Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.
     

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska Hantidhowrka Guud, oo uu ku jiro Kuxigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Baarista, kuwaas oo dhammeeyay Barnaamijka Diploma-da Sare ee Maamulka (Postgraduate Diploma in Management Practice).

Barnaamijkan, oo socday muddo sanad ah, waxa uu qayb ka yahay hal-abuurka Barnamijka Horumarinta Hoggaaminta Sare (Senior Leadership Development Programme – SLDP), oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄) iyo 𝐇𝐞𝐧𝐥𝐞𝐲 𝐁𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐒𝐜𝐡𝐨𝐨𝐥 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚, Johannesburg, South Africa.

Barnaamijkan heerka caalami ah waxa uu sare u qaadayaa dedaalada tayeynta hoggaaminta ee Hay’adaha Hantidhowrka, iyada oo la kobcinayo:

● Fahamka hoggaaminta guud iyo saameynta ay ku leedahay dowlad wanaagga

● Kartida lagu wajahayo xaaladaha adag iyo nidaamyada isku-dhafan (systems thinking)

● Hagaajinta hab-dhaqanka hay’adeed, hoggaaminta isbedellada iyo maaraynta waxqabadka

● Aragtida fog, anshaxa shaqada iyo daahfurnaanta lagu horumarinayo isla-xisaabtanka

Hantidhowraha Guud ee JFS, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐆𝐮𝐮𝐭𝐚𝐚𝐥𝐞, waxa uu u arkaa qalinjabintan mid muhiim ah oo xoojinaysa dadaalka lagu adkeynayo “Korjoogteynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Guud, kuna saleysan hufnaan, mas’uuliyad, iyo adeeg dadweyne oo tayo leh.

Hantidhowraha Guud waxa uu uga mahadnaqaynaa AFROSAI-E iyo Henley Business School Africa kaalintooda wax-ku-oolka ah ee horumarinta iyo xirfadeynta Hay’adaha Hantidhowrka Guud.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya si ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta marka la gaaro doorashooyinka la qaban doono dhowaan.

Sidoo kala diiwaangelinta ayaa ka socota magaalooyinka iyo deegaanada Dowlad gobolleedyada kala ah Koonfur-galbeed,Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Diiwaabgelinta ayaa ku socota Xawaare sare maadaama Shacabka Soomaaliyeed si xoog ah u doonayaan in ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah taas oo ay ku dooranayaan madaxda meteli doonta goleyaasha kala duwan ee Dowladda.

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya maanta oo Jimce ah kula yeeshay magaalada Baku, Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov, oo diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ee mudnaanta leh.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan soo dhoweynta diirran, isaga oo muujiyay sida uu u tixgelinayo kaalinta Baku ee xoojinta xiriirka, carabkana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hore-u-dhaqaajinta wax wadaag joogto oo faaiido u leh labada dal.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaare Asadov ayaa caddeeyay in ay qiimo weyn ugu fadhido xoojinta xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo carabaabay ku qanacsanaantiisa taageerro is-dhaafsiga labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ee madallada ururrada adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, beeraha, adeegyada bulshada, tamarta cagaaran iyo mashaariicda bani’aadannimo.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho mar kale kulan wadatashi ah kula yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyagoo ka wadahadley geeddi socodka mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga Ciidanka Qalabka Sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda dib loogu celinayo shacabka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabad lagu soo bandhigayey waxbixinta sanadeedka horumarka maaliyada dowladda ,oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda .

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeyay dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita baasaboorrada diblumaasiga iyo kuwa shaqada.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal.

7- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

8- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul uga qeyb galey Bandhigga Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF 2025) oo lagu soo bandhigayay hubka difaaca taknoolijiyadda ee casriga ee dalka Turkiga .

9- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasar Maxamed Al Sanuusi .

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Ku-Simaha Madaxa Naser Sayid.

11- Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dhuubo ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Muwalad.

12- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Maxamed Xassan Maxamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) oo dhawaan loo doortay hoggaanka ururka .

13- Ciidamada dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Khawaarijta ku weeraray goob ay isku uruursanayeen oo u dhaxeysa degmada Maxaas iyo degaanka Wabxo, halkaas oo lagu jebiyey cadowga Khawaarijta ah.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

15- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Maxamed Aadan ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

16- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud ayaa si’ rasmi ah u furtay aqoon korarsi ah loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah .

17- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mustafa Dhuxulow ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha Socdaalka iyo Amniga ee Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda iyo kuwo kale.

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si’ rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa cambaareysay colaadii uu dhowaan magaalada Beled Xaawo ka huriyay Axmed Maxamed Islaam.

20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah la qaatay Mr .Hideki Matsunaga oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka Soomaaliya

21- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa warbixino ku saabsan xaladda amni ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dhageystay saraakiisha booliska amniga ee maamulka.

22- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isuga jirta Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, oo ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ka qaadanayeen dowlad-dhiska soddonkii sano ee la soo dhaafay.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali– Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dhismaha Dowlad Goboleedka SSC.

25- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho kasoo yeertay ganacsatada suuqa, oo ku aaddanayd shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

27- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda DIYANET-ka ee Dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Diinta.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Ahmed Moallim Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

29- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

30- Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb-galey shir looga hadlaayay dagaalanka socdaalka sharcidarada, dembiyada tahriibinta iyo sidii laamaha dembi baaristu ugu hortagi lahaayeen.

31- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa si hab maamuus sare leh u sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

33- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta argagixisada ah ka wada qeybo ka mid ah dalka.

34- Guddiga Qaran ee Ka-Hortagga Lacag Dhaqidda iyo La Dagaalanka Maalgalinta Argagaxisadda ayaa yeeshay kulan looga dooday sidii loo dardar gelin lahaa la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

35- Taliyaha Ciidanka Badda iyo DIfaaca Xeebaha ee Soomaaliya S/Guuto Cabdiwahaab Cumar oo dalka Turkiga kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, Admiral Ercument Tatliouglu.

36- War bayaan oo kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ay hay’addu ay baaris ku heyso hantida iyo dhaqaqaaqyada maaliyadeed ee argagaxisada.

37- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo deeganka Dhanaane ee gobalka Shabeellaha ka fuliyay hawlgallo qorsheysan ayaa lagu burburiyey guriga ay khawaarijta u adeegsan jireen keydinta waxyaabaha qarxa.

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd waaya-aragnimada iyo khibradaha Azerbaijan ee dhanka warshadaha milatari iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladda Azerbaijan taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka

Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal Cabduwahab Cabdullahi Cumar, oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025, kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxa shirkada difaaca tignoolajiyada sare ee dowladda Turkiga Aselsan Ahmet Akyol.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Dal, sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay hormarinta iyo tayeenta Ciidanka Badda Soomaaliya si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo Difaacan kara badiisa.

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe

Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amar qaata faray in ay weeraraan xarumo Ciidanka Qaranka iyo goobo shacbi ah Magaalada Balad-xaawa ee Gobalka Gedo Maanta oo Jimce ah.

Weerarkaan oo sababay in ay Naftooda si micno darro ah ku waayaan muwadiniin
Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo Dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gobalka Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.

Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Eedaysanaha oo isku dayaya in uu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro.

Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxeey la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda.

Dawladda o gudanaysa waajabaadkeeda Dasturiga ah, waxaa ka go’an in laga hortago xadgudubyada nuucaan ah isla markaana aan fursad loosiin danbilayaashu in ay sii wadaan danbiyadooda.

=DHAMMAAD=

Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Qaar kamid ah ururada bulshada ayaa ka qeybgalay dood wadaag lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la xiriirtay hannaanka doorasho ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan dalka.

Dood wadaag oo si gaar ah looga hadlay doorka dhallinyarada iyo haweenku ay ku leeyihin doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa soo qaban qaabiyeen Madasha horusocodka Soomaaliyeed.

Dood wadagan waxaa mudadii ay socotay ka hadlay xildhibaan Ifraax Nuur, Guddoomiyaha madasha horusocodka  Ifraax Cumar Salaad,Afokaato Maaxamuud Duceysane  iyo xubno kale,kuwaas oo dhallinyarada ku dhiirigaliyay in ay doortaan cidda ay doonayaan  in ay ku aaminaan mustaqbalkooda.