Madaxweynaha Ukraine oo sameeyay booqasho lama filaan ah oo uu ku tagay Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa safar lama filaan ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu ka socdo shir madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabta.

“Waxaan billaabay booqashadii ugu horreysay ee aan ku tago Boqortooyada Sacuudi Carabiya si aan kor ugu qaado xiriirka laba geesoodka ah iyo xiriirka Ukraine ee dunida Carabta,”sidaasi waxaa bogga Twitter ku qoray Zelenskyy .

Madaxweynaha Ukrine waxa uu sheegay in uu ka hadli doono arrimo ay kamid yihiin nabadda caalamka , iskaashiga dhinaca tamarta iyo soo celinta dadka maxaabiista ah ee lagu qabtay dagaalka Ukrine.

“Sacuudi Carabiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha siyaasadda caalamka,sidaa daraadeed, waxaan diyaar u nahay inaan wadashaqeynteenna gaarsiinno heer cusub”, Zelenskyy ayaa intaa ku daray.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa. bin Jassim Al Kuwari.

Mudadii uu socday kulankaasi ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay klamid ahaayeenn is dhaafsi xogaha iyo khibradaha , dhismaha hay’adaha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale  madaxdaasi ka kala socday Soomaaliya iyo Qadar waxay ka wadahadleen sii wadidda  mashaariicda ay Qadar  a ka fuliso Soomaaliya.

Magaalada Nirobi oo lagu soo gabagabeeyay shir la xiriiray dib u dhiska magaalooyinka dalka

Shir looga hadlaayey dib u dhiska magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ka qeybgaleen Dowlad Govoledyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nirobi ee Dalka Kenya.

Shirkaasi oo soxday muddo  4 cisho ah,waxaa soo Agaasimay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, machadka Tokiyo iyo bangiga horumarinta  dubida.

Shirkaan oo ay ka qeybgaleen madax ka kala socday 6 magaalo oo dalka ah,waxaa kaloo looga hadlay Maamul wanaagga, Adeegga aasaasiga ah ee bulshada sida dhisidda buundooyinka iyo bulaacadaha.

Madaxdii ka hadashay shirkaasi,waxaa kanus ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diriye

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku howlan wax u qabashada ardaydii ka soo cararay Suudaan

Agaasimaha Tacliinta Sare ee XFS Ismaacil Yuusuf  Cismaan ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay qorsheynta sidii waxbarashadooda ay u sii wadan lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee naftooda kala soo baxsaday colaadda ka jirta dalka Suudaan.

Agaasimaha oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay wadaan diiwaangalin ku aadan tirada saxda ah ee ardayda ka soo cararay dagaalada ka jira Suudaan iyo sidii loo sii wadi lahaa dhameystirka waxbarashadooda.

Ismaacil Yuusuf  Cismaan,waxa uu tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay soo gaareen arday lagu qiyaasay 1270,halka ilaa sadex boqol oo arday ay gaareen gobolada dalka mwuxuuna intaa raaciyay in wasaaradda waxbarashada ay gacan ka geysaneyso meeleynta ardaydaasi.

Guddi uu magacaabay r/wasaaraha dalka ayaa ku howlan wax u qabashada ardayda ka soo cararay Suudaan,iyadoo safaaradda Suudaan ee Soomaaliya lagala tashanaayo xogaha ardayda ee ka diiwaangashan jaamacadaha Suudaan.

Dhinaca kale, Gudoomiyihii Ardayda Suudaan Muqtaar Macow oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u mahadceliyay maamulka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare,isagoo docda kalana sheegay in ay jiraan arday ku xayiran Xaduudaha dalka Suudaan oo garab uga baahan dowladooda.

Shirka wadamada G-7 oo maanta ka furmaya Dalka Jabaan

Japan ayaa martigelinaysa shir madaxeedka G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalkaasi,halkaasi oo ay isugu tageen hoggaamiyeyaasha Canada, France, Germany, Italy, United Kingdom iyo Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Shirka ayaa socon doona 3 cisho waxaa lagu wadaa in uu furmo duhurnimada maanta,iyadoo looga hadlaayo qodobbo ay kamid yihiin dagaalada ,Ukraine iyo sidii looga jawaabi lahaa ajandaha ugu sarreeya ee horyaalla shirkaasi.
Madaxweynaha Yukreeniyaan Volodymyr Zelenskyy ayaa sidoo kale la filayaa in uu madaxda G-7 kula hadlo habka muuqaalka.
Madaxda G-7 ayaa saaka ubax dhigay beerta Nabadda ee Hiroshima, halkaas oo ay ku dhinteen kumannaankii qof ,kadib markii Mareykanka uu magaalada ku tuuray Bam Nuclear ah 1945tkii.
Dad badan oo dibad-baxaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka halka uu ka dhacayo hirka G7

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo berri oo Jimce ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗿𝗱𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗼𝗯𝗼𝗰𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyo wada shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isagoo faray inay dardargeliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib Deyn-cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.

Madaxweynaha JFS oo ganacsatada dalka Qatar la qaatay kulammo ku saabsan maalgashiga Soomaaliya

Dooxa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar ayaa u soo bandhigay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa ganacatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga.”

Dhankooda, Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya, iyagoo bogaadiyey guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

NISA oo dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidanka oo Khawaarijta loo waday iyo shabakaddii ka shaqeyneysa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Sirdoonka Somalia ayaa si dhow ula socday Saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay intaba.

NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo gobalada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekada ilaa gaarsiinta gacanta Khawaarijta.

Dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan.

ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan Cadowga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale uu qabtay sirdoonka Somalia.

Dhanka kale Sirdoonka Somalia wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka.

Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮” 𝗛𝗮𝗱𝗮𝗳𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗼 𝗰𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗮𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.

Ra’sul Wasaaraha oo guddoomiyey shirka amniga caasimada, kaas oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho ayaa intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in guulaha la gaarey ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.