Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub oo balastic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18 ,kaas oo awood u leh in uu iskaga kala goosho qaarad ka qaarad.

Subaxnimadii maanta Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalkaan oo lagu tilmaamay guul mucjiso ah.

Wakaaladda wararka ayaa soo xigatay Kim isagoo leh Hwasong-18 ayaa si degdeg ah u horumarin doonta jawaabta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan tayeynta iyo horumarinta hubka  Nukliyeerka.

Tijaabada gantaalkaasi waxaa qeylo dhaan ka soo saaray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaas oo muddo kooban ku amray dadka deggan jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi inay isaga guuraan halkaasi.

Deegaanno hor leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb- Ciidanka xooga dalka ayaa cagta mariyay ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay

Taliye Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Khawaarijta ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soonqaad, isagoo farriin culus u diray khawaarijta firxadka ah.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana illaa iyo hadda lagu xoreeyay dhul farabadan, halka dhowaanna deegaanno hor leh laga xoreeyn doono haraadiga Khawaarijta.

     

Xildhibaanno kormeeray goobihii laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb- Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad, halkaas oo ay xog wareysi kula yeesheen Shacabka Magaalada oo in muddo ah dhibbane u ahaa Khawaarijta arxanka daran.

Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa xildhibaannada iyo saraakiisha u sheegay inay dil, dhac, boob, afduub iyo cabburinba ku hayeen kooxda khawaarijta ah, haatanna ay dareemayaan neecow gobannimo.

Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa dowladda ka codsaday in ay deegaannadooda ka hirgeliso adeegyadii bulshada iyo goobihii cibaadada oo ay cagta mariyeen argagixisadu, taas oo ay horay u ballan qaadday XFS.

    

Taliyaha Ciidanka Booliska oo qaabilay Madaxa Hay’adda EU-CAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Xafiiska ku qaabilay Madaxda Hay’adda Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaaliya, European Union Capacity Building in Somalia (EUCAPSOM) Mr; Kauko Aaltomaa iyo Mas’uuliyiin kale.

Qaabilaada ayaa daaraneyd sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee Ciidanka Booliska iyo EUCAPSOM, gaar ahaan dhanka Ciidanka Daraawiishta Booliska ee Goobaha Khawarijta laga xoreeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhowr qodob oo ay kamid yihiin tayeynta ciidamada iyo tababaridda shaqaalaha Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiid cusub oo lagu wareejiyay qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Maanta ku wareejiyay Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaadiid si loogu xoojiyo amniga Caasimada iyo nawaaxigeeda.

Gaadiidkan ayaa wax badan ka baddali doona baahida gaadiid ee horay ujirtay, si kor loogu qaado howlgallada lagu sugayo amniga iyo gaafmeerka degmooyinka gobolka Banaaadir.

Taliyaha qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir G/Sarre; Mahadi Cumar Muumim, ayaa sheegay in gadiidkan uu buuxin doono meelo ka bannaanaa howlgallada Boliiska Gobolka Banaadir, isaga oo carabka ku adkeeyay in la dhowri doono loona isticmaali doono ujeeddadii loo keenay.

    

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaannada Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga Tuulada Budbud ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka, Kornayl;  Saneey Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegannadan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyagoo ka xoreeyay magaalooyin iyo deegaanno ka badan siddeetan.

  

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiiday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, si wax looga  qabto dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Heshiiskan oo socday ku dhowaad labo sano ayay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga iyo Bankigyada iyo  Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Maal gelinta ayaa xoogga saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso shaqadan, Madaxda sare ee Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda Germany Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha mashruucan.

Guddoomaiyaha Hay’adda Gargaara, Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan-yahiin bulshada Soomaaliyeed, waxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay u leedahay taagaeradan Soomaaliya.

Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda Jarmalka Soomaaliya, Allena Kern ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, waxanay u ballan qaadday taageera buuxda.

Jarmalka waxa uu ka mid  yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Soomaaliya, isagoo ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga.

   

General Biixi” Waxan go’aan ka gaarnay weerarradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada”

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan xeeladaha gaadmada ah ee ay khawaarijtu adeegsadaan.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan mar dambana  dhacayn in ay soo hajuumaan khawaarijta xarumaha ciidanka ama ay haweystaan.

General Biixi” Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada,haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda”.

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin Ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, isla markaana aysan dhacayn in ay mar kale dhibaateeyaan shacabka ama u hanjabaan.

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Gen; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sidoo kale sheegay in khawaarijtu ay dhexdooda iska shakiyeen qilaaf weyna uu soo kala dhex galay, taas oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo qaabbilay Madaxa Hay’adda IMC Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Dr; Axmed Cabdi Aaden ayaa maanta Xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa xafiiska International Medical Corps – IMC ee Soomaaliya Mudane, Roland-Paul Veilleux iyo Global Director of Emergencies Dr Javed.

Madaxa xafiiska IMC ayaa warbixin kooban ka siiyay Guddoomie Axmed qorshe hawleedka hay’adda ee xafiiska Soomaaliaya iyadoo ugu danbeen laysla afgartay in SoDMA iyo IMC ay kawada shaqeeyaan,sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh gaar ahaan arimaha degdeg ah (Emergencies) iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa tababarada iyo Tayeenta la xiriira Arrimaha gurmadka Degdega ah si gaar ah dhanka Gurmadka Degdega oo ay hogaamineeyso Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Degdega (NEOC).

Masuuliyintaan ayaa soo kormeeray Xarumaha ay Hay’adda SoDMA ka koobantay oo ay ka mid yihiin Xarunta Howlgalladda Gurmadka Degdegga ah iyo Xarunta Ka digista halis-wadareedka.

Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotay hay’adda IMC booqashada ay ku yimadeen Xarunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland iyo safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya oo ka wada hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweynaha Jubaland Mudane , Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo maanta gaaray Kismaayo.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamadu.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.