Madaxweynaha JFS oo cafis u fidiyay 127-Maxbuus oo ku eedeysnaa dambiyada fudud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye,kuwaas oo saakay la sii daayay Munaasabadda Ciidda awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

  

Khasaaraha Khawaarijtu lagu gaarsiiyay weerarkii Masagawaa oo la shaaciyay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa fashaliyay weerar naf lacaari ah oo Khawaarijtu saakay ku soo qaadday degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud.

Generaal Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in weerarka uu saakay ka dhacay duleedka degmada Masagawaa,islamarkaana jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga.

“ Khasaaraha hadda intaan xaqiijinay waa 18- oo Khawaarijta ah, niman maaryaan diimeed ah iyo dadka deegaanka ayaa dagaallamay, waana la iska dhiciyay, dadka deegaanka ayaanna guuleystay,

Sidoo kale, Generaal Tareedisho, ayaa sheegay in weerarkaas ay ku shahiideen saddex oday dhaqameed oo ka tirsanaa dadka deegaanka oo qoryaha u qaatay sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen Khawaarijta oo qaarkood ay macallimiin Dugsi ay ahaayeen.

Khawaarijta ayaa ku guuldareystay weerarka Masagawaa, waxaana hadda ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay ku daba jiraan firxadka Khawaarijta ka baxsaday goobta dagaalka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta ku qaadeen degmada Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga dadka deegaanka ayaa Khawaarijta ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ay saakay isku dayeen in ay ku arbushaan fariisin ciidanka ay ku leeyihiin degmada Masagawaa.

Waxaa jira Khasaaro xooggan oo la gaarsiiyay Khawaarijta weerarka gaadmada ah soo qaaday, sida uu ku soo waramayo wariye ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo jooga Masagawaa.

Khawaarijta oo aanan awoodin in ay dagaal toos ah kala hor yimaadaan geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa Qaraxyo waxay ku soo xireen kuwa ay qaldeen, laakiin naftood hurayaasha Ciidanka Qaranka ayaa hor istaagay damaca Khawaarijta.

Goor dhow la soco faah-faahinka dheeraad ah

Ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo qaaday howlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidaamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaanno hoos yimaadda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta ku ciideysa farxadda.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in laga hortago dhagarta kooxda khawaarijta Al Shabaab ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, G/dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu cirib tirayo Khawaarijta.

Kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaanno badan oo muddo badan shacabka ay ku dhibaateyn jireen ka dib markii ay ka war heleen in ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo isgarabsanaya ku soo wajahan yihiin.

     

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA LA OOGAY KUMANAAN SHACAB AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

  

Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah

Ciidamo ka socday Kumaandooska Danab ee XDS ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta darbi Jiifka ah ee.

Maama Ugaaso.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee taliska guutada ciidamada Danab,Asli Maxamuud Xasan Xalane oo ka hadashay wareejinta iyo qeybinta deeqdaasi,ayaa caruurta ku jira carunta dhaqan-celinta ka codsatay in ay u soo duceeyaan ciidamada dalka oo dagaal kula jira kooxaha khawaarijta.

Qaar kamid ah caruurta ayaa ka mahadceliyay deeqdaasi raashinka ah ee la gaarsiiyay,waxayna ku duceeyeen in uu Ilaah siiyo ciidamada guullo isdaba jog ah.

Waxqabadka dhabta ah ee ciidamada ayaa ah in gacan ay ku difaacaan dalka,gacanna ku saacidaan shacabka.

Dhinacyada isku haya Suudaan oo la saaray cadaadis xabad-joojin ah

Waxaa sii kordhaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof todobaadkaan.

Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa wada xabbad joojin saddex maalmood ah oo loogu talagalay xusaka ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

Ciidanka RSF ee ka horjeeda dowladda,waxa ay ogolaadeen xabbad joojin 72 saacadood ah ,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa codsaday xabbad joojin si loogu oggolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobo badbaado leh.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ka codsaday hogaamiyayaasha millatariga ee dagaalamaya si gooni gooni ah inay ku biiraan xabad joojin ugu yaraan ilaa Axada.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in Gen Burhaan uu taleefoono ka helay madaxda Turkiga, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Mr Blinken iyo wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Qatar.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee aqalka Sare oo Ugu Hambalyeeyay Umadda Islaamka Munaasabadda Ciidul fidriga.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee aqalka Sare Mudane Cali Shacban Ibrahim ayaa Dunida Islaamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga oo Ku Beegan Maalinta Berita ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd aawadeed,loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas ka shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

“Ilaahay ha inaga aqbalo Soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, ayuu yiri.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Dhalinyarada xaq u dirirka ee Macwiisleyda kuwaaa oo Guullo waaweyn ka soo hooyay Howlagada ka socda gudaha dalka ee wiiqay awooda Kooxda khawaarijta ee Al Shabaab taasi oo muujineysa Geesinamada Ciidamadeena iyo dadka Deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in shacabku ay  ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaanshiyaha,wuxuuna dhinaca kale Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

Share this Article

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka uu Alle wax siiyay ugu baaqay in ay walaalahooda dan yarta ah la qaybsadaan farxadda Ciidul Fidriga lana wadaagaan damaashaadka maalintaasi.

Mudane , Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa si gaar ah uga dardaarmay in il gaar ah lagu eego walaalaha Soomaaliyeed kasoo barakacay abaaraha iyo musiibooyinka kale eek u duruufeysan magaalada Muqdisho.

CIID WANAAGSAN

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaaq Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan Xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed Xukuumad iyo Shacabba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe, Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Ceel Waaq oo Jubbada hoose ah iyo deegaanno kale oo kamid ah Soomaaliya.