Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar

Dooxa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane, Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha  Gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaarayaasha Caalamka.

    

Wasiirka Caafimaadka oo Isbitaalka Banaadir ku booqday hooyo dhashay afar mataano ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood oo mataano ah ku dhashey Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Hooyada ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, Dr; Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayay Hooyada iyo Carruurteeda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Farxiyo Xuseen Cali ku wareejiyey haddiyad hordhac ah ,wuxuuna ballan qaaday in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Carruurteeda.

Yaxye Cabdi Sheekh oo ah Aabbaha mataanaha ayaa ka mahad-celiyay booqahsada Wasiirka Caafimaadka, wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay garab istaagga loo sameeyay iyo in Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya uu ku booqdo Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ah halka ay ku dhasheen afartiisa Gabdhood.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay waajib ka saaran tahay Wasaaraddiisu ilaalinta iyo bedqabka Caafimaad ee Muwaaddinka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan, iyadoo sii laba laabi doonta horumarinta Caafimaadka iyo sidii ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah.

    

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuq-maasuqa.

Mudane, Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siineyso isla xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in labo cadow oo waaweyn ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, kuwaas oo kala ah Khawaarijta Al-shabaab iyo Musuqa, wuxuuna sheegay in dagaalka cad ee loogu qaaday Khawaarijta mid ka culus lagu qaadayo Musuqa iyo hufnaan la’aanta.

       

Wasaaradda dhallinyarada oo qabatay tartan loogu talo galay dhallinyarada maqalka la’

Wasaaradda dhallinyarda iyo Isboortiska Soomaaliya ayaa qabatay tartankan, kaas oo ay ka qayb galeen 8 kooxood oo isugu jiro cayaartooy, macallimiin iyo maamulayaal isboorti oo ay tiradooda gaareeyso 160 qof.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada XFS Mudane, Xil Maxamed Bare ayaa iclaamisay in la qabto wejiga labaad ee tartanka dadka maqalka la’ , iyadoo taas laga duulaayo ayaa Agaasimaha waaxda Isboortiga, Saciid Maxamed Xasan (Saacid) waxa uu furay tartankii dadka baahiyada gaarka ah qabo, gaar ahaan kuwa Maqalka la’.

Bishii November ee sanadkii hore ayuu wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil , Maxamed Barre Maxamuud ku dhawaaqay in tartan joogta ah loo samayn doono dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba oo garoomadooda si gooni ah loo dayactiri doono.

Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo

Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada ayaa maanta oo Arbaca ah, sheegay in ilaa 25 milyan oo qof, oo ka dhigan in ka badan kala bar dadka reer Suudaan, ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.

Mas’uulkan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay jiraan ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo ka barakacay colaadaha ka socda Suudaan, kuwaas oo intooda badan u sii gudbay dalalka deriska.

Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada, Ramesh Raja Singham, ayaa tilmaamay in qorshaha wax ka qabashada arrimaha bini’aadannimo ee Suudaan, ay u baahantahay dhaqaale gaaraya 2.6 bilyan oo dollar, taasi oo uu sheegay haddii aan la helin in xaaladda Suudaan ay isu rogi karto dhibaato gobolka wada gaarto.

Dalka Suudaan, tan iyo bartamihii bishii hore waxaa ka socday iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada qalabka sida iyo xoogaga taageerada degdega ah, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo kala duwan.

Waxqabadka dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Dooxa kulan kula yeelanaya Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay qaraarkii Golaha Wasiirada ee maareynta hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku booriyay inay door weyn ku yeeshaan siyaasadda dalka, xilli uu ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May.

Madaxweynaha, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta 15 May ee dhalinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Qaraarka Adkeynta Hufnaanta Maareynta Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo waqtigii uu dalka ka hawlgalayey uu soo dhammaadey.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqasho ay ku qiimeyneyso khasaaraha fatahaadda Wabiga Shabeelle ku tagtey magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta iyo fatahaadihii Webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinka ay geysteen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha oo lagu hubinayo tayadooda ka hor inta aanay dalka soo galin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka u sharaxay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystey xubno ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanaysay oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudi Caraabiya ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Sanduuqa ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro musuqmaasuga, lana qaadayo talaabooyin adag oo dalka looga suulinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay dafiirka cusub ee Dowladda Britain u soo magacawdey Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay la fuliyeen Degmada Aw Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda nootaayada dufcadda saddexaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis iskaashi farsamo ee saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo Sweden kaga qeybgashey shir looga hadlayey tahriibka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE taas oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed oo London uga qeybgalaya Shirka Tamarta iyo shidaalka Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka qeybgalaya hordhaca Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

 

Dowladda Qatar oo mashaariic hor leh ka fulineysa Soomaaliya

Agaasimaha mashaariicda dowladda Qatar ee dalka Soomaaliya, Abuubakar Bashiir ayaa sheegay in la dhammaystiri doono dhowaan heshiisyo ku saabsan Ganacsiga , maalgashiga iyo siyaasadda oo ay horay u gaareen labada dowladood.

Agaasimaha oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa intaasi ku daray in uu qorshuhu yahay in howlaha la xiriira horumarinta iyo arrimaha bini’aadan-nimada looga sii gudbi doono mashaariic maalgashi oo ay wadaagaan labda dowladood iyo labada shacab, si walaalnimada iyo is-dhexgalku u xoogeysto.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisa mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka, xarumaha dowladda, arrimaha bini’aadan-nimada, waxbarashada, dib u dhiska iyo tababarka Ciidamada Qaranka.

Mid kamid ah Markiiba kalluumeysiga Shiinaha oo ku caariyay badweynta Hindiya

Xukuumadda Beijing, ayaa maanta oo Arbaca ah  ku dhawaaqday, in badweynta Hindiya uu ku caariyay mid ka mid ah Markiibtooda kalluumeysiga, taas oo keentay in la waayo dhammaan shaqaalahii saarnaa oo gaarayay 39 ruux.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa amray in la billaabo howl-gal baaritaan ah oo lagu baadi goobaya Shaqaalahii markabkan, ku waasi oo  isugu jiray 17 Shiinees ah, 17 Indonesia ah iyo 5 ruux oo Filibiin u dhashay, sida lagu sheegay warbixinta.

Markabkan la waayay ayaa sida la shaaciyay waxaa leh shirkad Shiineeys ah oo lagu magacaabo Bangali Jinglu Fishery Co, oo ah shirkad ka ganacsato kalluunka.

Dawladda Shiinaha ayaa bilawday howlgalo degdeg ah oo lagu  oo lagu baadi goobayo Shaqaalaha Markabka la waayay, kuwaasi oo ay qeeyb ka yihiin safaaradaha dalalka Australia, Sri Lanka, Maldives, Indonesia, Philippines iyo dalal kale.

Dalka Shiinuhu ayaa la shegaa inuu leeyahay maraakiibta kalluumaysiga ee ugu badan adduunka, Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo  (FAO) ayaa warxin ay baahisay sanadkii 2022-kii ku sheegtay in Beijing ay leedahay Maraakiib Kalluumeeysi oo gaaraya 564,000 oo Markab.

Maamulka gobolka Banaadir oo sagootiyay duqa magaalada Bolnas ee dalka Sweden

Maamulka Gobolka Banaandir ayaa kulan sagootin ah xalay u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay hawlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Nabad Sugida iyo Boliiska, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo aggaasimahaal.

Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani oo kulankan ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Magaalada Muqdisho oo ay ka muuqato isbadal dhan walba leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu tilmaamay in Maamulka Gobolka uu soo dhaweynayo cidkaste oo kaalin ka qaadaneysa dib udhiska iyo Xasiloonida Caasimadda.

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka ganacsanayay maandooriye

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka gobolka Banaadir ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxay ku soo qabteen rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya .

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanku ku baarayeen goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, iyagoo gacanka ku soo dhigay jirigaamo ay ku jiraan qamriga macmalka ah ee calaqa, xashiish iyo shan qof oo ka ganacsanayay.

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Booliska gobolka Banaadir, G/le, Daa’uud Axmed Carraale ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo howlgalka lagu soo qabtay faray in da’yartu la shaqayso laamaha ammaanka oo ay sheegaan waxa dhibka ku haya bulshada.

Taliye Daa’uud ayaa dhallinyarada ugu baaqay in soo sheegaan Garan-waaga ku dhuumaaleysanaya xaafadaha oo ay soo gudbiyaan wixii ay ka shakiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada Qaranka, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada dhacda iyo wanaaggaba ay si toos ah u taabanayaan da’yarta Soomaaliyeed.