Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda

Ankara- Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS, Jeneraal Cabduwahaab Cumar oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Admiral Ercüment Tatlioğlu.

Generaal; Cabduwahaab Cumar iyo Admiral Ercüment Tatlioğlu ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis dhanka socdaalka ah oo ay horay u gaareen Soomaaliya iyo Indonesia

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo arrimaha socdaalka ee labada dal.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin lagaga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan amniga, dib-u-xoreynta iyo xasillinta dalka.

In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas.

Khasaare culus ayaa lagu gaarsiiyey howlgalkan cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal lagu laayay horjogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen ciidamada deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa saacadahii ugu dambeeyay ka saldhig ay Khawaarijta ku lahayd deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Wasiirka Caddaaladda XFS iyo Majmaca Culimada oo ka wada hadlay la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Majmaca Culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira cadaaladda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo furay b𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢gga w𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 h𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 m𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝da s𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟒-𝐤𝐚

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟒-𝐤𝐚, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay guulaha maaliyadeed ee ay dowladda Soomaaliya ka gaadhay sannadkii 2024, caqabadihii la soo maray iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si waxtar leh looga faa’iidaysto.

Warbixintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu tayaynayo maamulka maaliyadeed ee dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer jeediyay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu kali ahaan aysan u laheyn guulaha maaliyadeed ee dalka, isagoo u mahadceliyay dhammaan hey’adaha wadashaqeynta la leh wasaaradda oo Baarlamaanku uu ugu horeeyo.

Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay sannadkan qaaday tallaabo taariikhi ah oo ah in markii ugu horraysay si rasmi ah loo bilaabo soo bandhigista Warbixinta Sannadlaha Maaliyadeed.

Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kobcinta kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF 2025), magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Bandhiggan oo ah kii 17-aad ee noociisa ah, ayaa socon doona ilaa 27-ka Luulyo 2025.

Wasiir Fiqi ayaa maanta booqday qaar kamid ah shirkadaha hormuudka u ah soo saarista qalabka difaaca, oo ay ka mid yihiin MKE, İpek Savunma iyo BMC.

Bandhiggan oo ah mid sannadle ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyada ugu dambeysa ee dhanka difaaca iyo qalabka milatari, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama uu fursad siinayo Ciidanka Xoogga Dalka in ay helaan aqoon iyo agab kor u qaada awoodda iyo tayada ciidanka.

 

   

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda

Ciidamada xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa galabta Khawaarijta ku weeraray goob ay isku uruursanayeen oo u dhaxeysa degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo, halkaas oo lagu jebiyey cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha Ciidamada Deegaanka ee howlgalka hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen Khawaarijta, isla markaana firxadkooda ay sii baacsanayaan.

Hawlgalkaan lagu jebiyey cadowga ayaa soo gaaray caawa, waxaana goobihii lagu dagaalamay daadsan meydadka Khawaarijta, goordhow la soco faahfaahin dhameystiran.

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Wasiir Xasan Macalin ayaa warbixin ka siiyay Mr. Swan howlaha uqabsoomay Gogosha Wada-tashiga Qaranka iyo qorsheyaasha socda ee la xiriira dhameystirka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

  

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul: Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ka qaybgalaya bandhigga hubka iyo Teknolojiyadda Militariga ee (IDEF 2025) kaas oo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si halkaas ay Soomaaliya uga hesho aqoon militari iyo kordhinta tayada casriga ah ee xilligan Militarigu isticmaalo.

“Waxaa naga go’an inaan sameyno iskaashi iyo wada shaqayn wax ku ool ah oo kor u qaadda difaaca Qarankeena, keenana tignoolajiyad iyo aqoon waxtar u leh horumarinta awoodda ciidamadeenna, si aanu u xoojino ilaalinta amniga iyo danaha Qarankeena” ayuu yiri taliye Sahal.

Soomaaliya ayaa Turkiga laleh xiriir qoto dheer oo dhinaca amniga ah, kaas oo taabanaya tababarka ciidamada iyo qalabayntooda.

   

Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera waxaa lagu daabacay warbixin qoto dheer oo uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Aadan, taas oo lagu soo bandhigay isbeddelada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka ka hirgalay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intii uu xilka hayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintu waxay tilmaantay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo madax-bannaanida qaranka, howlgallada la dagaallanka argagixisada, qabyo-tirka dastuurka iyo horumarinta dalka

🔹 La-dagaallanka Argagixisada:

Warbixinta Afhayeenka waxaa lagu sheegay in Dowladdu ay qaadday howlgallo waaweyn oo lagu xoreeyay drrgaanni badan oo dalka ah.

Afhayrrnku waxa uu sheegay in la fuliyay in ka badan 1,100 hawlgallo milatari, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 5,500 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha argagixisada.

Dagaalkaas oo ay barbar socotay cunaqabataynta dhanka dhaqaalaha ee argagixisada ayaa warbixibtu waxay xaqiijisay in la xiray 800 xisaab-bangi oo lagu helay in maalgelinta falalka argagixisada.

🔹 Dhanka Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah:

Dowladda ayaa bilowday qorshayaal rasmi ah oo ku saabsan baarista saliidda iyo gaaska, sida lagu xaqiijiyey warbixinta Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeene Xadaana ayaa Alhazeera u sheegay in la dejiyay nidaamyada sharci iyo mid maamul ee lagu ilaalinayo daahfurnaanta iyo caddaaladda qaybsiga kheyraadka.

🔹 Dib-u-Dhiska Dhaqaale & Maaliyad:

Soomaaliya waxay ku guulaystay in si buuxa looga dulqaado deymaha caalamiga ah bishii December 2023.

Waxaa la qaaday xayiraaddii hubka ee saarneyd dalka, taasoo fursad u siisay in dib loo dhiso ciidamo qaran oo tayo leh.

🔹 Horumarka Dastuuriga & Dimuqraadiyadda:

Waxaa la dardar geliyay dhameystirka dastuurka federaalka si loo helo nidaam sharci ah oo qaran.

Waxaa la shaaciyay qorshe lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

🔹 Soo Celinta Doorka Soomaaliya:

Soomaaliya waxay ku biirtay Ururka Bariga Afrika (EAC) si ay u xoojiso xiriirka gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxay heshay xubinimada ku-meel-gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo muujineysa kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

🔹 Arrimaha bulshada;

Dowladda waxay kordhisay tirada macallimiinta iyo fursadaha waxbarasho, iyadoo xooga la saarayo meelaha ay adeegyada ka liitaan.

Waxbarashada waxaa loo arkaa mid laf-dhabar u ah nabadda, shaqo abuurka iyo ka qaybgalka bulshada.

Gunaanad: Warbixintan uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u dhis qaran, oo lagu guulaystay dadaallo isku dhafan oo dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah.

Inkastoo caqabado ay jiraan, haddana waxaa muuqda rajo iyo jihayn cad oo ku aaddan sidii loo gaari lahaa dal xasilloon, midaysan, kana faa’iideysta khayraadkiisa, isla markaana kaalin muuqata ku yeesha dunida inteeda kale.