TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 41-AAD)

Maya. Maya. Maya. Ma aha abtigay ninka waxaasi ka suurtoobeen. Ma abtigay baa maanta gabdho yaryar gaari ku qaadanaya? Taasi waa qorraxdii bari laga sugayey oo galbeed ka soo baxday. Wax dhici kara ma aha. Yartu been bay baratay. Laakiinse

Maana been ma taqaan. Warkaanina been uma eka. Malaha ninku abtigay ma ahayne, anigaa is- moodsiiyey. Laakiin ma abtigaa baa dad kaaga khaldami kara? Sow adigii arkaayey madaxiisii weynaa ee tintu ku yarayd iyo shaatigii diillimaha lahaa ee uu galabta ku soo baxay! Kaalay, dad iyo duurba wax aadan ka filanayn baa ka soo baxee, duqa wixii beryahaan habartu uga cabanaysey armay wax ka jiraan? Ma suurtoobi karto. Habartu iyadaa waalan. Dad war-xuma-tashiil ah baa waalay. Wallee waa yaab! Waxba garan maayo! Intay dhaqaaqday bay tiri, “Maana jaaw, waan sii hoyanayaaye!” sidii qof ka baxsanaysa dambi loo haysto!

Injineer Axmed Jaamac intuu Jubba kafee ka cabbay buu waddada qarkeeda isa soo taagay. Xaggee buu ku dhaqaajiyaa! Fasaxii gaabnaa maantuu uga eg yahay. Berri shaqadiisii adkayd buu bilaabi doonaa. Caawana wuxuu leeyahay barnaamij muhiim ah, oo ay ku talo galeen isaga iyo saaxiibtii Maana-Faay. Waxay isku ogaayeen in ay habeenkaas marti qaadaan Sahra Yuusuf iyo Cabdinaasir. Fikradda Maanaa soo jeedisay. Axmedna waa u riyaaqay, waana ku raacay. Laakiinse wuxuu ka liitay xagga jeebka. Maana meeshii kharash ku baxaayo waxay ku adkaysataa in ay qaybteeda bixiso. Ma aha gabdhaha marka lacag bixinta la gaaro intay gacmaha laabtaan wiilka fiiriya, ee ka suga in uu had iyo jeer isagu kharashka bixiyo, sidii nin lacagtu beer uga baxdo ama maxkamadi ku xukuntay!

Maana waxay jeceshahay haddii wiilku hal mar kharashka bixiyo marka xiga in ay iyadu bixiso, haddaan tabartu u diidin, ama isagu ku gacan sayrin. Axmed gabadhiisa dabeecaddaas wuu ku bartay, waana og yahay in ay ka hesho. Hase yeeshee, wuxuu xog-ogaal u yahay in aysan beryahaan lacag qumman hayn. Isaguna wax ku filan ma hayo. Waa inuu qalqaalo galaa, inta goori goor tahay.

Tolow xaggee u qalqaalo tagaa? Haah! Aabbe. Aabbe! Markii xaalku xumaado wuxuu u irkadaa aabbihii, run iyo been wuxuu u sheegaba. Talo kale ma jirto. Waa in uu duqii raadiyaa. Saacadduu eegay. Fiican. Waa siddeeddii subaxnimo. Waa waqtiga u wanaagsan ee uu xafiiska soo fariisto. Mashruucii uu Agaasimaha Guud ka ahaana ma foga. Waa degmada Shibis dhankeeda galbeed. Waa toddoba daqiiqo camal oo lug ah.

Go’aan buu ku gaaray, kuna dhaqaaqay. Intuu Waddada Jamhuuriyadda gooyey, ee farmashiyaha Jubba ka soo horjeeda geeskiisa la laabtay, buu Waddada Jubbada Sare woqooyi u raacay. Baar Fool-Baxsi markuu hormaraayey, ayuu u hinqaday in uu Kooka-Koola ka cabbo. Haddana ma geline markuu garab dhaafay buu waddada cusub ee Bakool bari ula weecday.

Makhaayadda yar ee sambuusleyda ah iyo tubakaayada ku dheggan buu sii ag-maray. Wuxuu ka siqsiqay cuntada duqsiga iyo dabaysha u dayacan, dadkuna cunayaan.

Isagoo tii la yaabban buu waddada dhankeeda kale jalleecay. Illeyn makhaayaddu waxayba ahayd i qarso. Wuxuu arkay haweeney guntiino duug ah iyo garbasaar jeexjeexan qabta, oo waddada lugta lagu maro dhulka fadhida, dad wax walbaale ahi hareeraheeda is-dhaafayaan. Cunug yar baa dhabta u saaran. Laba ka roonroon oo qaawanina, labada dhinac bay uga kala tiirsan yihiin. Horteeda waxaa dhulka taal dambiil ay ku jiraan sambuus iyo bur- saliid. Cunugga yar ee dhabta u saaran, oohin buu la qaylinayaa. Laakiinse hooyadi uma kansho hayso in ay aamusiso. Waxay ku mashquulsan tahay shaqadii ay qadadiisa ka soo saari lahayd. Shaqadu waa shaqadee? Waxay min hal xabbo oo bur-saliid ah ka iibinaysaa laba ruux oo dul taagan. Labada mid waa nin reer miyi ah, da’diisu meel dhexaad tahay, oo intuu go’ weyn guntaday, labadiisii dacal ee faraqyada lahaa, labada garab ka kala ritey, go’u asalkiisii hore wuxuu ahaa bafto; haddase midabkiisii caddaanka ahaa waa doorsoomay. Cagaha wuxuu ku sitaa dacas goome baabuur ah. Ul dheerna intuu dhulka ku mutay ayuu afkeedii kore salka ku cuskaday. Waxay u tahay kursigii uu ku quraacanayey!

Qofka labaad ee bur-saliidka iibsanayaa waa wiil yar oo caga cad, dharna daba-gaab jeexjeexan ka qaba. Gacanta uu burka ku cunaayo ma ahee tan kale wuxuu ku laalaadinayaa quluxa yar ee caseeyayaashu burushyada iyo ranjiga ku urursadaan. Ninka iyo wiilku waxay isaga eg yihiin macaluusha jirkooda ka muuqata, ee la moodo in ay

dad abaari goysay ka soo hareen, wasakhda korkooda saaran ee la moodo in ayan sidii hooyadood u dhashay biyo taabsiin iyo diifta dhafoorkooda ka muuqata ee la moodo in ay sanooyin soomanaayeen.

 

GABADHII JINKA AHAYD (sheeko)

Beri baa arday iskuul dhigata, oo gabdho iyo wiilal isugu jira waxaa iskuulkii laga soo daayay xilli casir gaaban ah.

Iskuulku wuxuu ku yaallay meel magaalada cabbar u jirta, oo ka cidlo ah,

Markii la fasaxay ayay iskuulka banaankiisa cabbaar istaageen, ayagoo bas ay raacaan sugaya, siday meeshii u taagnaayeen ayaa qoraxdii dhacday, markaa bay go’aansadeen inay iska lugeeyaan, hayeeshee hal wiil ayaa diiday oo yiri “anigu ma lugayn karo ” , waxay ku yiraahdeen ” meeshan cidladaa kaaga tagi maynee na keen” , waana uu ka dhaartay inuu raaco.

Markii uu raaci diiday, ayay meeshii uga tageen , wayna iska lugeeyeen .

Wiilkii markuu goobtii cabbaar taagnaa, ayaa waxaa jidkii agtiisa ahaa soo maray baabuur qurux badan oo guduudan , markaa buu gacanta u taagay wuuna u is taagay , hadduu u yimidba wuxuu arkay gabar qurux badan oo kaligeed gaariga wadata, wuxuu ku yiri ” walaal xaga hore ii sii dhaway ” , ayana “soo raac “bay ku tiri.

Intii ay sii socdeen wiilku wuxuu la yaabanaa gabadha qurux badnaanteeda, wuxuuna qalbigiisu ku maqnaa dhabankeeda sida hilaaca u ifaya, qoorteeda dheer, xabadkeeda buuran , iyo xubno jalaqsanaanteeda.

Siduu xageeda u jeeqaayay, oo sidii waraabe hilba arkay ugu eegayay, ayaa gaarigii meeshii uu u socday la dhaafay, wuxuuna ku baraarugay asagoo meel ilaa 15 km xaafaddii u jirta sii maraya, markaa buu ku yiri ” abaayo ii jooji xaafaddii waad i soo dhaafisaye ” , markaa bay inta il naxariis leh ku eegtay, oo yar dhoola cadaysay ayay ku tiri “maad aniga caawo ila joogtid aboowe oo gurigayga ii raacdid” , asagoo yar muusoonaya wajigiisana farxad laga dheehan karo , oo madaxana luxaya ayuu ugu jawaabay “waaba jaanis ee na wad”.

Cabbaar markay sii socdeen ayay guri qurux badan tageen, gaarigii ayay ka dageen, oo gurigii gudaha u galeen,Gurigana cidina ma joojin, waxayna taasi farxad dheeraad ah ku sii beertay wiilkii, oo islahaa caawo fursad dahabi ah baad haysataa.

Qolka fadhiga ayay ku hor mareen oo fariisteen si ay cabbaar ugu sheekaystaan, wiilkii oo gabadha garabkeeda midig fadhiya, oo far iyo food jirkeeda hadba dhinac ka eegaya, oo laxawsanaya aadna u faraxsan , ayaa wuxuu mar qura indhaha ku dhiftay cagaheeda oo sidii dameerka u qaroofan, inta uu naxay ayuu ku yiri ” abaayo lugaha maxaa kaaga dhacay ” , markaa bay ku tiri ” miyaanad ogayn inaan gabar jinni ahay “.

Wiilkii oo sii naxay, cabsi awgeedna la gariiray ayaa mar qura wuxuu yiri ” acuudu billaahi mina shaydaani rajiim ” , markaa buu wuxuu is arkay asagoo taagan meeshii banaaneed ee uu saxaabtiisii galabta qorax dhicii uga haray.!!

WQ: Abwaan Hareeri

 

SOOMAALIYA IYO GEED ALWAAXA

Soomaaliya waa dal ku tiirsan waxsoo dhoofsashada waxaana ay maalinkii dalka la keenaa tiro aad u badan oo alaabo kala duwan ah oo ay soo dagsadaan ganacsato Soomaaliyeed oo tiro badan oo alaabadooda u iib geeya gobolada dalka.

Alwaaxda waxa ay ka mid yihiin alaabaha ay ganacsatada Soomaaliyeed Ka soo degsadaan Dekedaha dalka waana ganacsi fiican oo ganacsatada Soomaaliyeed ay faa’iido badan Ka helaan sidoo kalena dadka ayaa iyana waxa ay alwaaxyada u deegsadaan dhismooyinka guryaha iyo weliba xaabo ahaan.

Maadaama dadka Soomaaliyeed ay inta badan dalka dibaddiisa Ka keensadaan alaabada siiba alwaaxa ay keentay in mararka qaar uu bad xiran dhaco oo alaabihii la waayo oo in muddo ahba ay soo dagi waayaan taasina ay keento mararka qaar ganacsatada in ay alaabaha qaali gareeyaan.

Haddaba, si looga baaqsado arrimahaasi oo kale waxaa loo baahan yahay in dalka uu yeesho waxsoo-saar taya leh oo dadka ay ku faani karaan taasina waxa ay sahleeysaa in dalkii ganacsigiisa uu isbaddalo dhaqaalihiina uu isbaddal xooggan uu ku yimaado.

Alwaaxda waa geedo ka baxa dhulka waxaana inta badan geedaha alwaaxda laga jeex jeexo Ka baxaan dhulalka keemaha ah ee loo yaqaan Amizon iyo keymo badan oo adduunka ku yaal waxayna dadyow-gaas u iib geeyaan waxsoo saarkooda alwaaxda ah iyagoo soo warshadeeyay waddamada adduunka oo ay soomaaliya Ka midka tahay.

Haddaba maxaa diidaaya in soomaaliya lagu beero geedahaasi si aan u helno alwaax tayo leh.

Geedaha laga sameeyo alwaaxda soomaaliya waa lagu beeri karaa haddii la hagaajiyo dhulalka keemaha leh iyo dhamaan dalka intiisa kale ayaa lagu beeri karaa Geedka laga sameeyo alwaaxda.

Geed alwaaxa sidiisaba waxa uu ku baxaa wax kayar toban sano ama shan sano waana wax kooban bixitaankiisa bal ka waran haddii dalka lagu wada abuuro Geedka alwaaxa dhamaantiisa maxaa faa’iido ah oo ku jiri kara.

Sida badan waxaa ku jirta laba faa’iido oo aad u waa weyn.

  1. Dalka faa’iido weyn ayuu u leeyahay geedka alwaaxa ah sababtoo ah geedku waa geed dheer oo isku dhigi kara dabeesha islamarkaana yareenaya cara guurka dalkeena sida saa’idka ah oga dhaca ayuu Ka hortagayaa.
  2. dadka faa’iido weyn ayey Ka helayaan sababtoo ah geedku waa geed faa’iido leh oo laga sameenaayo alwaaxdii aan u adeegsan laheen dhismayaasha guryaha , buundooyinka iyo waxyaabo badan oo kale.

Sidoo kale, dadka ayaa iyana shaqo Ka heli lahaayeen sababtoo ah dadka Soomaaliyeed inta badan waa shaqo la’aan waxaana ay kahelayaan shaqooyinka ay noloshooda ku maareystaan oo ay ku horumariyaan.

  1. dowladda iyana faa’iido weyn ayaa ugu jiri lahayd sababtoo ah dowladdu waxa ay Ka helilahayd canshuur badan oo ay ku horumariso baahiyaheeda kala duwan oo ay qeeb Ka yihiin horumarinta kaaba yaasha dhaqaale ee dalka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

SOO DAABICIDA LACAGTA SHILIN SOOMAALIGA ISBADDAL NOLOLEED MA KEENI KARATA?

Dal walba oo dunida guudkeeda saaran waxa uu leeyahay astaamo lagu garto iyo dhaqamo u gaar ah.

Haddaba, dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay astaamo kala duwan oo lagu garto qarannimadiisa waxaana ugu horeeya Lacagta shilin Soomaaliga.

Lacagta shilin Soomaaliga waa lacagta uu dalka leeyahay waana lacag laga isticmaalo Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, shilin Soomaaliga waa isku xiraha dadka Soomaaliyeed oo baahiyahooda aasaasiga ah kala duwan ay u isticmaalaan taasina waxaa sabateeda leh shilin Soomaaliga.

Shilin Soomaaliga waa lacag in muddo ah dalka taalay mahelin waxa dayac tir ah lacagtana waxaa u weyn kun shilin waxaana u yar kun shilin oo duugowday waxaana la daabacay xiligii dowladdii gacaanka dalka balse tan iyo burburkii ka dib ma jirin lacag shilin Soomaali ah oo si official ah loo soo daabacay.

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku dhiban yihiin Lacagta shilin Soomaaliga ee duugowday meelaha qaarkood oo dalka ah laga isticmaalo sababtuna waxa ay tahay waa lacagtii oo jeex jeexan oo meel la qabtaana aysan laheen balse taasi badalkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay door bideen isticmaalka lacagaha talefannada la iskugu diro sababtuna waa shilin Soomaaliga oo dayacan owgeed.

Hadaba, Soo daabicidda cusub ee shilin Soomaali isbaddal maku keeni karaa nolasha bulshada Soomaaliyeed.

Jawaabtuna waa haa sababtoo ah haddii la soo daabaco qaranka Soomaaliyeed Nololsha shacabka Soomaaliyeed waxaa ku imaaneyso isbaddalo waa weyn taasina waxay horseedeysaa in qof walba oo soomaali ah uu noloshiisa isbaddal ku sameeyo.

Daabicidda shilin Soomaaliga haddii loo soo daabaco boqol shilin, konton shilin, shan boqol oo shilin kun shilin ilaa iyo qadaadiic isbaddal weyn ayaa ku imaanaayo sababtuna waxa ay tahay, Kow lacagta shilin Soomaaliga qiimo ayay yeelanaysaa taasoo qofka uu isticmaali karo kun shilin wax ka yar oo dhiganta boqol shilin ama ka badan taasina waxa ay keeneysaa in lacagta macno sare yeelata.

Tan labaad shilin Soomaaliga wuxuu yeelan doonaa macno oo waxaa dhici doonta in wadamada dariska ah aad Ka sarifan kartid shilin Soomaaliga haddii boqol boqol shilin laga dhigo dabcan kunka shilin uu noqdo toban dollar taasina lacagteena Soomaaliga ah waxa ay yeelaneysaa macno gaar ah oo weyn.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in xal loo helo lacagta soomaaliga ah loona soo daabaco si ay u yaraadaan culeysyada xooggan ee bulshada ka heysta lacagta duugowday ee

jeex jeexantay.

Haddaba maadaama lacagtu ka mid tahay astaamaha qaran lagu garto waxaa habboon in dowladdu ay ku baraarugto soo daabicidda lacag uu dalku leeyahay dollar dalku xal uma hayo mana ahan dalkeenna gobol ka tirsan USA taasi Sharaf nooma aha.

Sidaa daraadeed, waa inaan helnaa lacag cusub oo qurux badan oo si aan dunida inteeda kale ulajaan qaadno.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

CASHUUR KORDHINTA DALKA MA DEEN CAFINTA AYEY KA QEYB QADANEYSAA?

Soomaalia waxaa lagu leeyahay deen tiro beel ah waxaana lagu yeeshay xiliyo kala duwan xiligii dowladdii kacaanka ka hor iyo dibba, xilligii kacaanka oo deemo tira beel ah la soo qaaday deentaas oo la sheegay in kaabayaasha dhaqaale ee dalka wax ka badal loogu sameenaayo ilaah baana og xilliyadaasi siday wax u dhaceen.

Dalka waxaa ka socda mashruuca deen cafinta oo soo bilowday sanadkii 2012 ilaa iyo maanta oo aan ku jirno sanadka 2023 waxaa socda deen cafinta waxaana uu marayaa meel gaba gabo waxaana la filayaa isla sanadkan gudihiisa uu soo dhamaado.

Haddaba deen cafinta soomaaliya laga cafinaayo waxa ay soo martay heerar kala duwan oo mararka qaarkood ayba u muuqatay kuwa adag balse ay dowladda ka soo gudubtay, maanta waxa ay joogtaa heer gabo gabo ah waxaana dowladda lagu xujeeyey sharuudihii u danbeeyey ee fududaa.

Dowladda ayaa sharuud looga dhigay in deen cafinta la soo gabaganeeyo in ay la timaado qorshayaal cad cad ah oo dhanka kaabayaasha dhaqaale ee dalka, isku tiirsanaasho dhanka dhaqaalaha iyo mareenta dhaqaalaha soo xarooda islamarkaana meelihii loogu talagalay in ay si sax ah ugu baxaan.

Dowladdu waxa ay qaaday talaabooyin dhanka dhaqaalaha horumarinta ah waxaan ay dib u habeyn ku sameysay canshuuraha dalka gaar ahaan dekadda oo inta badan alaabaha ay ka soo dagaan waxaana ay dowladdu sameysay canshuur kordhin oo aan ku jirin raashinka qutul daruuriga ah balse inta kale ay canshuurta u kordhisay arrintaa dowladdu waxa ay ogagolleedahay dib u habeynta dhaqaale ee dalka iyo isku filnaasho dhaqaale.

Hay’adaha caalamiga ah, deeq bixiyayaasha iyo waddamada deeqaha ku taageera soomaaliya ayaa dowladda ku dhiira galiya isku filnaasho dhaqaale maadama deen cafinta ay mareyso meel gabo gabo ah laguna wado in sanadkaan la soo gabagabeeyo loona baahan yahay in dowladdu ay horumariso kaabayaasheeda dhaqaale dalka islamarkaana dhaqaalaha uu ku yimaado kobac xooggan.

Canshuurta kordhinteeda faa’iido weyn ayaa dalka ugu jirta sababtoo ah dalka malahan ila dhaqaale kale , masoo saaro shidaal, alaab masoo saaro balse taasi badalkeeda dibadda ayaan wax walba ka keensanaa balse si taas loo baddalo dowladdu waxa ay u baahan tahay dhaqaale, dhaqaaluhuna wuxuu ku yimaadaa canshuur, canshuurtana waa la kordhin karaa si ay dowladdu ay u sameyso kaabayaal dhaqaale oo kala duwan.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed yeysan culees u arkin kordhinta canshuuraha sababtuna waxa ay tahay waa in sharuudo ay ka mid yihiin dowladdu la timaado dhaqaalo oo isku filnaasho ah taasi ayaa keentay in dowladdu ay canshuur yar ku dartay alaabaha ka soo daga dekadda marka laga reebo Raashin qutul daruuriga ah.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Maxamuud Cabaas oo dalbaday in Israa’iil laga hakiyo xubinimada Q.M

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay in ay hakiso xubinnimada Israa’iil, haddii aysan joojin gardarrada ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta, isla markaana aysan u hoggaansamin fulinta go’aannada dhigaya in Israa’iil iyo Falastiin ay moqdaan labo dowladood oo kala madax banaan.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmay xilli dadka reer Falastiin ay wadaan xus ay ka qeybgaleen kumanaan dad ah oo ka soo qaxay dalka hadda loo yaqaan Israa’iil, kaas oo ay ka socdaan rabshado laga soo bilaabo 75 sano ka hor.

Madaxweynaha oo qudbad qiiro leh ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ayaa xubnaha golahaasi waydiiyey sababta in ka badan 1000 qaraar oo khuseeya Falastiin, kana soo baxay hay’adaha loo fulin la’yahay.

“Waxaan dalbaneynaa maanta si rasmi ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo go’aamada caalamiga ah, in aan hubinno in Israa’iil ay ixtiraamto go’aamadaan ama ay joojiso xubinnimada Israel ee Qaramada Midoobay,” Madaxweyne Cabbaas ayaa sidaa ku yiri khudbadiisa.

Khudbadda madaxweyne Falastiin,waxaa kaloo ku jiray in dib loo soo celiyo qaxootiga Falastiiniyiinta ee ka cararay deegaanadooda, kuwaas oo 15-ka May sanad kasta qabta xus loogu magac daray Nakba – ama masiibo.

NAFTU WAXAY DOONEYSAA IN HORE LOO SOCDO

Hanka nolosha ee qofku leeyahy ma aha in uu ahaado mid kooban waxaase loo baahan yahay in uu ahaado mid sarreeysa waayo ma jiro wax aan lagu tallaabsan Karin mana jiro wax la yiraahdo (No Way) mar kastana dariiq ayaa kuu furan.

Dadka adduunka joogaa wey kala han badan yihiin waayo waxaad ku tusaale qaadan kartaa labo canug oo aad dhashay haddii aad weydiiso waxa ay jecel yihiin mustaqbalka in ay noqdaan ayaa mid wuxuu ku dhihi karaa waxaan rabaa in aan noqdo duuliye diyaaradeed midna wuxuu ku dhihi karaa waxaan rabaa in aan noqdo darewal bajaaj .

Inkastoo labaduba ka hadleen labo shaqo , shaqqaduna aaney ceeb ahyn waxaa laga yaabaa in aad halkaas kaga tusaale qaadan karto sida hankoodu kala yahay iyo tiigsigooda sida uu u kala duwan yahay.

Isbedelka iskama yimaado ee waa la raadiyaa waxaana loo galaa dadaal sida ardayga ay ugu adkaaneyso in uu fasalka uu dhigto kaga gudbo ay ku qaadanayso in uu habeeno badan uu ku soo jeedo in uu wax akhriyo si uu imtixaanka ugu guuleysto.

 

Haddaan fiirino Nelson Mandella wuxuu aqbalay dhibtii uu kala kulmay si uu isbeddel ugu sameeyo nolashiisa iyo tan dadkiisa wuxuuna oggolaaday in uu xabsi cidlo ah oo jasiirad ku yaalla u galo gaarista isbedelkaa oo ku adkaa in uu si fudud u gaaro.

Mandella intuu ka daalay gaarista yoolkaa isbedelka ma oran waaan iska fadhiisanayaa ama waan iska dhaafayaa ee wuu sii waday ilaa markii dambe uu is arkay isagoo xor ah oo ah madaxweynaha dadkii iyo dalkii uu noloshiisa  ama cimrigiisa intiisa badan dhibaatada ugu qaatay.

Isbedelka aad dooneysid in aad gaarto marna lagama daalo lagamana hammi jabo , qofka hammi jabi og markiisii horeba kuma talo galin safar dheer oo dhib oo uu noloshiisa ugu carbinayo isbedelka .

Cid kasta, dal kasata iyo umaad kasta ayaa isbedelka u baahan haddii isbedel aan la raadin lahyna dunida kama muuqan laheyn isbededelada iyo horumarka maanta ka jira.

Haddii isbedel raadinta aan lagu taratami lahyn maanta Singabuur, Maleeshiya, Hong kong, Shiinaha iyo kuwo kale maanta safka hore kagama jireen dalalka lagu tiriyo in ay nolosha dadkooda iyo kobocooda dhaqaala kor u qaadeen.

Noloshu waxay dooneysaa in hore loo socdo oo laga guuro meeshii hore uu qofku ugu sugnaa oo uu sameeyo isbedel,

Dadka kama maarmo isbdel in uu sameeyo si uu u horumariyo noloshiisa isla markaana uu tallaabo hore u qaado oo uu muujiyo in uu han leeyahay.

Guusha nolosha iyo si bdelku fadhi kuama yimaadaan ee waxaa loo maraa waddo dheer waxaana ku baxa dadaal fara badan iyo juhidi xad dhaaaf ah taasna waxaad ku ogaan kartaa halka dalal badan oo maanta awood dhaqaale, siyaasad iyo milatari leh ay ka soo bilaabeen iyo halka ay maanata taagan yihiin.

Isbedel raadinta waxaa wax aan si fudud ku imaan waxaana jiri kara caqabado qofka ka hor imaan kara una baahan in uu ka gudbo taas oo ka rabto ad adeyg iyo in uu muujiyo dhabar adeg ogaadana in noloshiisa aanu isbedel ku sameyn Karin haddii aanu aqbalin dhibaatooyinka ka hor imaan kara.

Waa in aad qaadataa fekerka ah in sameynta Nukliyeerka aanay ku imaan fudeyd balse ay jireen caqabado loo soo maray iyo madax xanuun muddo badan lagala kulmay oo la oggolaaday il loo adkeysto ilaa ugu dambeyntii laga gun gaaray.

Haddii aad rabto isbedel ha noqon mid u qaadan waaya waxayaabaha ka hor imanaya , caqabad kasta waxay u baahan tahay in ay hesho qaab maskaxeed degan oo looga gudbo laguna furdaamiyo.

Ha noqon mid carooda oo iska yeel yeela in uusan u adkeysan Karin dhibta uu kala kulmayo si uu isbedel u sameeyo .

WQ: DALKA EDATORIAL

 

 

Maxaa laga filan karaa wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada Turkiga?

Iyadoo weli ay sii socdaan abaabulka iyo kicinta tageerayaasha xisbiyada ee ku saabsan wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada Turkiga ee la qorsheeyay in la qabto ka hor dhammaadka bishan, kaasi oo dhex mari doona madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo murashaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Erdogan ayaa tagerayashiiysa niyad wanaag ugu muujiyay wareeggii labaad ee doorashada, halka musharax Kilicdaroglu uu uga digay taageerayaashiisa rajo beel ku saabsan doorashada, isaga oo shaqada ka ceyriyay kaaliyihiisa arrimaha warbaahinta.

Hay’adda doorashooyinka dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqday in 28-ka bishan la qaban doono wareeggii labaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo dhexmari doonta Erdogan iyo ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Kemal Kilicdaroglu.

Madaxa guddiga doorashooyinka Turkiga, Axmed Yanar, ayaa sheegay in labada musharrax ee kala ah Erdogan iyo Kilicdaroglu aysan helin codad ku filan si ay ugu guuleystaan ​​wareegga koowaad, taasi oo keentay in qabashada wareega labaad ee doorashada madaxweynaha loo ballamo 28-ka bishan May.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa muujiyay sida uu u ixtiraamayo rabitaanka Shacabka.

Erdogan ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada “Waxaan ugudubnay wareegga labaad ee doorashada, waxaana rajeyneynaa inaan gaarno guul taariikhi ah”.

Sida ay tilmaameeyso Taariikhda doorashada Turkiga waa markii ugu horeysay oo doorashada dalkan ay u gudubto wareeg labaan 100-kii sano ee la soo dhaafay.

QISADII XIISAHA BADNEYD EE ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX.. (QEYBTA-1AAD)

”ummad kasta waxay leedahay amiin, ummaddan amiinkeedu waa abuu cubeyda”

Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereyd. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.

Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereyd, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro.

Saxaabiga aan ka hadlayno waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.

Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda

Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yiri “saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax”.

Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee.

Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.

Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda

Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.

Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badar wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda.

Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala.

Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.

Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur’aan

WD: Ibraahim Warsame

ISLAAMKU ASIGAABA KA TALIYA MASAALIXDEENA EE AAN DHAB U QAADANO

Sharciga islaamka wuxuu u yimid inuu ka shaqeeyo masaaliixda dadka iyo in dhibka laga difaaco oo la yareeyo, sidaasi darteed baa arrinkaasu uu u yahay wax banaanka iska yaallo culimada aktooda, waxaana laga soo guuriyaa oraahyo ku saabsan arrintan waxaa ka mid ah hadal uu leeyahay Al-iimam Ibnu Qayin Al-jowasiyah oo ah: “sharcigu wuxuu u yimid inuu xaqiijiyo danaha dadka uuna adkeeyo iyo inuu ka horjoogsado wixii dhib ah ama uu yareeyo.

Sidaasi daraadeed mas’alo kasta oo ka weecata dhabaha maslaxada oo ay dadku kala kulmaan dhib iyo ciriiri ama ka weecata dhabaha caddaalada iyo naxariista ee u weecata dulmi iyo gabood fal wuxuu leeyahay kama mid ahan mas’aladaas diinta haba loo tiiriyee.”

Qeybaha masaaliixda

Culimadu waxay u qeybiyaan masaaliixda marka la eego sharci ahaanteeda

saddex qeybood oo kala ah:

1- Maslaxo uu sharciga si gooni ah uga hadlay oo waxaa ku soo arooray daliil gaar ah in waxani dan ugu jiraan dadka. Waana wax fara badan oo lama soo koobi karo balse hal ama laba tusaalle oo mowduucaan ku saabsan aan ka bixiyo waxaa ku tusaaleyn karnaa shuurada ama wada tashiga bulshada oo wuxuu sharciga ina farayaa inaan arrin dan guud ah aan qolo gooni ama qof keligii uu go’aan ka gaarin ee laga tashado, waxaan kaloon ku tusaaleyn karnaa in dadku ay hoggaan iyo nidaam yeeshaan si aan fowdo iyo kala dambeyn la’aan u dhicin.

2- Maslaxo sharciga uu si gooni ah u xarrimay oo waxaa ku soo arooray daliil gooni ah oo xarrimaya sida in lagu takri falo hantida guud ama wax la

musuqmaasuqo, sida dhabta ah marka loo eego qaybtan waa dhib dadka qaar baa is tusaya inay maslaxad ugu jirto.

3- Maslaxad uu sharciga ka aamusay oo kuma soo aroorin wax daliil gaar ah oo banneynaya ama xarrimaya balse waxaa jira mabaadi’ iyo qawaacid guud oo tilmaamya in maslaxadani bannaantahay ama inay bannaaneyn.

Tusaalayaal hore iyo kuwa casrigaynaan ah aan ku siiyo oo ku saabsan maslaxadan iska sii deysan oo aan daliil gaar ah ku soo aroorin: aruurinta musxafka quraanka si uuna u dayacmin quraanka, diiwaan u sameynta ciidamada, timbaraynta warqadaha kulli waxay la jaan qaadayaan mabaadida guud ee islaamka.

Tusaalayaal casrigaan kala saaridda maamulka, sameysashada calamo iyo baasaboor laysku garto, doorashooyinka iwm.

“Meesh ay jirto maslaxada ayuu sharcigu jiraa.”

Isbedelada waqtiga iyo horumarka bani’aadanka ayaa wuxuu keensanayaa in ay soo cusboonaadaan waxyaabo badan, nusuusta diintana waa kuwa kooban, sidaasi daraateed bay diinta islaamka u dajisay mabaadi’ guud oo waxaa soo dhami kulansanaya oo ay ka mid tahay mabda’ an aan ku guda jirno ee maslaxada hayeeshee waxaa loo dhigay shuruud dhowr ah oo aan soo ban dhigayo culimaduna ay ka hadleen.

1- Waa inay tahay mid xaqiiqo ah oo aan wahmi ahayn, waxaa laga yaabaa in qofka uu is moodsiiyo in waxani maslaxo ku jirto isagoo ay hawadiisa ay

jeceshahay ama naftiisa ay u janjeerto amaba in si xun uu wax u sawirto ama loogu sawiro amaba waxaa la arkaa in maslaxad shakhsiyadeed ay tahay oo aysan ahayn mid guud ama ay tahay mid dheefteedu soo degdegto balse dhib ka weyn laga dhaxli doono goor dambe ama waxaa laga yaaba in maslaxad maadi ah ay tahay balse maslaxad ka wayn oo macnawi ah inay luminayso.

Marka waxaa soo dhami waa in la eego marka la go’aaminayo waxani ma

maslaxad baa ugu jirta umadda, maxaa yeelay fakarka qofka waxaa saameyn ku yeelan kara wax yaabo dhowr ah sida waqtiga iyo saameyntiisa shakhsiga iyo hummaaggiisa fikir ama aqooneed iyo halka iyo goobta uu joogo ama ku noolyahay maslxadiisa gaarahaaneed ee maadiyeed waxaasoo dhami qofka waxay ku riixayaan inuu wax aan maslxad ku jirin uu ku sheego inay inoo tahay maslaxad sidaasi daraadeed baa islaamku wada tashi iyo gorfeyn iyo in si wada jir ah go’aan looga gaaro arrimaha masiiriga ah ugu towjiihinayaa dadka.

2- maslaxada waa inay tahay mid guud oo nacfigeeda dadka oo dhan u siman yihiin si qolo gaar ah aynan kaligeed u dheefsan.

3- waa inay u cuntami karto sida sharciga lagu bartay oo aynan noqon wax aan lagu aqoon sharciga oo ah inay cadaaladi ama naxariisti sharciga iyo fudeydkiisa ama adadeegiisii meelaha qaar aynan ka hor imaan.

4- waa inaysan ka hor imaanin nas qur’aan ama sunno ah waayoo waxay

culimadu yiraahdaan iyadoo nas jooga ijtihaad warkiisa ma jiro. Aan hadalkaygaan u keeno labo tusaale.

1- qisada khadir iyo nabi muuse waxaa ku soo arooray in uu khadir ku kacay dhowr tallaabo oo nabiga Alle ee Muuse uu sawiran waayay ayna ugu muuqtay si khaldan, maxaa yeelay khadir wuxuu gooyay naf aan waxba galabsan, hantina wuu ku xad gudbay balse wixi uu sameeyay si naba khalad uma ahayn balse iyadaas baa waafaqsaneyd sharciga maxaa yeelay waa gar iyo sharci in nafta iyo hantida qaarkeed la baabi’yo si loo xafido inteeda badan hadii laga fursan waayo.

 

2- Nabiga heshiiskii xudeybiyah wuxuu kula heshiiyay gaaladi qureysheed heshiis dhigaya in qofki soo islaama dib loogu celiyo maka oo loo gacan geliyo reer Makka qodobkaas iyo qodobo kale ayaa u cuntami waayay saxaabadi nabiga oo mari waayay iyagoo u arkaya liidnaan saas darteed buu cumar ku yiri nabiga maxaan isu liideynaa ha yeeshee nabiga waxaa u muuqday maslaxada ka weyn ee ka soo xasilaysa sidaasi darteed buu u galay heshiiskaa isaga ah wayna ka soo xasishay dabcan.

WD:Ibraahim Warsame