Xafiiska xeer ilaalinta iyo Laamaha Amniga oo qabtay 189 kartoon oo lagu soo qariyey daroogo

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Laamaha Amniga oo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah iyo kaniiniyaal Isticmaalkooda ka reeban yahay gudaha dalka kuwaa la doonayay in dalka lasoo galiyo.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Afgooye ku tababaraaya howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar uga furay Degmada Afgooye howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, inta uu tababarka socda howlwadeennada ayaa qaadanaya casharro iyo khibrada la xiriira sidii ay si hufan ugu qaban lahaayeen hawsha diiwaangelinta iyo ku shaqaynta qalabka casriga ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee tababarka u furay howlwadeennada ayaa howlwadeennada tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan aqoonta muhiimka ah ee la siinayo, taasoo saldhig u ah howlgalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka Beeraha XFS oo deeq isugu jirta Gadiid iyo qalab guddoon siiyey qaar ka mid ah Beeralayda dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa fuliyey ballanqaadkii uu horey uga qaaday taageeridda beeralaydda Soomaaliyeed oo ay kujiraan dhalinyaradda ku hawlan ka faa’iidaysiga teknoolajiyadda casriga ah ee Greenhouse-yada.

Wasiirka oo kaashanaayo Hay’adda Qadar Charity, ayaa gudoonsiiye beeralayda 40 mooto oo ah kuwa xamuulka ah ee khudaarta lagu qaado, iyo 40 makiinad oo ah nooca lagu finjilo galleyda iyo badarka kale.

Munaasabadda wareejinta agabkan ayuu Wasiir Maareeye si gaar ah ugu dhiirigeliyay beeralaydda Soomaaliyeed in ay isku tashadaan, kaalintoodana ka qaataan kor u qaadista wax soosaarka, dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka saboolnimada, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhalinyaro firfircoon oo la jaanqaadi kara isbeddellada dunida.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekeda Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha Furdooyinka ayaa maanta xarunta Dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Mr. Charles King iyo koox kale oo ka socotay Xafiiska Horumarinta Dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgalidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha oo Dowladda UK ay gan ka geysatay dhisidda habka wadashaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaano (𝐒𝐢𝐬𝐭𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐫𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, 𝐒𝐎𝐌𝐂𝐀𝐒) oo ah hannaan online ah oo ay ku wada shaqeynayaan maamulka qeybta Maaliyadda ee dekadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda UK Mr. Charles King oo kormeerka kadib hadalkooban jeediyay ayaa tilmaamay in Dowladda UK ay sii wadidoonto wadashaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha qorshayaasha horumarineed hannaanka sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo horey dilal uga geystay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha hoose.

Qudaama Xamsa Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey), iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa ahaa eedeysanayaal horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo falal amni-darro ah.
Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka Guddiga Hagidda ee urur goboleedka bulshada bariga Afrika EAC

Caruusha-Tansaaniya- Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga Hagidda ee Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya intii u dhexeysay 4–6 Agoosto 2025.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Qabyo-Qoraalka Istiraatiijiyadda 7aad ee Horumarinta EAC (2026/2027–2030/2031), taas oo hagaysa jihada iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo horumarka gobolka sanadaha soo socda.

Wasaaradda Qorsheynta iyo QM oo ka wada hadlay sidii la isku waafajin lahaa qorsheyaasha horumarineed ee dalka

Agaasimaha Xafiiska Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Cabdifataax Cismaan Xasan (Gaandi) ayaa furay kulan ku saabsanaa is-waafajinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka, kaas oo ay la yeesheen madaxda xafiiska QM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isku waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Cusub ee Iskaashiga Qaramada Midoobay oo la filayo in la billaabo marka uu dhammaado qorshaha hadda socda sanadka 2025.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la dardargeliyo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si horumar la taaban karo looga gaaro mashaariicda socda, loona hubiyo in deeqaha la helo ay la jaanqaadaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Maxkamadda Sare ee dalka oo ka wada hadlay arrimaha xabsiyada

Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Maxkamadda Sare ee dalka ayaa kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah usoo Agaasimeen ku qabtay magaalada muqdisho kaas oo looga hadlayay Caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka Maxaabiista iyo arrimo kale oo quseeyo badqabka maxaabiista.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka wasaaardda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Ciidanka Qalabka sida, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka iyo Madax ka kala socotay Ciidanka Asluubta iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kullanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay Arrimaha Maxaabiista iyo Xabsiyada dalka, waxaana Laysla gartay Ahmiyadda magcaabista Guddi farsamo oo ka-kooban Qaybaha bahda Cadaaladda, kaasoo ay magacaabistiisa iyo hoggaamintiisaba leedahay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta, iyada oo lagu lafa-guray kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika ka qaato taageerada nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada gudaha Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan sugidda amniga, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, isagoo ku boorriyay in la laba-jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.

Danjire El Hadji Ibraahima Diene, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Wasiirka soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay sii wadidda taageeridda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

Baydhabo- Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF-2025) oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

Madasha ayaa isu keentay masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo dowlad gobolleed, hay’ado caalami ah, deeq-bixiyeyaal, ururro maxalli ah, ganacsato, jaaliyadda dibadda, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka, waxaana diiradda lagu saaray saameynta abaaraha, barakaca iyo isbeddelka cimilada, hoos u dhaca maalgelinta gargaarka, iyo muhiimadda hoggaaminta Soomaaliya ee qorsheynta howlaha gargaarka.

Khudbadaha iyo doodaha madasha laga jeediyay ayaa tilmaamay in la joogo waqti ay lama huraan tahay in laga guuro hannaanka gargaar ee dibadda ku tiirsan, loona jiheysto xalal waara oo ay Soomaalidu hormuud u tahay. Waxaa si gaar ah loo xusay, in la xoojiyo awoodda hay’adaha maxalliga ah, in ganacsatada, jaaliyadda dibadda, iyo Ururada bulshadu ay door muuqda ka qaataan wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.

Guddoomiyaha Baarlamaana Koonfur Galbeed, Mudane Cali Saciid Fiqi oo shirka soo xiray ayaa u mahad-ceiyay dhammaan madaxda, hay’adaha iyo ka qeyb-galayasha, isagoo xusay in kulankaan wax badan laga bartay, marka la eego qodobbada muhiimka u ah howlaha bani’aadannimo ee laga dooday, halka uu dul istaagay in ku tiirsanaanta kaalmada dibadda kaliya aysan ahayn xalka dhibaatada.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin ayaa mati-galinta shirka uga mahad-celiyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo dhaammaan hoggaanka iyo shacabka KGS, isagoo boggaadiyay ka soo qeyb-galayaasha madasha iyo qodobbada ka soo baxay ee muhiimka u ah wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.