga iyo siyaasadda, Xasan waxa uu hore u ahaa bare jaamacadeed iyo hormuud Kulliyadeed.

WAXABARASHADA: Mudane Xasan waxa uu dugsigii hoose dhexe iyo sare ku qaatay magaaladii uu ku dhashay ee Jalalaqsi, Ka dib waxa uu u soo wareegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 1978-kii, halkaas oo uu muddo saddex sano ah wax ka baranayey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee deegaanka. Sannadkii 1981-kii, waxa uu machad ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee tignoolajiyada

Sannadkii 1986-kii, Xasan waxa uu u socdaalay dalka Hindiya oo uu bilaabay in uu dhigto Jaamacadda Bhopal (hadda Barkatullah University). Halkaas oo uu 1988-kii ku qaatay shahaadada mastarka ee waxbarashada farsamada. Xasan sidoo kale waa ka qalin jabiyay Machadka Dhisidda Nabadda xagaaga ee Jaamacadda Bariga Mennonite ee fadhigeedu yahay Harrisonburg, Virginia . Sannadkii 2001, waxa uu dhammaystay saddex ka mid ah koorasyada degdegga ah ee SPI, isaga oo baranaya dhexdhexaadinta, bogsiinta dhaawacyada, iyo naqshadaynta tababarro udub dhexaad u ah ardayd, ugu dambeyntiina waxa uu qaatay shahaada PHd-ka sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud doorashiisa kadib waxa uu ballaan qaaday qodobo dhowr ah iyo hal ku dhig uu ku galay Ololahiisa doorasho, kaasi oo ahaa SOOMAALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH, waxa uuna isla markii la dhaariyayba ku dhawaaqay inuu Ammaanka dalka uu wax ka qaban doono, islamarkaana uu dagaal la gali doono Kooxaha Xagjirka ah ee argagaxisada Khawaarijta Al-shabaab, waa uuna ka dhabeeyay, isagoo dagaal ku qaaday, lagana xoreeyay dhammaan Deegaanada ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug, howgalkaasi oo ahaa Wejiga 1-aad, waxaana lagu xoreeyay in ka bad 52 magaalo, kadibna waxay Ciidamadu ku wajahan yihiin fulinta dagaalka wejigiisa 2-aad, kaasi oo la damacsan yahay in uu ka dhaco Webiga Jiinkiisa.

Muddadii halka sano aheyd ee ay jirto Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa ay ku guuleysatay islamarkaana ay waxa ka badashay Ammaanka iyo Xasiloonida Caasimada Dalka ee Muqdisho, taasoo laga dhigay mid ammaan ah,kadib markii laga howlgaliyay Ciidammo cusub, kuwaasi ay ku diirsadeen Dadka Shacabka ahaa ee ku dhaqnaa degmooyin ay dhibaatooyin ka geysan jireen Gaangis abaabulan iyo garanwaa.

Dhinaca kale waxa uu ka dhabeeyay halku dhiggiisa ahaa SOOMALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA H, waa uu shaqeeyay ayaa dhihi karnaa, waayoo markii la doortayba waxa uu ku dhaqaaqay inuu kulamo siyaasadeed la qaato Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Dalka, si ay u sii socoto wada shaqeynta Madasha Qaranka, waxaana laga xasuustaa hadal qiimo leh islamarkaana macno weyn ku fadhiya ka jeediyay Magaalada Dhuusamareem, taaso oo ah “ wax la is jiidaba ama la is booxaariyaba caadi iska dhiga waxay ku dhammaatay Xasan Shiikh aa Madaxweyne ah”.

Dhinaca Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa uu Madaxweynaha iyo Dowladdiisu ku dhaqaaqeen inay soo celiyo xiriirka Dunida ay Soomaalidu la leedahay, isagoo ka bilaabay Wadamada Safka hore ama Deriska la ah Soomaaliya, waxa uuna ku guuleystay inuu caadiyeeyo Xiriiradooda , kadibna waa uu safarro ku kala bixiyay wadammo isugu jira kuwa aan Walaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibada nahay, kuwaasi oo iyana la soo celiyay heshiisyadooda.

Dhinaca kale muddada halka sano ah ee ay jirtay Dowladda waxay Barlamaanka Soomaaliyeed la hor geeyay Hindise-sharciyeedyo badan oo maray dhammaan sharciyada Dalka, kana guteen waajibaadkooda laba Gole ee Baarlamaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi ah in ka badan 10 hindise-sharciyeed, islamarkaana oo uu saxiixay Madaxweynaha,la marsiiyayna faafinta rasmiga, waxaana ka mid ahaa Sharciga Argagixisada, sharciga Lacag dhaqista, sharciga Hey’adda Sirdoonka Qaranka iyo kuwa kale oo badan, kuwaasi dhammaantood waxtar u leh geeddi socodka Dowladnimo.

Dhinaca Deyn cafinta dowladda waxa ay sii dhiraan-dhirisay sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana loo koray geed dheer iyo mid gaaban, ugu dambeyntiina waxay soo gaarsiisay in la cafin doon dhammaan deymaha lagu leeyahay Dalka Soomaaliya bartamaha bisha asgoosto ee sanadkan, deyntaasi oo dhan 5 Billion oo Doolar.

Haddaba maadaama ay Dowladda muddo hal sano ah gudahood ku qabatay wixii lagu qaban jira sanooyin badan ayaan haatanna ka sii fileynaa inay dadaalkaasi ka sii waddo,  wanaajinta dowladnimada iyo horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay ugu hambalyeeynayaan waxqabadka Dowladdooda sanad jir sasatay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 15-ka may

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo oo ku beegan curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbannaanida ay maanta ku faanayso, taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka dalkooda.

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa waxa warbixin looga dhageystay guddiga doorashada Galmudug oo ka warbixiyay halka ay u marayaan dadaallada ku aaddan doorashooyinka ee ay wadaan.

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran  oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliyadasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raadinaayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

Haddaba,15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 80-aad ee ka soo wareegay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

SONNA

Madaxweynaha JFS oo sagootiyey ciidan ka qeyb-galaya wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

 

Warbixin: Dhallinyaradii S.Y.L iyo kuwa maanta khawaarijta ka xoraynaysa dalka

Dal kasta, awood ahaan, Difaac ahaan iyo horumar ahaan intaba, inkastoo dhallinyarada ay ku kala duwan yihiin wadamada ay joogaan iyo  xaaladda ay ku kala sugan yihiin.

Marka aan soo qaadanno dhallinyarada Soomaaliyeed  jiilba, jiil wuxuu soo gaaray xaalad uu dalkiisa iyo dadkiisaba uu kula noolaa, labada heer oo la is-garab dhigay ayaa ah dhallinyaradii keentay gobonimada aan ku nool nahay iyo kuwa hadda u jooga xoreynta Khawaarijta hor taagan nabadda iyo horumarka.

Dhallinyaradii isku dhaarsatay in dhiigooda ay u huraan dalkooda una keennaan gobanimo, waa ay suura geliyeen oo taariikhda ay leeyihiin ayaa laga sheekayaa. Hadda waxay su’aal dul taagan tahay in dhallinyardu uu dalku leeyahay laga rabo in dalka ay ka qabtaan Khawaarijta dhiigyo cabka ah si ay u noqdaan kuwo taariikhda baal dahab ah ka gala.

Dalka, waxaa jooga kuwo damiirkooda wali nool yahay, kuwaas oo wacad ku maray guul gobanimo leh ams geeri.

” Nimankaas in la baxshana rag ayaa ka dambeeyay, Dalkaanna rag ayaa iska leh, aniga Hal dardaaran oo kaliya ayaa leeyahay, dadka jaanuusiinta ee Afcad ku suganow shaqadiina wata aniga iyo adinka waa isku dambeynaa, “. ayuu yiri wiil dhallinyaro ah oo u soo banbaxay laaynta argagixisada.

” Qof kasta oo imaan leh ayaa ku samreysa, Khawaarij in ay wax xun tahay dadka bini-adamka ah oo caqiidada Diiniga ah leh waa ogyahay”.

Geesiyaasha baacsanaya Khawaarijta sii dabar go’aya waxaa dhiig kuleel u ah dumar dhiiri gelin la daba jooga, kuwaas oo dhankooda qoryaha ka wata si ay dalka xoreyntiisa uga qeyb qaataan.

“Maaddaama shacabka, marasta iyo waayeelada dhibaato ku hayaan, inta ay ku hayaan ka badan anagana inaan u geysan doono, wallaahi inta waddo ee hadda soo marnay ama deegaan soo marnay waa soo xoreynayo, inta noo dhimanna waa xoreyneynaa,” ayay tiri haweeyney qorig u qaadatay ciribtirka cadowga.

Dhulka keynta ah iyo geedihii ay ku baadi jireen khawaarijta, hadda waxaa ku hoos haryana dhallinyarada dhiigooda u huraya shacabkooda.

”  Wiilashaas Soomaaliyeed, Gabdhahaas Soomaaliyeed, hooyooyinka iyo aabayaasha Soomaliyeed inta ay wali dul saaran yihiin wali waxaan dareemeynaa, xanuunkii aan dareemeynay markii aan soo bilaabeynay,” ayuu Generaal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka.

Dhallinyaradan ciidanka iyo shacabka leh, Khawaarijta hadda waxay ka xoreeyeen deegaanno badan lamana istaagayo inta taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay Khawaarijta ku harsan tahay.

” Kuwani wax lagu tilmaamo oo kalmad ah, kalmad walba oo lagu tilmaamay ayadaa ka asha-haadaneyso, marka waxaan rabnaa in cadowgaas deegaanada dhan laga xoreynayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan sida ay ugu istaageen waa ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Xoreynta socota dhalinyaro badan ayaa ku naf waayay, dhiigoodu wuxuu harsi u yahay Bulsho 15-sano u afduubna Khawaarijta Khawaarijta, wali waxaa jira dhallinyaro kale oo heegan u ah ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060

Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

 

4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060.

5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan).