Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin)

Weeraradii ay argagixisadu ka geysan jirtay Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay aad u yaraaday, ma ahayn howl aad u sahlan oo iska timid, balse waxay ku timid dadaal iyo juhdi xoog leh oo ay wadajir u muujiyeen ciidamada qaranka, kuwaas oo hurdo iyo nasiino ka doorbiday in ay shacabka nabad ku hurdaan.

” Wada-shaqeynta ciidamada amniga hay’adaha ammaanka runtii oo waagii hore gaab ku kala jiri jiray, haddana sidaad la socotaan ciidamada ammaanka haddii ay ahaan lahayd Boolis,Nabad sugid iyo Boolis-Militaro si wadajir ah u wada shaqeeyaan, hal meel ayay ka wada Amar qaataan,halkii sarkaal ee u yimaadana oo ciidamada ka mid ahna ka wada Amar qaataan, hal commender ayay leeyihiin, madaxda dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeyana nagu hageyso in cadowga ummmadda Soomaaliyeedna si wadajir ah loola diriro,taas oo laga dhabeeyayna waxay dhabar jab ku noqotay Khawaarijta iyo xogta oo shacab iyo ciidanba wadaagaan,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee dadku cibaadeystaan, waxay Khawaarijtu u ahayd bartilaameed gaar ah oo ay ku kordhiyaan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeded.

Laakiin, Bishii Ramaadaan ee ugu dambeysay wa ay ka duwaneyd bilihii hore.

” Waxaan kale oo aan ka mahad-naqeynaa, Ramadaankii oo si sharaf leh ku soonay, taasi sacab laguma qarin karo, 100%-na waa ka mahad-naqeynaa, 17ka marka la gaaro Beder waa iyo biyo ayaa uruursan jirnay iyo raashiin, sanadkan ma dhicin marka taas oo mahad-naqa koowaad, ” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku diirsaday neecowda nabadda ee ka jirta Muqdisho.

” Amniga Muqdisho laga dareemay bishii Ramadaan, waxay ahayd howl la wada qabtay, laakiin sida Duniyo u sheegtay ciidamadeenna qabtay, gaar ahaan dhallinyarada soo jeesatay ee doonaya in ay dalka hagaajiyaan, haddii maalin walba lagu hey jiray ciidamada waa xun yihiin jidka ayay isbaaro dhigtaan, dadka ayay qash-qashaadaan,dadkey handadaan, maanta waxa waaye, mataal fiican ayay u yihiin,” ayuu yiri madaxwynaha JFS.

Wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka sida Booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka gaar ah ee Boolis-Militaro, ayaa dhexda u xirtay in ay ka hortagaan qorshe kasta oo Khawaarijta ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay natiijada ka dhalatay wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo shacabka ayaa yiri ” Waa markii ugu horeysay ama koowaad oo ay timaado, Militari,Boolis iyo Nabad-sugid  wada shaqeynaya si dhab ah oo habeen iyo maalin u taagan, waaxay inoo dhashay natiijo cusub oo aan hore loo arag oo ah shacab iyo ciidan isku faraxsan oo gacamaha is haysta oo habeenkii soo wada jeeda oo wada shaqeynaya, natiijadan ayay keentay”.

Dadaallada ciidanka Dowladda ee u taagan ilaalinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa hoos u dhigay weeraradii iyo ficiladii Khawaarijtu ay ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.

Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ayaa shaacisay 70%, waxaa hoos loo dhigay falalkii amni-daro ee Khawaarijtu ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.

” Wasaaradda amniga gudaha waxay soo bandhigeyaaa Dikumenti ku saabsan hoos dhac 70% ah ayaa ku yimid, dhacdooyinkii Khawaarijta, saddexdii bil ee Febraay, Maarso iyo April,isbedelka falalka Khawaarijta waa Febraayo oo 49 ahayd ilaa April 16 noqotay, haddaba hoos u dhaca waa 67%, waxaa ka dhihi karaa boqolkiiba waxay falalka Khawaarijtu hoos u dhaceen 70%,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga gudaha XFS.

Ciidamada amniga oo kaashanaya xogaha ka soo gaaraya dadka shacabka ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan falalka guracan ee Khawaarijtu shacabka Muqdisho ku dhibaateyn jireen, waxay ugu tageen gododka iyo xarumaha ay kaga dhuumaaleysan jireen deegaannada duleedka ka ah caasimadda dalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa bur buriyay fariisimihii lacagaha baadda ah ee argaguxisadi uga qaadi jirtay ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda si nabad oo cabsi la’aan ah u ganacsado,islamarkaana u hoggaansamay amarkii Dowladda ee lagu cunaqabateeyay dhaqaalaha Khawaarijta iyo baaddii ay uruursan jireen.

Madaxweyne Xasan oo ka tacsiyeeyey geerida Col. Cismaan Maxamed Jeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Korneel Cismaan Maxamed Jeelle.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Korneel Cismaan Maxamed Jeelle uu muddo dheer u soo adeegayey qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladdii Dhaxe, Duqa Magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyada kale oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo uu kala soo shaqeeyey Dowladihii soomaray dalkeenna.

“Inna Lillaahi Wa Inna IIayhi Raajacuun, Alle ha u naxariisto Cismaan Maxamed Jeelle, oo waqti badan ku soo bixiyey u adeegidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Cismaan Maxamed Jeelle in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay saraakiil ciidan oo dalka Qatar ku qaadanaya tababar

Qatar:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socdo dalka Qatar.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqdaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.

Ciidanka Qaranka ayaa guullo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaarijta oo ka socda deegaanada kooxahani ka dhigteen gaboodka.

    

Maxkamada gobolka Baay oo xukun dil ah ku fulisay laba nin oo hore dilal u geystay

Baydhabo:- Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo hore dilal u geystay.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii ay geesteen.

Wasiirka arrimaha dibadda oo Sucuudiga uga qayb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta

Jidah: Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee madaxda oo maalinta Jimcaha ah furmi doona.

Intuu shirku socdo ayaa wasiiradu uga  wada hadli doonaa qadiyadaha taagan ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo kuwa saamaynta ku leh ee dunida ka dhacaya.

“Shirka wasiirrada iyo midka madaxdaba waxaan horgayn doonnaa arrimaha dalkeenna sida goonida ah u khuseeya een taageerada uga baahannahay dalalka Jaamacadda Carabta sida dhamaystirka dayn cafinta, maadaama dalal badan oo carbeed lacago badan nagu leeyihiin, cunaqabataynta hubka oo dalkeena muddo dheer saarnayd iyo tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025-2026 oo doorashadiisu dhacayso sanadka soo socda ee 2024” ayuu yiri wasiir Huruuse.

Ra’iisal wasaare Xamse oo ka qaybgalay munaasabadda sagootinta safiirkii Maraykanka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, arrimaha bulshada iyo Bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisi diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weyn ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay.

          

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka Ingiriiska

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahan Ku-simaha madaxweynaha JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, ayaa sidoo kale kullanka waxaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed. Dhanka kale waxay kawada hadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka khawaarijta.

Wasaaradda deegaanka oo Kalluun ku wareejisaywasaaradda amniga

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa hal tan oo kalluun ah ku wareejiyey wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa si loo sii dhiirragalleyo Ciidankeenna.

Maxamed Cali Xagaa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ayaa ka mahadceliyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Taliska qaybta guud Booliiska Gobolka Benaadir, iyadoo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa in ay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan in ay dalka ka difaacayaan cadowga.

Sidoo kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay ugu talogashay taageeradaan in ay ku dhiirrageliso bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay.

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Nairobi- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Khawaarijta kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada socda iyo in ay naga caawin doonaan tababarrada heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale dhiggiisa Kenya uga mahad-naqay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaallanka Argagixisada maadaama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.

    

Xukuumadda Federaalka oo dhaqan gelisay shuruucda hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay’adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay’addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey horumarka ay sameysay Hay’adda Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay Hay’adda Duulista Rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, isla markaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka, taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.