Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Cecilia Bylesjö oo ah la taliye sare iyo u qeybsamaha Soomaaliya ee hay’adda FOLKE BERNADOTTE oo ah hay’ad Dowladda Sweden u qaabilsan nabadda iyo horumarinta amniga.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa wada shaqeynta Hay’adda iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo sidii hay’addan ay Golaha Shacabka uga taageeri lahayd xagga shuruucda, kor u qaadista xirfadda howlwadeenadda Golaha iyo sidoo kale cilmi baarista.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta hay’addan uga mahadceliyay wada shaqeyntooda, asigoo tilmaamay in kulankan uu sii xoojin doono dardargelinta wadashqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Kusimaha Safiirka dalka Libiya u fadhiya Soomaliya Mudane Nasar Maxamed Alsanuusi oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Guddoomiye Dr. Muungaab iyo Danjire Alsanuusi ayaa yeeshay kulan looga hadlay fursadaha iskaashiga ee dhex mari kara Caasimadaha labada dal, iyada oo diiradda la saaray dardargelinta heshiisiyo is-afgarad oo arrimahan la xiriira, kuwaas oo ay hore u kala saxiixdeen Duqa Magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Magaalada Tripoli ee caasimadda Libya.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amaanay kaalinta soojireenka ah ee ay Dowladda Libya ka qaadatay garab-istaagga dalka iyo dadka Soomaaliyeed marxaladdii adkaa ee la soo maray, waxaana uu xusay in maadaama ay labada shacab hadda leeyihiin khibrado isku eg oo dhanka duruufaha colaadaha ah ay muhiim tahay in la abuuro jawi iskaashi iyo khibrad-isdhaafsi ah oo ku dhisan xoojinaya xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah.

Kusimaha Safiirka Libya, Danjire Nasar Alsanuusi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono dardargelinta xiriirka iyo heshiisyada iskaashi ee labada dhinac, isaga oo soo jeediyay is-dhaafsiga booqashooyin ay Duqa Caasimadda Muqdisho iyo dhiggiisa Tripoli ku kala tegayaan labada magaalo si loo ambaqaado dadaal wadajir ah oo ka tarjumaya danaha horumarineed ee labada magaalo.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef

Wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu horeyn masuuliyiinta Hay’adda Unicef ayaa kormeeray Xarunta Caafimaad ee Kulmis iyo Isbitaalka Guud ee magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn xarunta madaxtooyadda ku qaabilay wafdiga Hay’adda Unicef.

Ku-simaha Madaxa Hay’adda Unicef Naser Sayid ayaa ku boogaadiyey Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle garab-istaaga bulshada nugul.

“Kaalin shaqo oo weyn ayaa ka dhaxeyso Hirshabeelle iyo Unicef, soo gaaristiina Jowhar ayaana ka turjumeyso.” Waxaa sidaasi yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey Unicef iyo Hay’addaha kale taageeradooda ku aadan shacabka Soomaaliyeed.

Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ka dhaggax-dhigay 7 waddo oo interlock ah, isla markaana xarigga ka jaray tiro la mida oo ay dhismihiisa iska kaashadeen Maamulka Degmada, Ganacsatada iyo Bulshada Degmada Heliwaa.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay iskaashiga bulsho ee lagu dhisay waddooyinka xaafadaha Suuqa Xoolaha, taasi oo muhiim u ah bilicda, ganacsiga iyo horumarka Degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib-u-dhis ku sameyn doono waddooyinka laamiga ah ee mara degmada Heliwaa, gaar ahaan kuwa burbursan, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay door muhiim ah ka qaataan qorshaha horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay bulshada Degmada Heliwaa kaalinta ay kaga jiraan is-diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah xuquuqdooda aasaasiga ah ee wax ku dooran karaan ama lagu dooran karo.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyada oo sidoo kale laga wadahadlay qodobbada istiraatiijiga ah ee lagu horumarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo fududeynta maalgelinta tooska ah.

Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid ayaa muujiyay xiisaha sii kordhaya ee shirkadaha Sacuudiga ay u qabaan suuqyada maalgashi ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan u fududeeya shirkadahaas inay si hufan uga hawlgalaan gudaha dalka.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hassan Mohamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay hoggaanka Somalia Medical Association (SMA) si ay ula wadaagaan qorshahooda cusub.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyee Dr. Luul oo markale loo doortey in ay dib u hogaamiso Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uuna kula dar daarmey in ay sii laba jibaaraan dadaalidii ay horey u wadeen, Ururka ayaana ka mahadceliyey qaabilaadda Wasiir ku xigeenka ayagoo tilmaamey in ay markasta diyaar u yihiin wada shaqeynta Wasaaradda iyo in ay qaataan doorkooda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarin iyo tayeynta Caafimaadka Soomaaliya taasoo qeyb ka ah yoolka guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros.

War-saxaafadee ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnadduna ay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka laga soo tago qalabka ciidan markabku uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

“Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in kor loo qaado heerka nolosha qoysaska danyarta ah ee ku nool gudaha dalka.

Intii ay socotay munaasabadda daahfurka, waxaa si rasmi ah agab shaqo-abuur loogu guddoonsiiyay 360 qof, kuwaasoo ka faa’iideysan doona qalabkan si ay u bilaabaan ganacsiyo yaryar oo waara, taasoo qayb ka ah qorshaha dhiirrigelinta nolol-maalmeedka bulshada.

Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda samafalka ee Qatar Charity. Barnaamijkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wado si loo abuuro fursado nololeed oo waara, loogana jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa munaasabadda daahfurka ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Tababar aqoon korarsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadda garsoorayaasha haweenka si ay door muuqda uga qaataan horumarka kubadda cagta dalka.

Munaasabadda daah-furka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa:
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeennada, Xog-haya guud ee Xiriirka iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka.

Ugu dambeyn, Wasiir Dahabo ayaa la dardaarantay garsoorayaasha dumarka ah ee tababarka uu u furmay, sidoo kale waxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga mahad celisay kaalintooda kaga aaddan horumarinta isboortiga Dalka.

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay

Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo casri ah oo loo dhisay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Cadaaladda Federaalka, Mudane Xasan Macallin, iyo Wasiirrada Amniga iyo Cadaaladda ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday xarumaha cusub ee wasaaradahan oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo, caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo tan Koonfur Galbeed, wakiillo ka socday Hay’adda IOM, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Dhismayaasha cusub ayaa lagu wadaa in ay sare u qaadaan howlaha shaqo iyo adeegyada ay bixiyaan labada wasaaradood, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta adeegyada bulshada.