MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA
Kulan ku saabsan sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed oo lagu qabtay muqdisho
Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:
• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka.
• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.
• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA .
• Dhisidda hannaan joogto ah oo labada hay’adood ay si wadajir ah u fuliyaan.
Wasiirka ayaa sheegay in la qaadayo tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.
𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:
• Laga bilaabo 1-da September 2025, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka ku safaraya dalka gudihiisa waxaa looga baahanyahay inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
• Muddada ka horeysa taariikhdaas, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, lataliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.
Kulankan oo uu shir guddoomiyey wasiirka amniga gudahaha XFS ayaa lagu adkeeyey Isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay iskaashiga waddamada badaha leh iyo kuwa aan lahayn
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qeybgalay Shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee waddamada soo koraya ee aan badda lahayn (LLDCs), kaas oo ka furmay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, socon doonana 5–8 Agoosto.
Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa isku xirnaanta dhanka kaabeyaasha, fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyo kor u qaadidda iskaashiga dhanka horumarinta ee u dhexeeya wadamada aan badaha lahayn iyo kuwa badda leh.
Ujeedada guud ayaa ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara, iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.
Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa shirkan uga qayb galay matalaadda Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, isla markaana la xoojinayo xiriirka iskaashi ee gobolka iyo caalamkaba.
Wasiirka qorsheynta oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay iswaafajinta barnaamijyada muhiimka ah ee socda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Danjire Karin doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah muddadii ay xilka haysay.
Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo Shabeelaha hoose ka dhacay
Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay.
Ciidanka NISA ayaa kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub
Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hogaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya marwo Karin Johansson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka amniga iyo difaaca, taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dib u habeynta hay’adaha difaaca, tababarrada ciidamada qalabka sida, iyo dardargelinta barnaamijyada xasillinta ee deegaanada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee ku aaddan dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.











