Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal Cabduwahab Cabdullahi Cumar, oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025, kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxa shirkada difaaca tignoolajiyada sare ee dowladda Turkiga Aselsan Ahmet Akyol.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Dal, sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay hormarinta iyo tayeenta Ciidanka Badda Soomaaliya si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo Difaacan kara badiisa.

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe

Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amar qaata faray in ay weeraraan xarumo Ciidanka Qaranka iyo goobo shacbi ah Magaalada Balad-xaawa ee Gobalka Gedo Maanta oo Jimce ah.

Weerarkaan oo sababay in ay Naftooda si micno darro ah ku waayaan muwadiniin
Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo Dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gobalka Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.

Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Eedaysanaha oo isku dayaya in uu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro.

Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxeey la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda.

Dawladda o gudanaysa waajabaadkeeda Dasturiga ah, waxaa ka go’an in laga hortago xadgudubyada nuucaan ah isla markaana aan fursad loosiin danbilayaashu in ay sii wadaan danbiyadooda.

=DHAMMAAD=

Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Qaar kamid ah ururada bulshada ayaa ka qeybgalay dood wadaag lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la xiriirtay hannaanka doorasho ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan dalka.

Dood wadaag oo si gaar ah looga hadlay doorka dhallinyarada iyo haweenku ay ku leeyihin doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa soo qaban qaabiyeen Madasha horusocodka Soomaaliyeed.

Dood wadagan waxaa mudadii ay socotay ka hadlay xildhibaan Ifraax Nuur, Guddoomiyaha madasha horusocodka  Ifraax Cumar Salaad,Afokaato Maaxamuud Duceysane  iyo xubno kale,kuwaas oo dhallinyarada ku dhiirigaliyay in ay doortaan cidda ay doonayaan  in ay ku aaminaan mustaqbalkooda.

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar‎) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo ah oo haysa labo ilaa toddobo maalin, waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata, wuxuu wataa xaglo (kala goysyo) xanuun badan, u dhimashada cudurkaan ayaa aad u yar, qiyaastii 1000kii hal ayaa u dhinta hadduu alle qadaro, dadka da’da ah ayaa u dhinta badanaa.

Magaca xanuunka “Chikungunya” asal ahaantiisu waa luqadda Sawaahiliga, macnihiisuna waa: “qallooc u socod”, qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis. xanuunkan ayaa ka yimaada kaneecada loo yaqaan (Aades الزاعجة المصرية) ama qaylisooy. cudurka ayaa laga helaa wadamada Maraykanka , kariibiyaanka, Maksiko iyo wadama ku teedsan xeebaha Bariga afrika, Xanuunkaan ayaan lahayn ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecadaasi.

Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab’iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan, si uu uga fogaado halista fuuq baxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!. Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro, waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol Daaqadaha iyo Albabaha u furan yihiin.

Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqdhaqaaqana wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.

Kaduudiyuhu muxuu kaga duwanyahay Rift Valley iyo qandhada Dengue?.

Inkastoo seddaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano “Aedes”, laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan laheyn dhiig-bax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiig-bax, tanoo qofka u dhiman karo. balse Xanuunka Kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa? Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaasi, waxayna jawaabtu qaadataa Usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.

Goormuu Kaduudiyaha soo ifbaxay?

Waqtigii uu soo bilowday la iskuma raacsana laakiin waddanka ugu horreeyay ee laga helay Virus-ka ayey su’aalo ka taagan tahay weli oo qoloba meel kuu sheegaysaa, tusaala hay’adda caafimaadka adduunka ayaa leh in cudurkan la ogaaday 1950-yeedii, lagana helay dalalka Philipine iyo Thailand halka Xarunta CDC ay leedahay Latin Ameica, Koofurta Asiya, iyo jasiiradaha Pacific- uuna si dhif iyo naadir qaarada Mareykan uu uga dhaco.

Cudurkan Kaduudiyaha ayaa markii ugu horreysay inta taariikhda lagu sheegay uu ka dilaacay Soomaaliya,islamarkaana dad uu asiibo ahaa sanadka 1950-yadii, sida lagu garan karo hal-heyska ah ‘ KADUUDIYE KAB GUBATAY HA KAA DHIGO’, taasi oo ku tuseyda inuu mar Soomaaliya soo maray, balse mar kale la arkay sannadkii 2006-dii, waxaana uu ku dhacay dad badan, waxaana haatan uu ku dhacay dad badan, kuwa badan ayaa hadda la jiifa, welina wuu u ciil qabaa.

Haddaba waa maxay Calaamadaha lagu garto?

Caalamado dhawr ah ayaa lagu gartaa Kaduudiyaha, waxa uu leeyaha Qandho aad u daran, taasi oo wayeeleysa dhammaan xubnaha jirka haba uga darnaadeene IsgoysyadaLafaha, dhabarka, qoorta, mur-qaha, iyo madax-xanuun aan wax kale oo lala bar-bar dhigaa aanu jirin.

Maxaa lagu Daweeyaa? Ma jirto daawo rasmi ah oo loo qaato Kaduudiye, mana ahan mid la’isku daarto, waxaa isku gudbiya oo kaliya nooc ka mid ah kaneecada oo ruux qabo inta ay qaniinto, ruux fiyow u gudbisa, balse Nadaafada guud iyo kaneeco in lala dagaalo ayaa ka hortag noqon kara.

Haddaba Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisas cudurka Kaduudiyaha lagu arkay gudaha dalka, gaar ahaan qaar ka mid ah gobollada koonfureed. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Xassan Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in cudurkan uu yahay mid khatar ah oo u baahan ka-hortag degdeg ah, isagoo sheegay in wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin: Kormeer caafimaad oo ballaaran oo laga sameynayo goobaha uu fayrasku ku faafi karo, Wacyigelin bulsho oo ku saabsan sida looga hortago kaneecada, Bixinta daawooyin iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha lagu daweeyo dadka uu haleelo.

Dhinaca kale Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa si rasmi ah u shaacisay in xanuunka Safmarka ah ee Kaduudiyaha uu ka dillaacay Soomaaliya. Kaduudiyuhu “Chikungunya” waa fayras ay faafiso kaneecadu oo leh; qandho badan, kala-goysyada, murqaxaha oo xanuuna & mararka qaar furuuruc jidhka ka soo baxa — ma aha dilaa balse wuxuu dadka dhigaa howlgal maalmo, waxa keliye ee lagu tacaali karaa xanuun-baabi’iye, biyo badan & nasiino, sida ay tilmaantay ‘WHO.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Kaduudiyaha (Monkeypox), uu si ba’an ugu fiday 119 waddan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. waxayna sheegtay in faafitaankan degdegga ah uu u baahan yahay feejignaan dheeri ah iyo iskaashi caalami ah si loo xakameeyo.

Cudurka Kaduudiyaha, oo ah cudur faafa oo hore loogu yaqaanay qaybo ka mid ah Afrika, ayaa sanadihii u dambeeyay ka gudbay xuduudihii hore, waxaana uu gaaray Qaarado badan, taasoo keentay walaac cusub oo dhinaca caafimaadka ah. Sida lagu sheegay warbixinta WHO, kiisaska la xaqiijiyey ayaa sii kordhaya toddobaad walba, iyadoo waddamo badan ay sheegeen xaalado cusub. Soomaaliya ayaana lagu daray liiska waddamada uu cudurku si rasmi ah u saameeyay, inkastoo tirada saxda ah ee kiisaska dalka laga helay aan la shaacin.

Hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu booriyey in ay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada la tacaalidda cudurka, sida wacyigelinta bulshada, ogaanshaha degdega ah ee kiisaska cusub, iyo karantiilka dadka la tuhunsan yahay inay cudurka qabaan, waxayna ku celisay baaqeeda ah ‘in bulshooyinka laga wacyigeliyo hababka uu cudurku ku faafo, kuwaas oo ay ka mid yihiin taabashada tooska ah ee maqaarka qof qaba finan kaduudiya, isticmaalka alaab la wadaagay, iyo xiriirka dhow ee jirka’.

WHO ayaa ku boorrisay dhammaan dowladaha in ay kordhiyaan feejignaanta, lana socdaan kiisaska, ayna qaadaan tallaabooyin ka hortag iyo daaweyn isugu jira, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, islamarkaana WHO waxay ku boorrisay dadka ku nool meelaha halista ah ‘in ay iska ilaaliyaan kaneecada, isticmaalaan Maro-kaneecada, xirtaan dhar jirkooda ka daboola, una soo dhowaadaan xarumaha caafimaadka, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka’.

By. C/lahi Ruush

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay maleeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole,halkaasi oo  lagu jabiyey koox khawaarij ah ee isku dayey in ay weeraraan fariisimo ciidan oo ku yiillay  halkaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa la xaqoojiyay in ay Khawaarijta gaarsiiyeen khasaare culus, iyadoo maydad badan la sheegayo in ay daadsan yihiin halkii lagu dagaalamay .

Ciidamada Xoogga ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose ayaa dagaalkaasi ku jabiyay kooxaha nabad-diidka ah ,iyagoo bilaabay howlgal lagu sii baacsanayo khawaarijta.

Wixii ku soo kordha daaaladasi waxaad kala socon doontaan Warbaahinta Waranka.

Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada

Ra’iisul wasaaraha Dalka Kanada Mark Carney ayaa sheegay in diidmada Israa’iil ee gargaarka bini’aadanimada Gaza ay tahay xadgudub kahor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Hadalada Carney ayaa timid iyadoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in waddankiisu uu si rasmi ah u aqoonsan doono Dawlad Falastiin ah,bisha Sebtembar ee fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ergayga Mareykanka Steve Witkoff ayaa Xamaas ku eedeeyay mas’uuliyadda  guuldarada joogtada ah ee heshiiska xabad joojinta Gaza, isagoo sheegay in Mareykanka uu ka fiirsanayo doorasho kale oo lagu sii daayo maxaabiista Israel.

Weerarrada Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 62 qof Khamiistii, wxaana dadka la dilay ku jiray 19 Falastiiniyiin ah oo isku dayayey inay urursadaan gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Qatar Charity oo sheegtay in ay sii wadeyso kaalmada la siiyo barakacayaasha Soomaaliya

Hay’adda kaalmada Qatar Charity (QC) oo gacan ka helaya dadka dalkaasi  ayaa deeq raashin ah u qeybisay boqolaal qoys oo barakacayaal ah oo ku nool xeryo ku yaalla degmada Garasbaaleey ee gobolka Banaadir.

Qoys kasta ayaa helay xidhmo cunto ah oo ay ku jiraan sahay saliid ah oo ku filan muddo bil ah,iyadoo qorshaha gargaar bixinta ay salka ku heyso in la dhimo dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah, isla markaana la daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee ay u qabaan cuntada, maadaama ay ku sugan yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Agaasimaha Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Abdul Fattah Aadam Moallem ayaa sheegay in gurmadkaan bini’aadanimo ay ka faa’iideysanayaan 350 qoys,isagoo intaa raaciyay in ay ka go’an tahay sii ambaqaadidda  howlaha samofal er lagu gargaarayo dadka barakacayaasha ah ee Soomaalida.

Maamulka Degmada Garsasbaaleey Iyo qaar kamid ah  barakacayaasha ayaa bogaadiyay doorka hay’adda Qadar ay ku leedahay samotabixinta qoysaska ku soo jabay Magaalada Muqdisho ee la ildaran dhibaatooyinka lagala kulmay abaaraha.

Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hay’adda Socdaalka

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo wafdi ka socda Soomaaliya ay iminka ku suganyihiin gudaha dalka Switzerland.

Tababarkan ayaa ku saabsan Maareynta Xuduudaha, hubinta baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga ee ay wataan dadka ka soo talaabaya xadka uu Soomaaliya la wadaago dalalka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo War-Saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Switzerland lagu shaaciyay in tababarku uu qeyb ka yahay ka hortegidda tahriibinta sharci darada ah.

Talaabadan ayaa ka dambeeysay kadib markii Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Danjire Hendrick Krauskopf oo ah Madaxa Agaasinka Arrimaha Caalamiga ah ee dhanka socdaalka u qaabilsan Switzerland ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga iyo tababaridda howlwadeennada Hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxeexday

Istanbul:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga, gaar ahaan dhanka difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo tababarada, qalabeynta iyo dhismaha awoodda ciidanka.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay si hufan oo waafaqsan maslaxadda qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo ee ay ka helayso dowladda Türkiga.