ISLAAMKA IYO BARBAARINTA UBADKA

Islaamku wuxuu aabaha iyo hooyada ku waajibinayaa in ay u istaagaan barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid bulshadeed. Xaqiiqdii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay.

Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu waxaa ku kala hormaraan xagga akhlaaqda.

Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo kaliya ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan la helo. Ubadku waa amaano waalidka luqunta u suran, waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan oo ubadkooda ku hanuuniyaan dariiqa wanaagsan.

Ubad kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa, barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba iyo in uu magac wanaagsan u bixiyo.

Hooyada waxaa iyana laga rabaa in ay ku dadaasho canuggeeda kuna tarbiyeyso runta, amaanada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan yahay in ay canuuggeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale. Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso.

Sidaa ay tahay hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siiso.

Ibnu Cabbaas (Allah ha ka raalli noqdee) waxaa laga weriyay in Nabeigu (N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”. Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogto ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waa in ay jecleysiiyaan waxyaabaha wanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha xun  amaba dhibaatadu ku jirto.

Waalidiintu waa in ay ubadkooda baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal ama dhaqan wanaagsan waa in lagu amaano, lagu dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo, Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto.

Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggooda jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas. Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan 7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”.

Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan shaqada iyo waxbarashada.

Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan iyo qallafsanaan la’aan.

Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”.

Sidaas darteed labada waalid waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga.

Haddiise ay labada walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyo canaanta iyagoon ku talax tegeyn, waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu ku yiri Mardaas oo macallim ahaa “ka digtonow  in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey ayaa kaaga qisaasaya”.

Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

XUSKA SANNAD-GUURADA 53-AAD EE MAALINTA DHALLINYARADA ADDUUNKA 15-MAY (WARBIXIN)

<!– /* Font Definitions */ @font-face {font-family:SimSun; panose-1:2 1 6 0 3 1 1 1 1 1; mso-font-alt:SimSun; mso-font-charset:134; mso-generic-font-family:auto; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:3 680460288 22 0 262145 0;} @font-face {font-family:SimSun; panose-1:2 1 6 0 3 1 1 1 1 1; mso-font-alt:SimSun; mso-font-charset:134; mso-generic-font-family:auto; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:3 680460288 22 0 262145 0;} @font-face {font-family:Calibri; panose-1:2 15 5 2 2 2 4 3 2 4; mso-font-alt:Calibri; mso-font-charset:0; mso-generic-font-family:swiss; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:-469750017 -1073732485 9 0 511 0;} @font-face {font-family:”\@SimSun”; panose-1:2 1 6 0 3 1 1 1 1 1; mso-font-charset:134; mso-generic-font-family:auto; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:3 680460288 22 0 262145 0;} @font-face {font-family:Verdana; panose-1:2 11 6 4 3 5 4 4 2 4; mso-font-alt:Verdana; mso-font-charset:0; mso-generic-font-family:swiss; mso-font-pitch:variable; mso-font-signature:-1610610945 1073750107 16 0 415 0;} /* Style Definitions */ p.MsoNormal, li.MsoNormal, div.MsoNormal {mso-style-unhide:no; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; margin:0in; margin-bottom:.0001pt; text-align:justify; text-justify:inter-ideograph; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.5pt; font-family:”Times New Roman”,”serif”; mso-fareast-font-family:SimSun; mso-font-kerning:1.0pt; mso-fareast-language:EN-US;} a:link, span.MsoHyperlink {mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; font-family:”Times New Roman”,”serif”; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; color:blue; mso-style-textfill-fill-color:blue; mso-style-textfill-fill-alpha:100.0%; text-decoration:underline; text-underline:single;} a:visited, span.MsoHyperlinkFollowed {mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; color:#954F72; mso-themecolor:followedhyperlink; text-decoration:underline; text-underline:single;} p {mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-margin-top-alt:auto; margin-right:0in; mso-margin-bottom-alt:auto; margin-left:0in; mso-pagination:widow-orphan; font-size:12.0pt; font-family:”Times New Roman”,”serif”; mso-fareast-font-family:SimSun; mso-fareast-language:ZH-CN;} .MsoChpDefault {mso-style-type:export-only; mso-default-props:yes; mso-fareast-font-family:SimSun;} .MsoPapDefault {mso-style-type:export-only; margin-bottom:8.0pt; line-height:107%;} @page WordSection1 {size:8.5in 11.0in; margin:1.0in 1.25in 1.0in 1.25in; mso-header-margin:.5in; mso-footer-margin:.5in; mso-paper-source:0;} div.WordSection1 {page:WordSection1;} /* List Definitions */ @list l0 {mso-list-id:-1505128485; mso-list-type:hybrid; mso-list-template-ids:-1 -1 -1 -1 -1 -1 -1 -1 -1 -1;} @list l0:level1 {mso-level-start-at:15; mso-level-suffix:none; mso-level-text:%1-; mso-level-tab-stop:none; mso-level-number-position:left; margin-left:6.3pt; text-indent:0in; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; text-underline:#000000;} @list l0:level2 {mso-level-text:

XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO MEEL MARISAY QARAARKA ADKAYNTA IYO HUFNAANTA MAARAYNTA MAALIYADDA DALKA.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la hadal hayay oo farta lagu fiiqayay musuq maasuqa iyo dhibaatada uu ku hayo dalka ka dib markii la arkay in ay tahay arrintaas boog meel xun kaga taalla dalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee musuq iyo maasuq iyo wax isdaba marinta waa waxa halkaa na dhigay ee indhahaa inoo yeelay, iyadoo aan marna laga fikiri jirin wax daah-furnaan maaliyadeed ah.

Mahadi haka gaadhee haatan waxaa indhaha saaray oo arkay in aanay jirin meel noo fiyow, madaxdii qaranka oo ogaaday in haddii  xaalku sidaan si ahaado inaan melena.

Kullankii Wasiirrada XFS ee ka dhacay muqdisho ayaa lagu jeex jeexay dhibaatada musuqa iyo wax isdaba marinta iyo daah furnaan la’aanta ku dhex jirta maamulka dowladda.

Madaxda waxay go’aan adag iyo qaraar dhaxal gal ahba ka soo saareen shirkooda isla markaana iyagoo meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka.

Qaraarkaas oo ka kooban 8 qodob ayaa waxuu u qornaa sidatan soo socota:-

Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha JFS ayaa isagana taageeray qaraarkaas ay golaha wasiirradu soo saareen wuxuuna noqon doonaa mid dhaxal gal ah oo waara.

Dhanka kale, Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa meel adag iska taagay arrinta musuqa maasuqa kuna tilmaamay inuu yahay cadowga ummadda wuxuuna yiri wasiirku “Musuq-maasuqa waxaan u aragnaa in uu yahay Cadowga umadda” sidoo kale wasiir Xasan Macalin  ayaa sheegay in musuqmaasuga uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi kara burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.

“Qofna laguma dulminayo in uu yahay Sarkaal Hoose Qofnna kuma Baxsanayo in uu yahay Sarkaal Sare Marka howshu joogto Musuq maasuq” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macallin ayaa xusay in musuq maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka, sidaa daraadeed, waxaa naga go’an ayuu yiri in aan la dagaalanno.

Haddaba, arrintan ayaa waxay cadeyneysaa in la soo gaaray waqtigii la oogi lahaa xisaabi xil maleh haddaan la xumeynin waa xilligii daah-furnaanta iyo hufnaanta maareynta maaliyadda dalka isla xisaabtanka iyo dabagalka.

Waa loo baahnaa weliba kol hore ayay ahayd in sidaan oo kale ay dhacdo balse waa ilaah mahaddii hadday maanta garteen madaxdeenna.

Dalkana waxaa loo rajenayaa in dhaqaalihiisa durba kobco dunidana la jaan qaado, ayna arkaan sida soomaaliya ay u hanaqaaday.

Arrintani waxay gacan buuxda ka geysan kartaa deen cafinta waxayna suurta gelin doontaa in dunida na aaminto Inshaa Allaah.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

SOOMAALIDA MAANTA IYO XUSUUSTA GOBANNIMADOODA

Soomaalidu waxay soo martay waddo aad dheer waxaana ugu horreyey dagaalkii gobanimadoonka ee SYL, halgankaasi gobannimadoonka ah waxaa Ku baxay naf iyo maal oo waxa u geeriyooday geesiyaal badan oo soomaali ah oo rag iyo haweenba leh, ka dibna waa laga xoroobay oo waxaa la qaatay calanka shanta gees leh waxaana ku midoobay gobolladii uu talyaannigu xukumayey iyo kuwii waqooyiga oo ingiriisku gumeysan jiray.

Intaa ka dib soomaaliya waxay yeelatay dowlad, baarlamaani ah oo u dhisan qaab awood qeybsi ah,  muddo ka dibna baarlamaankaas waxaa in khilaab ahaan uga faa,iideystay saraakiishii millateriga oo kula wareegatay xoog inkhilaab aan dhiig ku daadan waxayna soo xukumayeen muddo gaareysa labaatan sano iyo weliba bilo sannad ka yar.

Haddaba, dowladdaas markii ay burburtay waxaa dalka ka dhacay boob iyo dagaallo aan loo meel deyin, muddo markii lagu jiray burbur iyo kala dambeyn la aan oo qof waliba uu sharciga gacantiisa ku qaatay oo aanaa kaa xoog badan io aan tun roon leysku muquunin waayay ayay dantu ka badin wayday in bal dib leysugu noqdo oo xaalka wax laga beddelo ka dib markii laga ogaaday in aysan jirin cid xoog lagu muquunin karo ayaa waxaa la aabaabulay shirar dhowr ah oo lagu raadinayo dib u heshiisiin waxaana ugu horreeyay shirkii loo fariistay waddanka jabuuti gaar ahaan magaalada carta ee dalka jabuuti, halkaas waxaa lagu gaaray heshiis waxaana lagu soo dhisay dowlad  ku meel gaar ah oo ku dhaqmeysa nidaamka 4,5.

Waxaa madax weyne  ka ahaa dowladdaasi mudane Madaxweyne Cabdi qaasin salaad xasan ka dibna waxaa biloowday oo halkaasi ka tifqaaday nidaam dowladnimo kumeel gaar ah wallow ay la kulantay carqalado dhowr ah haddana halkaasi waxaa ka billowday xereg isku dhuubka shaqeynaya ilaa manta waana guul aan la iloobi Karin.

Maanta soomaaliya waxay heysataa dowlad aan ku meel gaar ahayn ka dib markii ay adkeysay nidaamkaas wanaagsan ee talo isku dhiibka iyo xukun isku wareejinta Ah , dowladdaasna waxaa maanta madaxweyne ka ah mudane xasan sheikh  Maxamuud, waana madaxweynahii ugu horreyey ee xukun laba jeer ku soo  laabta inta la og yahay dalka soomaliya.

Iminka iyo haatanna dalka wuxuu ku socdaa dariiqii saxda ahaa iyo horumarka.

Dowladdaan waa dowladda keliya ee u heelan in ay dadka wax u qabato iyadoona kaalinta kowaad ka dhigtay in dalka cadowga la tirtiro ka dibna dadweynaha harraadan loo soo saaro kheyraadkooda si ay ula jaan qaadaan adduunka una noqdaan barwaaqa sooran loo soo shaqo tago.

Maasha Allaah haatan dalka wuu korayaa wuxuuna tiigsanayaa ayaama tegay waxaadna ku farxeysaa markaad aragto dhismayaasha casriga ah, dayactirka laamiyada, bilicda muqdisho habeenba habeenka ka dambeeya way sii nuureysaa oo sii ifiysaa aanagana waxaa leenahay ilaahow il cadow ka haay, dadweynaha og wixii la soo maray waxaan ku boorineynaa in ay dowladda garab istaagaan, bixiyaan canshuuraha muujiyaanna garab istaag aan caadi ahayn waxaana ummadda soomaaliyeed u rajenaynaa sannad walba horumar guul iyo barwaaqo daa’inta.

WQ: Abwaan Gabayre

MAXAY DHIIRI GELINTU MUHIIM UGU TAHAY NOLOSHA

Hadaad rabto inaad weynaato, waxaad u baahan tahay inaad joojisid ogolaanshaha Hadallada dadka ku hanjabinayo.

Tani waa sababta dhiirigelintu muhiim ugu tahay nolosha maxaa yeelay waxay joojineysaa weydiinta oo waxay kugu toosineysaa inaad ka shaqeyso yoolalkaaga.

Yoolalka ayaa ah talaabooyinka loo qaadayo himilooyinkaaga si markaas loo gaaro, waxaad u baahan tahay dhiirigelin si aad ugu sii socoto dhinacaaga.

Qof kastaa kuma dhalan dhiirogelin.

Waxaa jira baahi daran oo ka haysata qaar ka mid ah kuwa rumeysan ” Waxaan galayaa maalintaas ‘ama’ Waqtiga aan ku habboonayn ‘ama xaalad caadi ah oo ah’ Ma sameyn karo taas ‘. Dhiirrigelintu waa qodobka qeexaya ee u rogaya fikirka wanaagsan ficil deg deg ah. Waxay u rogaan fikrad wanaagsan ganacsi waxayna si togan u saameyn kartaa adduunka kugu xeeran.

Kalin la’aan, waxba ma gaari kartid. Ma jiraan bartilmaameedyo yool oo ujeeddadoodu tahay ama ujeedo ma leh in lagu dadaalo dhanka.

Dhiirigelintu waa xirfad muhiim u ah nolosha. Sababta ay muhiimka u tahay waa sababta oo ah qof kasta oo dunidan jooga waa mid gaar ah oo leh ujeedo. Si aad si wanaagsan ula socodsiiso ujeeddadaada, waa inaad noqotaa qof ku dhiirrigeliya inaad ka shaqeyso yoolalkaaga kaas oo ka caawiya riyadaada inay run noqoto. Ma aha kaliya adiga aawadaa, laakiin kuwa kale aawadood.

Haddii Steve Jobs aan lagu dhiirigelin inuu ku soo bilowdo Apple, maheli doontid hawada Macbook, iPhone ama iPad.

Ma qaban doontid boorsadaas nashqadeeyaha ah ama ma xirnaan doontid dharkaas haddii naqshadeeyuhu uusan ku dhiirrigelin inuu muuqaalkooda u beddelo si loo gaaro.

Waxaad ku nooshahay adduun dhiirigeliya xallinta dhibaatooyinka oo soo saaray badeecado iyo adeegyo aadan waligaa ogayn inaad u baahan tahay.

Kicinta ayaa waliba kaa caawin karta inaad shaqsiyan noqoto sida ugu fiican ee aad u noqon karto. Tani waxay saameyn wanaagsan ku yeelan kartaa kalsoonidaada, xiriirradaada iyo bulshada aad ku dhex nooshahay.

Haddii aadan wali ku qancin dhisitaanka dhiirigalintaada, halkan waxaa ku yaal sideed sababood oo dhiirigelintu ay muhiim ugu tahay nolosha.

  1. Dhiiro gelinta guud

Markaad dhiirigeliso, waxaad leedahay rabitaan inaad noloshaada wax ka beddesho. Dhiirrigelintu waxay kugu riixaysaa himiladaada sababta oo ah rabitaanka isbedelka. Dhiirigelintu waxay kaa caawineysaa inaad caddeyso himiladaada si aad u ogaato sida aad u shaqeyneyso.

  1. Wax yaalaha Ahmiyada u ah nolashaada

Marka aad ogaato waxa aad higsato, dhiirigelintu waxay kaa caawineysaa inaad mudnaanta koowaad siiso noloshaada. Haddii hadafkaagu yahay inaad qorto buug, waxaad u baahan tahay inaad wakhti u qoondeysato toddobaad kasta si aad u qorto. Dhiirigelintu waxay kaa caawineysaa inaad diirada saarto oo aad u nidar gasho inaad aragto yoolkaaga oo la dhammaystiray.

  1. Inaad Samaysatid wadiiqooyin kuu Horseedo Guusha

Waddo kasta oo lagu gaaro guusha waxay leedahay dib u dhac. Ma jiraan wax la mid ah oo dariiqa riyada ah ee aad ku gaadhayso riyadaada. Dib udhacyadu waxay kaa shakiyi doonaan in ujeedadaadu u qalanto dadaalka, laakiin talaabooyin dhiirigalin ah oo ku siinaya awood iyo geesinimo inaad markale isku daydo.

  1. Inaad Samaysid isku Dayo Badan

Tani waxay la xiriirtaa qodobka hore, laakiin dhiirigelintu waxay kaa caawineysaa inaad ku dadaalto dib u dhacyo, tijaabooyin iyo cabsi. Thomas Edison waxaa lagu yaqaanay abuurista nalka nalka waxaana lagu xasuustaa xigashadaan, ‘Maan guuldarreystay. Waxaan hadda helay 10,000 oo waddo oo aan shaqeyn doonin. Qaabka ugu macquulsan ee lagu guuleysto ayaa had iyo jeer iskudayaya in kaliya hal waqti oo dheeri ah.

  1. Inaad Diiwaanka Ku Darsatid Cabsi Inay Jirto

Cabsida guuldaradu waa iska caadi oo waxay dhab ahaan kaa joojin kartaa inaad ficil samayso. Dhiirrigelinta ayaa cabsi ku jirta badhtanka sababta oo ah waxay u sheegtaa, iyada oo aan loo eegayn waxaan dareemayo, haddana waan samayn doonaa. Dadka dhiirigeliya waxay arkaan wax ka badan cabsidooda waxayna arki karaan natiijada. Kicinta ayaa had iyo jeer kaa caawin doonta inaad aragto sawirka weyn.

  1. Inaad Ku Abuurto Naftaada Kalsooni

Markaad ku dhiirigeliso inaad gaarto yoolkaaga, kalsoonidu waa wax wax soo saar ka mid ah tillaabooyinka yaryar ee la qaaday si loo arko in himiladaas la gaadhay. Markaad riixdo dib-u-dhac iyo cabsi, waxaa jira dareen ah in wax la gaaro tanina waxay dhistaa kalsooni gudaha ah si aad isugu daydo wax cusub. Dadka dhiirrigelinaya waxay  doonaan dhowr mashruuc oo so socoda  maxaa yeelay waxay ku riixeen caqabado waxayna arkeen natiijooyin wanaagsan, Taas oo iyaga ku dhiirrigelinaysa inay bilaabaan mashaariic cusub oo ay isku dayaan waxyaabo cusub.

  1. Inaad Laydahay Dhiiro Gelin Nafeed

Haddii aad waligaa la kulantid qof dhiirigelin leh, dareenkooda 1 waxay noqon karaan wax xiiso iyo dhiirigelin leh. Waxaad dooneysaa inaad la jaan qaado tamarteeda si aad uga soo dhexbarto khibradooda. Taas badalkeed, tani waxay ka caawineysaa dhisida hamigaaga si aad u guuleysato.

Isla sidaas ayaa lagu odhan karaa maamulaha ganacsiga. Haddii aad u baahan tahay koox kaa caawisa inaad ku guuleysato himiladaada, hoggaamiye wanaagsan ayaa ogaan doona sida loo isticmaalo dhiirigelinta si ay ugu dhiirrigeliyaan ruuxa wadista iyo rabitaanka kooxda dhexdeeda si loo arko natiijooyinka. Shaqaaluhu waxay rabaan inay kula shaqeeyaan adiga iyo iyaga haddii la qiimeeyo oo ay ku qaban karaan aragtida hoggaamiyahooda.

  1. Inaad La Timadaa Waxaa Dadka Kaga Duwantahy

Dhiirigelintu waa dabeecad soo jiidasho leh waxayna dadka kale ku dhiirrigelin kartaa inay wax ka dhacaan noloshooda. Haddii aad waligaa la kulantay ama aad la fadhiisatay qof is-dhiirrigeliya, isla markaaba waxaad dareemeysaa inaad waxkasta ku guuleysan karto maxaa yeelay dabeecadooda iyo dhaqan-galkooda ayaa kor u qaadaya naftaada. Raadinta qof dhiirigelin leh ayaa kaa caawin kara kor u qaadista heerarkaaga dhiiri-gelinta ah.

Dhiirrigelinta ayaa muruq u baahan in si joogto ah loo shaqeeyo tanna waxaa lagu gaari karaa akhriska taariikh nololeedyada, diiwaangelinta tababarka iyo dhageysiga dadka ku hadla dhiirrigelinta kuwaas oo wadaagi kara guulaha ay iyagu leeyihiin, inta aad adiga ku dhiseyso.

Xigasho- Buugga Hagaha Nolosha

 

 

 

 

DHISMAYAASHA DHAADHEER YAA LOO DHISAYAA?

Muddooyinkii dambe magaaladda Xamar ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa isa soo tarayey nabad-gelyada ay ku naaloonayaan dadka reer Muqdisho taasoo sababtay in ay qurba joogta ku soo dhiiradaan kuna soo laabtaan dalkooda hooyo, oo ay dib u maal-geliyaan.

Waxaa soo kordhay daaro dhaadheer iyo dhismayaal qurux badan, ganacsiyo heer walba isugu jira waxaanay qeyb ka yihiin bilicda magaaladda Muqdisho oo ah Caasimadda gayiga Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxay isugu jiraan saddex qeybood oo kala ah, kuwa ladan oo ah maalqabeennada, kuwo dabaqadda dhexe ah ooh adda iyaga meeshaba ka bixi raba iyo kuwa aad u dan yar oo sabool ah.

Haddaba, maxay tahay sababta dhismaha daaraha dhaadheer ee soo kordhay kiradooda ama lacagta lagu dego u badan tahay? Haddii ay kiradaas aanay awoodin dadka Soomaaliyeed ee dal-joogta ah su’aashu waxa weeye taloow yaa loo dhisay daarahaasi quruxda badan oo la doonayaa in ay ku noolaadaan ma ajnabi mise qurba joog lacag badan heysta ?

Su’aalahaasi iyo dhowr kaloo badan oo ay dadka danyarta isweydiyaan ayaa badan kuwaasoo ku gadaaman dhismayaasha heerka sare loo naqshadeeyey ee Xamar ku soo siyaaday waayahan dambe, Guryahan oo badankooda u dhisan hab casri ah, barkood wiishash lagu korayo inta ay dherar la egyihiin darteed, halka qaarkood nuurkoodo iyo muraayadaha ku xiran aad ku dawaqaysid, qaarna waxaa ba lagu galayaa aqoonsiyo iyo kaarar otomatik ah.

Haddaba, walaalayaal waxaa hilmaan san tihiin in shacabkiinu ay boqolkiiba 90% ay dan yar yihiin mana heleysaan wax sidii la rabay idinkaaga kireysta daaraha maxaa yeelay qiimaha kirada iyo daqliga muwaadinka soo gala ayaa kala badan, waxaa habbooneyd in aad la socotaan dadku maxay gadan karaan maxayse kireysan karaan lacagta ugu badan ay wax ku kireysan karaan waa imisa, laakiin midda aad maanta ku socotaan waa mid aan u cuntamin shacabka muwaadiniinta soomaaliyeed ee muruq maalka ah, ma jiro muwaadin ku fikaraya in uu dego daar dheer oo la dhisay ama markaas dhismaheedu socodo waayo wuxuu og yahay in uusan kiradeeda goyin Karin.

Sideedaba guri adduunka waa guri adduun mar walba waa lagu nasto ama hooy ahaan loogu noolaado oo keli ah, milkiile ahoow ama kireyste, guri waa kii aakhiro oo keli ah, wixii ka soo hara waa ku nasasho oo keli ah,taa beddelkeeda waxaan aragnaa milkiilayaasha daaraha dhaadheer Xamar ka dhisanayo oo aad u badinayo lacagta kirada, halkii ay ku raaxaysan lahaayeen dadkii loo dhisay ama kiro u jooga ahaa.

Fooq weliba ama dabaq kasta oo qurux badan waxaa ku hoos qoran lacag aanan yareyn, taasoo aanay awoodin kireysatada guryaha oo u badan dad muruqooda maala.

Dadka guryahaan dhisanayo waxay ka fakerayaan uun waa lacag ama sidii ay kusoo celin lahaayeen kharashkii ugu baxay dhismaha fooqyada dhaadheer, balse ma ogo dadka ay doonanayaan in ay ka kireysnayaan in ay yihiin dad aanan awoodin lacagahaasi tirada badan, keliya waxay eegtaan waa qiimaha guriga ka galay, ama in ay qurba joog ama ajnabi ama dadka Illaahay wax u dhiibay in ay deggaan guryahooda.

Xaafadaha qaar ee Muqdisho ayaa amni darro looga soo hayaamay wallow ayaamahan si fiican wax looga qabtay oo ciidanka dowladdu ay xoog saareen soo celinta nabadda iyo amniga.

Haddiiba degmooyinka qaar amnigooda sidaa dowladdu faraha ugu sii hayso waxaa raqiisi doona guryaha badan oo magaalada ku yaalla siiba xaafadaha fog fog.

Hadal iyo dhammaantiisa waxaan u sheegeynayaa Milkiileyaasha soomaaliyeed in ay ku xisaabtamaan dakhliga soo gala muwaadiniintooda kiradana ay ku saleeyaan.

WQ: Cabdi weli Daljir

 

 

 

 

Safiirka Soomaliya ee dalka Hindiya oo kulan la qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Bangaladesh

Safiirka Safaaradda JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladhesh, kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.

Kulanka Safiirka iyo ardayda ayaa ugu horreeyn waxaa halkaasi soo dhaweeyn lagu maamuusay Safiir Axmed oo hawlo shaqo halkaasi u joogay, is-xog wareysi iyo isbarasho laba dhinac ah ka dib waxaa la guda galay ajendaha kulanka.

Ardayda wax ka barata dalkaas ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka xaaladda ardayda iyo heerarkooda waxbarasho, sidoo kale waxaa ay lawadaageen caqabadaha jira iyo sidii ay Safaarad ahaan ku xalin karaan maadaama ay meesha ka maqanyihiin adeegyo badan oo dowladeed, islamarkaana adeegyadaasi hadda qaarkood ay ka helaan Safaardda Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Safiirka ayaa u sheegay ardayada in ay wadaan dadaalo sidii ay wada shaqeyn dhaw uyeelan lahaayen ardayda dalka Bangladhesh iyo Safaaradda oo marar kala duwan wada shaqeyn dhex martay ardayda wax kabarata dalkaas iyo Safaaradda Soomaaliya dalka Hindiya, Safiirka ayaa dhanka ardayda u sheegay in tabashooyinkooda uu uxalin doono ayna heli doonan dhammaan adeegyada ay uga baahanyihiin Safaaradooda.

Dhanka kale Safiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda waxbarasho iyo midkii ay waaliddiintooda ku bixiyeen si ay usoo gaaran heerarkaan kala duwan ee waxbarashada, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay midoobaan ayna ilaaliyaan midnimadaas waxbadanna ay iska kaashadaan.

Eedeysane dil loo haysto oo laga soo xiray South Sudan lagu soo celiyey Muqdisho

Diyaarad sidda eedeysane dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhawaan soo caga dhigtay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xeerilaalinta ciidamada ka eedeeyey eedeysane Zakariye Cali.

Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan, taas oo caddeyn u ah in cidna aanay ka dhuuman Karin awoodda sharciga.

 

Garoonka waxaa ku sugnaa Ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan “Dhallinyaro siyaasadda waa inaad doonataan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FeFederaalkSoomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey kulan dhalinyaro oo lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa tilmaamay in dhallinyarada maanta joogta fursad dahabiya haystaan oo ku aaddan in ay muujiyaan kaalintooda si ay horseedna ugu noqdaan hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku booriyey in ay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta dalka, la dagaalka musuq maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyagoo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto”

Dhallinyarada ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay aragtiyo iyo talooyin wax tar u leh qaran diska dalkeenna, waxa ayna waydiiyeen su’aallo ku qotomo qorshaha dowladda ee ku aaddan fursadaha dhallinyarada iyo xuquuqaha ay tebayaan, isagoo uu mid mid uga jawaabay su’aalaha dhallinyarada, kuna adkeeyey dhallinyarada xoojinta dowladnimada, sarreynta sharciga iyo dowlad wanaagga.

    

Wasiirka caafimaadka oo qaabilay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiska ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Fei Shengchao.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) ayaa looga hadlay aragtiyada cusub ee ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga wasaaradaha caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegey in dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa ka faa’iidaysiga calaaqaadka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhexeeya Shiinaha, si loo xaqiijiyo yoolka wasaaradda ee ku aadan aafimaad tayo leh oo dhamaystiran in bulshada la gaarsiiyo.