KHAWAARIIJ IYO DUUL GARDARANBA LOOMA GARAABO.

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la dhaafay waxaa bulshada soomaaliyeed dhexdooda ku batay gafafka, gabood-fallada, qardoofoonka, handadaadaha, dilalka arxan-darrada ah, boobka iyo dhaca xoolaha, kufsiga haweenka, beegsiga haybta ku salaysan, gulafyada colaadeed ee khawaariijta iyo guutooyinka weerarka u taagan.

Dhammaan falalkaas gurracani berigii hore waxay ku jiraan waxyaabaha laga ajoodo oo aan kama’ mooyee kas iyo maag loogu dhici jirin, ciddii ku dhiirataahina ay habaar iyo haaraan aanay mahdin ku mutaysan jirtay, diin ahaanna waxay ka tirsan yihiin waxyaabaha uu Eebbe inaga reebay, ciddii ku kacdana uu cinqaab ifka ah iyo aakhiroba ugu goodiyay.

Waa run oo soomaalidii hore dhaca geela iyo dagaalada beelaha kama caaganayn, balse sida ay maanta talo faraha uga baxday oo ay xumaanta iyo samaantu inoogu sinmeen ma aanay gaadhsiinayn ee waxaa jiray waxyaabo ay ka sariigan jireen oo qofkii ama kooxdii samaysa ku dhaleecayn jireen, eel aanfo aan laga waaqsanna ugu dardaar warin jireen.

Sido kale waxay lahaayeen xeer-beegti xaajo aqoonnimo iyo xeel-dheeri ku suntan iyo guurti geed joog ah oo gar-soor quman wax kula saara, ciddii gaf lagu helona  si feecan u yakeeya, xeer maantaa wixii ka dambeeya lagu caano maalo ebyi jiray.

Ugub iyo curud ayay xaajada loo keeno u kala saari jireen, ka dibna ma dhaqan baa mase waa dhur, hadday dhur tahay ma diyaa mase? waa daqar hadday dhaqan tahayna ma xilaa mase waa xoolo ayay is haybin jireen si ay u hubsadaan in garta ay u fadhiyaan mid la cayn ihi ay hore u dhacday iyo inay tahay mid cusub oo aan ayadoo kale waqeed la arag,  lana maqal.

In kastoo ay qaar madax adayg iyo macangagnimo ku tilmaanaa iska jiraan haddana bulshadii waagaasi waxay ahaayeen dad jid iyo  jiho leh oo aan talada gar caddaaga iyo go’aanka guurtiga hadal ka soo celin, dambiilahana aan u garaabin si maanta dhacda oo dhammaanteen marqaatiga u nahay.

Aynigaa waxaa ka dambeeyay dar xumaanta iyo xaq-darrada isugu hiilliya,gacan ku dhiigle  tolnimo lagu garab siiyo, burcad beelnimo lagu difaaco, gar leexsan oo odayadii furdaamin lahaa la laaluushay, dagaal ooge marasta laaya oo halyay loo yaqaanno, hooyo ama aabbe aan carruurtooda ka adkayn oo dhibkii ay gaystaan oon lagala hadli karin, bililiqo iyo boob cad oo aan butuli laga odhan karin, fal guracan oo ay koox dhami ku kacayso oo aanay isku ceebinayn, wadaado waanadii gabay iyo wax sheeg lagu dhiiran waayay.

Gabood-falku moogan wuxuu marayaa inay samaysmeen guuto abaabulan oo “ciyaal weero” la magac baxay, kuwaasoo hadh iyo habeen u tafaxaydan dhaca, dilka bulshada soomaaliyeed, kufsiga iyo waxyeelaynta bir-magaydadana caadaystay oo ay dhallinyaro iyo waayeelba qadyaan laga wada taagan yahay, qeybo badanoo magaalada ka midana in dartood looga qaxo qarka loo saran yahay.

Dhibaatada joogtada ah ee ay bulshada ku hayaan ayaa ciidan iyo cuqaalba loo wada caal waayay, markastoo lays ku dayo in tallaabo laga qaadona waxaa ku gudban waalidiin aan lurka iyo anafada ay dadka u gaysanayaani u muuqan oo ku doodaya inay carruurtoodu sama-wadayaal iyo suubanaal afkooda iyo adinkooba laga nabad-galo yihiin oo lagu gafay.

Sido kale waxaa hiil hayb iyo tolnino ku salaysan la garab taagan siyaasiyiin xasaanad iyo magac dowladnimo human iyo odayaal sal-dhigyada kaga daba taga oo ayagoon waxyeelada baaxadda leh ee ay bulshada ku hayaan u meel dayin sidii ay saraakiisha soo xirtay gacmahooda uga furdaamin lahaayeen u tafa-xayta

Ta la yaabka leh oo maanka wax-garad wareerisay ayaa ah inay odayaasha iyo hooyooyinka si ay carruurtooda uga soo daayaan sal-dhigyada u hor tubani ayaga qudhoodu dhibaatada ciyaal weerada si joogto ah uga soo cowdaan, hayeeshee falalka  ay ubadkoodu gaystaan aanay dooc iyo dareen toona u lahayn”hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana” ayaan maqli jiray.

Haddaba sidee arrintan wax looga qaban karaa? Waa maan-gal inaad weydiintan war-celinno badan u hayso, balse  ta qoraa ahaan kula wadaagayaahi waa inay bulshadu isku xil-saaraan inay inta ay ayaga kaga aadan hagaajiyaan tusaale waalid waliba waa inuu carruurtiisa ka adkaado oo dhibaatada ay dadka kale ku hayaan ka reebo, wixii uu u taag waayona uu ciidamada u soo gudbiyo.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

BISHA SOON WAXAA KU DHAN KHEYRKA DHAMAANTIISA

Bishan waxaa  ku idil kheyr dhammaantii, waxay muslimiinta u leedahay macno gaara, waayo waxay xambaarsantay fadli dheeraad ah oo bilaha kale uga horreyso,

waa bil naxiriis, dambi dhaaf iyo naarta oo Alle SWT odoomadiisa soomay uga xoreynayo kulmisa sida suubanaha scw sheegay.

Bishan Soon-qaad kheyrkeeda waxaa ka mid ah in loogu magac daray bishii qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in Qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan, sida ku cad aayad qur’aan ah.

Waa bil uu Alaah SWT furo albaabada Jannada, uuna xiro albaabada Naarta. Waa bil uu Alaah (SWT) ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, albaabkaasoo ay maalinta qiyaame ka soo geli doonaan dadka sooma.

Waa bil ku suntan midnimo iyo iskaashi Muslimiinta dhexdooda marta, sidaa darteed asxaabtii Rasuulka (scw) ee sharafta badnaa waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila bisha Ramadaanka.

Aad ayeey u farxi jireen markay u dhalato bisha Soon, dhinaca kalena waxay jeclaan jireen inuu sannadkoo dhammi noqdo bil Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadliga Soonka.

Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (swt) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs):

“Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta.” [Suuradda Maryama, 26]

Dhanka kale haddii aan ka fiirino macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka buriya ee ficil iyo hadalba ah.

Qaybaha u qeybsamo Soonka

Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:

Soonka bisha Ramadaan

Soonka kafaaro-gudka

Soonka sharadka (nadarka).

WD: Ibraahim Warsame

 

GANACSIGA KU DHISAN ISKAASHIGA IYO SAAMIYADA EE SOOMAALIDA

Tan iyo markii dalka ay ka dhaceen dagaaladu dalka somaaliya ee ay burburtay dowladdii dhexe waxaa dalka aad uga hirgalay ganacasi ku dhisan iskaaashi iyo in ay dadku koox koox wax isugu darsadaan taas oo suurtagalisay in ay soo baxaan ganacsoyo iyo shirkado qaarkood aad u koreen oo aflaxay .

Ganacsigan oo ah nooca saamileyda oo qofku saami ku darsanayo ganacsi ama shirkad ayaa sidoo kale suurtagaliyey in qofku marka uu xoogaa lacag ah dad ku darsado loogu shaqeyn karo isagana uu ka helo biil bil walba u soo dhaca taas oo qoysas badan ka furatay dhibaatada shaqo la’aantii jirtay.

Ganacasigan iskaashi oo aad dalka ugu baahay ayaa inta badan waxaa lagu tiriyaa in uu ka soo banbaxay markii ugu horreysay shirkado yar yar oo badankoodu ku yaallay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya .

Shirkado fara badan oo sidaas ku sameysmay itaalkooduna aad u yaraa ayaa maanta gaaray heer wanaagsan oo ay dalka wax badan ku soo kordhin karaan.

Haatan dadka soomaalida ah ha joogeen dalka gudihiisa iyo dibediida waxay awood u yeesheen in ay wax ku darsan karaan saamiyada shirkadaha waaweyn oo dalka ka jira taas oo aad u xoojisay niyadda iyo rajada dadka soomaaliyeed ee qaarkood laga yaabo in ay ku adkaan laheyd in ay sameystaan ganacasiyo ay keligood wadaan.

Tani waxay ka soo jeedaa oo saldhig u ah soomaalida oo aad u taqaana hannaanka wax isku darsiga siiba dhaqaalaha oo weli la heli karo hannaan kan saamiga ka yara sahlan oo loo yaqaano hagbadda ama ayuutada kaas oo inta ku wada jirtaa ay sameystaan shuruuc ay ku wada dhaqmaan oo ay wax isugu darsadaan .

Hannaankan oo qof waliba mar uu qaatao ayaa in go’an oo dhaqaale ah uu qof waliba bixiyaa haddii ay tahay bi lama toddobaad wuxuuna qofku lacagahaa kaga faa;ideysan karaa baahiyaha degdega ah ee soo wajaha iyo culeysyada soo foodsaara.

Hannaankan saamileyda iyo wax ku darsiga ganacsiyada iyo shirkadaha ayaa kor u qaaday dhaqaalaha guud ahaan iyo kan qoysaska iyadoo ay soo baxeen ganacsiyo iyo shirkado waxgal ah oo sidaas ku sameysmay.

WQ: Mohamed Hassan

 

FATAHAADIHII GOBOLADA KA DHACAY OO SAAMEEYEY MACIISHADA.

Gobolada dalka qaar waxaa Ka curtay roobkii gu’ga ahaa oo in muddo ah ay sugayeen bulshada Soomaaliyeed muddo ayey lasoo daala dhacaayeen abaaro baahsan oo saameeyey dadka iyo xoolaha.

Roobab mahiigaanka ah ee Ka da’ay gobolada dalka qaarkood ayaa sababay dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeyso fatahaadaha ay sameeyaan daadadka in ay waxyeelo Ka soo gaartay shacabka oo qaar ay ku dhinteen daadad kaas qaarna dhaacwacyo soo gaaray, waxaana daadadka uu sameeyey guryihii, xoolihii iyo dukaamadii oo dhan ayuu sameen Xooggan ku yeeshay.

Hadaba, haddii aynu u imaano roobabaka sameenta ganacsi uu ku yeeshay.

Roobabkii xooganaa ee Ka da’aayey gobolada dalka waxa uu saameen xooggan ku yeeshay dhanka maciishada oo laga dareemaayo suuqayada waaweyn ee magaalooyinkaas waxaana sara u kacay qiimaha maciishada.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolada uu saameeyey roobabkii ayaa ka walaacsan maciishada sara u kaca ku yimid ayaga oo aan awoodin in ay iibsadaan adeegyada ay u baahan yahay waxaana ay sheegeen in ay dhibaato xooggan ay ku qabaan qiimo kororka ku yimid maciishada.

Haafkii bariiska ayaa qiimiha lakala iibsado ayaa ah afartan dollar oo ah qiimo aad u sareeya waxaana ay dhibaato xooggan ay ku leedahay bulshada Soomaaliyeed ee kala heerka ah ee qaarkood aan awoodin in ay afartan wax ku iibsadaan taasina waxa ay keentay daruuf adag in ay bulshadii ay ku noolaadaan.

Maciishad kororka bulshada Soomaaliyeed markasta dhibane ayey u yihiin waxaana ay u baahan yihiin xal maadaama aysan awoodin qiimaha lacagta oo badan.

Inkastoo guud ahaan dalka iyo caalamkaba ay ka jiraan kororka qiimaha maciishada waxaana intabadan loo sababeeyaa dagaalka ka socda Yukreen taasina waxa ay sababtay in Ganacsiyada adduunka ay isbadalo xooggan ay ku yimaadeen waxaana kordhay qiimaha wax lakala iibsado.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay in qorshayaal ay u dajiso shacabka marka ay dhibaatooyin ay lakulmaan waxaana ay u baahan yihiin gar gaar dag dag ah iyo in dowladdu ay keento Raashin ku filan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

DEGENAANSHAHA IYO NABADDA OO KAALIN LA TAABAN KARA KU LEH KOBOCA DHAQAALAHA

Nabaddu waxay u leedahay noolaha guud ahaan ahmiyad gaar ah oo ay ku negaadaan .

Marka uu degenaanshuhu yahay mid wacan oo ay jirto isu socod han kasta ah ayaa waxaa markiiba muuqanaya wax is dhaafsi alaabo iyo badeeco, iyo ganacsiga oo suuq wanaagsan hela, isla markaana yeesha faa’ido la taaban karo.

Kororka dhaqaalaha ee waddan ayaa waxaa saldhig u ah nabadda taas oo u suutagalisa in la tiigsado qorsheyaal horumarineed ee dhanka qeybaha beeraha iyo wrshedaha.

Ka gungaarista waxbarasho heer sare ah iyo caafimaad horumarsan ayaa bartilmaameed u ah degenaansho iyo nabad joogto ah in la helo .

Marka nabadda iyo kala damebynta lunto waxaa la dareemaa welwel, fowdo ka dhalata amni darada oo ay soo uf baxaan kooxo dadka u dhigta jidgooyo una geysta boob iyo dhac .

Waxaa hakad gala isu socodkii ganacsiga oo isaga gooshi jiray gobolada iyo isu socodkii bulshada inteeda kale waana mid keeni karta dib u dhac , cabsi iyo shaki taas oo aan la isku alleyn karin biimo maahee .

Waddan kasta isaga ayey u taal sida uu u horumarin karo habdhiska nabadda ee dalkaa waana mid lama huraan ah .

Si kastaba ha ahaatee waxaan la isku heyn ahmiyadda degenaanshaha iyo nabadda ay ku leeyihiin horumarka dhaqaale ee dal walba waana mid looga bixi karo dhaqaalaha gaabiska ah ee dunida saddexaad la daalaa dhacayaan.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhallinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhalinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diyaariyay ciidamo ka qayb qaadanay sugidda Amniga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed.

      

Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta iyo iskaashiga adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta.

Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan sheekh” Xukuumaddu waxaa ay go’aan ku gaartay in la xakameeyo hubka lagu haysto Muqdisho, maxaa yeelay qofku inta uu arkayo gaari qoryo saaran yihiin oo Magaalada dhex ordaya amni ma dareemayo” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Masuul kasta ha watee gaarigii diida in la baaro halala dagaalamo waa amar, waana mamnuuc gaari Cabdi bile ah oo Magaaladaan dhex maraya”.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sida cadawga khawaarijta ay u hagardaamiyeen hormarka shacabka Soomaaliyeed waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga.