Horjoogayaashii Khawaarijta Al-shabaab oo Ceelbuur oo isaga baxay (Warbixin).

Wararka ay warbaahinta qaranka ka helayso deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in horjoogayaashii waa weynaa ee maleeshiyada kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ay isaga baxeen halkaas cabsi awgeed.

Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ayaa intaas ku daraya in horjoogayaasha deegaanka ka soo jeeda ee maalmihii la soo dhaafay odayaasha dhaqanka kula kulmayay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud gabi ahaanba faarujiyeen, iyaga oo aan la ogeyn halka ay qabteen.

Horjoogayaashan ayaa faarujiyay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmihii u dambeeyay ku hadaaqayeen in ay ka difaacan karaan ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aadan sidii Khawaarijta looga saari lagaa Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo argagixisada ku sugneyd dhowr iyo tobankii Sano ee la soo dhaafay.

Quus goynta Khawaarijta Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa ka dambeysay ka dib markii, kooxdu ku hungowday dalab ay u gudbisay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelbuur oo ku aadan in ay ku garab siyaan difaaca degmadaas, taas oo odayaasha dhaqanka si cad u diideen.

Dhowaan ayay ahayd markii, deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, odayaash ku sugan ay Al-shabaab ka diideen in ay kala wareegaan hub ay argagixisadu doonesyay in ay odayaasha ku qaldaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa kala dooradsiiyay Khawaarijta in ay ciidamada Dowladda ee ku soo wajahan ay isku dhiibaan ama ay isaga baxaan degmada, horjoogayaasha Al-shabaab ayaa gudaha degmada Ceelbuur kaga tegey dhallinyaro yar yar oo ay soo qaldeen.

Sidoo kale, wararka Ceelbuur laga helayo ayaa sheegaya in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa halkaas, habeenadii la soo dhaafay ee isniintii iyo axaddii ay ka huleeleen degmadaas iyo deegaannada ku dhow dhow.

Balse, goobtaas waxaa ku sugan maleeshiyaad tiro badan oo deegaanka aan u dhalan, kuwaas oo badankood ka soo jeeda gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya.

Tallaabadani waxay muujineysaa in gabi ahaanba meesha ka baxday rejadii Al-shabaab ee ahayd in ay ku sii sugnaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo ka dagaallamaan.

Sidan oo kale, ayay Khawaarijta Al-shabaab u soo baneeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe ee dalka, ka hor inta aysan gaarin ciidamada qaranka iyo xoogagga dadweynaha ee caawinaya.

Waxaa la xusuusataa in maleeshiyada Al-shabaab ay beenneeyeen degmooyinka Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan Galmudug, kuwaas oo si dhib la’aan ah ay kula wareegaan geesiyaasha qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waxaanna hadda deegaannadaas laga dareemaya nabad iyo horumar.

Maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay lumiyay deegaanno iyo degmooyin ka badan kontan, kuwaas oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban Sano ah dadka ay xoog ku hayseen.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar

Dooxa  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.   

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kiiska haweeney dil ku eedaysan

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa cadeeyey inuu gacanta ku hayo haweeney ku eedeysan dil iyo dacwad ciqaabeedyo kale oo gal-dacwadeedkeeda loo soo gudbiyey, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Jiddah

Jidah: Wasiirka arimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaasi oo uu kaga qaybgeli doono shirka wasiirrada arrimaha dibedda wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo hordhac u ah shirka madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa looga hadli doonaa qadiyadaha ka taagan ee dunida Carabta iyo u sii gogol xaarka shirka Madaxda oo 19-bishan ka furmaya magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Qodobo ay ka mid yihiin deyn cafinta, cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer saaran dalka iyo tartanka Soomaaliya ugu jirto kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay 2025-2026 ayuu wasiirku kala hadli doonaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ee arrimaha Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siiyay halka ay mareeyso arrimaha wadahadallada Soomaaliland iyo kullamada wadatashi ee uu la yeelanaayo madaxda sare ee dalka, ayaa wuxuu Guddoomiyaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, isagoona muujiyay sida Jamhuuriyadda Federaalka gaar ahaan laanta sharci dejinta ay u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shir-guddoomiyey kulan ay wada qaateen laamaha garsoorka iyo Boliiska

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo shirguddoomiyey kulan ay wada qaateen laammaha garsoorka iyo Booliiska

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa shir guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta Garsoorka iyo Booliiska.

Kulankan oo uu sidoo kale qayb ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxa looga hadlay Xaalada Guud ee Cadaalada Dalka.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka Booliiska iyo taliyaha Ciidanka Booliiska qaybta guud ee gobolka Banaadir.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la taliyaha xakamaynta qulqulka hubka Sharci darrada ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka.

Wasiirka Baatroolka XFS oo shir uga qayb galay dalka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa maanta uga qeyb galay Magaalada London Shirka (Afrika Energy Submit).

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah Dowlado Badan oo Afrika ah, waxaana lagu falanqeeyay horumaradda dhanka Shidaalka iyo Gaaska (Oil & Gas) laga sameeyay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa shirka ku soo bandhigay Xogta Shidaalka Soomaaliya iyo dhamaan heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen Sharciyadda Shidaalka, waxa sidoo kale qeyb ka ahaa warbixintooda horumarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka Shidaalka iyo shuruucdiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay qaban qaabada shirweynaha Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay qaban qaabadiisa wado, hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabadda xuska 80 guuradii aasaaskii SYL oo ay qabatay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayna ka soo qayb galeen in ka badan 1000 dhallinyaro ah iyo masuuliyiinta goleyaasha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa dhallinyarada uga jawaabay su’aalo la xiriiray fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha jira, waxaana dhallinyaradaas ka mid ahaa kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo iyagana ay wasaaraddu ku marti qaaday munaasabadda.

 

RIYOOYIN BADAN OO HADDII AAD SAMEYSO GUULO KU GAADHSIIN KARO (SHEEKO QEYBTA 1-AAD)

Waxaan ku howllanahay wareysi (qaabilaaddii) ugu horeeyey noloshayda, si aan ugu helo shaqo heer sare ah mid kamida shirkadaha waa weyn, haddii aan ku guulaysto waxaa iskaga tegi doonaa gurigan dhibka badan waxaan ka nasan doonaa canaanta joogtada ah ee Aabahay.

Niyad jabta aan dareemayey in badan oo aan shaqo la’aan ahaa iyo hamiga oo igu yaraa taana waxaa sabab u ah joogista guriga oo caajis iyo han yari igu beeray.

Maalintii wakhti hore ayaan soo kacay waan qubaystay waxaan ku lebistay wixii ugu qurxoonaa ee aan heli karay, baraafuun oo aan isku buufiyey, markaan damcay inaan albaabka ka baxo, ayaa waxaa garabka iga taabatay gacan, gadaal ayaan u jaleecay mise waa Aabahay oo dhoola caddeynaya, inkastoo ilgo’a jiradu si cad uga muuqatey wejigiisa.

Wuxuu ii dhiibay xoogaa lacag ah wuxuuna igu yiri: waxaan kaa doonayaa inaad noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi), naftaadana ku kalsoonoow, su’aal kastoo lagu waydiiyo ha khalkhalin.

Waan dhegaystay taladii Aabahay anigoo qalbiga ka dhibsanaya, oo isle ilaa hadda ma wuxuu ila dabo taagan yahay waano, waxaan ba moodaa inuu u danleeyahay inuu I dhibo wakhtigii ugu farxda badnayd noloshayda.

Guriga ayaan dhakhso uga soo baxay waxaan ijaartey/kireystay taksi waxaan aadey meeshii shirkaddu ku qabanaysey warreysiga (qaabilaada).

Markaan ka soo galay albaabka shirkadda waxaan layaabey!!!

Waardiye ma joogo albaabka, shaqaale wax soo dhoweeya ma laha keliya tabeelayaal ayaa ku hagaya ilaa meesha interfiyuuga laga gaaro.

Markaan albaabka ka soogalay  waxaan arkey gacankii albaabka oo albaabka ka laalaada qarkana u saran inuu jabo haddii qof ku dhaco.

Waxaan soo xusuustay waanadii Aabahay ee markaan guriga ka soo baxay uu igu soo sagootiyey (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi)).

Isla makiiba gacankii albaabka ayaan halkiisii ku celiyey, waana hagaajiyey oo aan ku adkeeyey booskiisii.

Kadibna tilmaamihii tabeelayaasha ayaan raacay waxaan soo gaaray beertii (jardiinkii) shirkadda, waxaan arkey marinkii oo biyihii ku soo faafeen, waxayna u muuqatey in ninkii ka shaqaynayey uu ka mashquulay.

Waxaan soo xusuustey canaantii Aabahay uu igu canaanan jiray inaanan biyaha beerdareeyn.

Isla markiiba tuubadii ayaa ka bixiyey oo waxaan ku duwey meel qalalan, biyaha socodkoodana waan yareeyey si ayna durba u buuxsamin ilaa uu ka soo laabto jardiino yeerigii ( ninka beerta ka shaqeeya).

Kadibna waxaan horey u galay dhismihii anigoo raacaya tilmaanta tabeelaha ee falaadha, markaan sii fuulayey jaranjarada waxaan arkey tiro aad u badan oo nalal ah oo shidan waxaan joognaa dharaar cad, si degdeg ah ayaan u demiyey anigoo ka baqaya qayladii Aabahay uu igu qaylin jirey mar walba oo uu arko wax khaldan.

WQ: C/wali Daljir