Madaxweyne Xasan “Dhallinyaro siyaasadda waa inaad doonataan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FeFederaalkSoomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey kulan dhalinyaro oo lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa tilmaamay in dhallinyarada maanta joogta fursad dahabiya haystaan oo ku aaddan in ay muujiyaan kaalintooda si ay horseedna ugu noqdaan hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku booriyey in ay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta dalka, la dagaalka musuq maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyagoo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto”

Dhallinyarada ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay aragtiyo iyo talooyin wax tar u leh qaran diska dalkeenna, waxa ayna waydiiyeen su’aallo ku qotomo qorshaha dowladda ee ku aaddan fursadaha dhallinyarada iyo xuquuqaha ay tebayaan, isagoo uu mid mid uga jawaabay su’aalaha dhallinyarada, kuna adkeeyey dhallinyarada xoojinta dowladnimada, sarreynta sharciga iyo dowlad wanaagga.

    

Wasiirka caafimaadka oo qaabilay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiska ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Fei Shengchao.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) ayaa looga hadlay aragtiyada cusub ee ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga wasaaradaha caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegey in dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa ka faa’iidaysiga calaaqaadka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhexeeya Shiinaha, si loo xaqiijiyo yoolka wasaaradda ee ku aadan aafimaad tayo leh oo dhamaystiran in bulshada la gaarsiiyo.

  

Wasiirka maaliyadda oo Sucuudiga uga qayb galay shirka wasiirrada maaliyadda jaamacadda Carabta

Jidah (SONNA): Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qaybgalay meertada 32-aad ee shirka Jaamacadda carabta, heerkiisa wasiirada maaliyadda iyo khabiirada dhaqaalaha oo maanta ka furmay magaalada Jeddah.

Dr Cilmi ayaa shirka ka jeediyey kkhudbad uu kaga hadlayo marxaladda Soomaaliya, isagoo mar kale ugu baaqay dalalka jaamacadda carabta in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan hannaanka deyn-cafinta iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka ayaa kulan magaalada Jeddah kula qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muxamed Al-jaasir, iyagoo ka wada hadalay sidii Bangigu uu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha horumarinta Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda, hannaanka deyn-cafinta iyo taageerada Bangiga oo ku saleysan sidii uu uga qeyb qaadan lahaa mashaariicda horumarinta Soomaaliya.

   

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda iyo arrimo kale

Nairobi :- Wasiirada arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac, Gaashaandhigga mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo amniga Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa dhigooda dalka Kenya kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Kulankaas ayaa looga hadlay fududaynta isku socodka bulshada labada dhinac, ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada, waxaana labada dowladood ku heshiiyeen qodobo dhawr ah.

“Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha mudane Doodishe.

Sidoo kale labada dowladood ayaa ka wada hadlay dalkugalka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taas oo sare u qaadaysa isku socodka bulshada labada dhinac iyo dhaqaalaha, waxaana laga gaaray isafgarad buuxa.

“Waxaa kale oo aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah” ayuu yiri wasiir Doodishe.

   

  

Xeer ilaalinta Qaranka oo dacwad ku soo oogtay shirkad ajnabi ah

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga oo la kulmay dhiggooda Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac, Gaashaandhigga Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Amniga Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa dhiggooda dalka Kenya kulan kula yeeshay dalkaasi.

“Waxaan sharaf ii ah inaan maanta kala qeyb-galo Wasiirradeena Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS iyo Amniga Gudaha shir aan la yeelanay dhigageenna Kenya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in kulanka Wasiirrada labada dal Diiradda lagu saaray isku-duwidda dadaallada lagu furayo laguna howl-gelinaayo xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

  

Safiirka JFS u fadhiyay dalka Sudaan oo xaqiijiyay in ciidmada mucaaradka ay galeen xarunta safaaradda

Safiirka jamuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Maxamed Sheekh Isaaq ayaa xaqiijiyay in ciidamada mucaaradka dalkaas ay galeen xarunta safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka sudan, ayna jajabiyeen ciidamada albaabada oo dhan.

Safiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xiliga falka dhacayay uusan ku sugneyn safaaradda balsa sid ay u shegeen ilaalada safarada iyo dad daris la ahaa ay ciidamada gudaha u galeen xarunta safaaradda islamarkaana ay jajabiyeen albaabadii safaaradda,balsa aysan jirin wax agab ama dukumiintiyo ah oo laga qaatay safaaradda sid dadka dariska ah ay la wadageen,waxa  sidoo kale sheegay safiirka in madaama xarunta safaaradda cidna aysan joogin xiliga lagalayay anan si dhab ah loo xaqiijin karin in ciidmada ay bililiqeysteen safaaradda balsa dib laga ogaan doono.

Safiirka ayaa  sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniinta soomaaliyeed looga soo saari lahaa dalka Sudan,ilaa iyo hadana aysan jirin in qof soomaaliyeed ay waxyeello ka soo gaartay dagaalada ka socda dalka sudaan.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Soomaaliyeed iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed  ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).

Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddan ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen Bililiqada loo geystay Xarumaha Ergada UNMISS iyo Safaaradda Somalia.

Guddoomiye sheekh aadan madoobe oo hambalyo u diray munaasabada 15-ka may awgeed dhalinyarada soomaaliyee

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madobe, ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah maalintii dhidibada loo aasay ururkii gobonima doonkii Soomaaliyeed ee SYL.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay udub dhexaad u ahaayeen halgankii xornimo doonka dalkeenna, iyagoo tiir muhiim ah u ahaa dowladnimadda dalka, waxayna kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn waxaa uu dhalinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida ay door weyn uga qaateen dhismaha dowladnimadda, xorreynta dalka iyo u adeegida bulshada kala gedisan ee ku nool dalkeenna.

Madaxweynaha JFS oo ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

   

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda WFP

Dhuusamarreeb, SONNA:Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay wafdi ka socday haya’dda WFP oo uu hoggaaminyay wakiila hay’adda ee Soomaaliya mudane Sayeed Mohammad Farooqui.

Kulanka  ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda goboleedka Galmudug iyo sii wadidda arrimaha bani’aaddannimada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay teegeerada ay shacabka reer Galmudug la garab taaganyihiin

 

.