Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo Maalintii labaad galay

Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa galay maalintiisii labaad kaa uu shalay muqdisho ka daahfuray Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Shirkaa ayaa maanta waxa looga hadli doonaa Doodo iyo dhageysiga fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ka qeyb galeyso shirka si loo saxo aqabada iyo fursadaha horyaal dhalinta soomaaliyeed.

Ra’iisul oo shirkaa furay  ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirweynaha Dhallinyarada oo ah kii 9-aad ayaa muddada saddexda maalin uu socdo diiradda lagu saari doonaa caqabadaha dhalinta ku horgudboon sidoo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).

Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galka  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.

Dhinacyada isku haya Suudaan oo ku heshiiyay xabad-joojin todobaad ah

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin toddoba ad ah, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Heshiiskaan  ayaa la saxiixay goor dambe oo sabti ah,waxaana lagu wadaa in 24 ka saac ee soo socda ay dhaqangasho xabad-joojinta,sida lagu sheegay war ka soo baxay Washington iyo Riyaad.

Tallaabadaan, waxaa dhaqangalintiisa kormeeri doona Mareykanka , Sacuudiga iyo dalal caalami ah sida kagu xusay bayaan kooban oo aan faahfaahin laga bixin.

Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in la qaybiyo gargaarka bini’aadantinimo, soo celinta adeegyada muhiimka ah iyo in ciidamada laga saaro isbitaallada iyo xarumaha muhiimka ah ee bulshada.

Dagaalada ka socda Suudaan todobaadkii lixaad,waxa ku  dhintay  boqollaal qofhalka dad ka badan hal milyan oo ruux ay ku barakaceen

Share this Article

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka

 

.  

 

Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan horudhac u ah Qorshaha Talo Wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane  Ahmed Abdi Kaarie  (Qoor-Qoor), kaas oo ay isla qaadaadhigeyn Socdaal uu dhawaan Ergayga ku tagi doono deegaanada DOWLADD GOBOLEEDKASI, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyay dedaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.

 

  

R/wasaare Xamse ” Hadda waxaynu jeexnay wado cusub oo si daah-furan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.

Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.

                               

Madaxii Khawaarijta ee Sakawaadka deegaanno ka tirsan gobalka Galgaduud oo wadno istaag u dhintay

Galcad- Madaxii khawaarijta ee u qaabilsana waxaa ay ugu yeeran  sakawaadka ee deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa wadne istaag u dhintay kadib markii uu isku dayey inuu orad kaga baxsado ciidamadda dowladda oo howlgalo qorsheysan ka fulinayay deeggaano ku dhaw Galcad.

Mahad Cagaduub oo ahaa madaxii sakawaadka deegaanada meexaan, towfiiq, Cali afrax, bud bud iyo ceel raydab ayaa manta duhurkii lagu soo qabtay kadib Howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Deegaanka Towfiiq  oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga Beegan Galcad.

Koox ka tirsan Argagaxisada Naflacaariga ah ayaa weerar Arbushaad ah ku soo qaaday Ciiidankii soo qabtay Xilligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado lakiin markii uu ugu yaraan 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda Gacanta ku haaya Labo ka tirsan Maleeshiyada khawaarijta oo isla howlgalkaasi ay ku soo qabteen.

NISA oo Dekada iyo Garoonka Muqdisho mar kale ku qabatay Saanad Ciidan oo khawaarijta loo waday

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlada Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, howlgal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Wasiiru dowladda Wasaaradd amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo khawaarijtu dooneyso inay ku dhagarto shacabka taasina ay sahashay in la helo xogtooda.

Dhanka kale Sirdoonka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Alaabo u badan qalabka isgaarsiinta oo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada.

         

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhallinyarada ugu baaqay in ay Xukuumadda ku taageeraan ciribtirka amni xumada, qabyaaladda, musuq-maasuqa iyo maandooriyaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

    

Saraakiil ka socota dalalka Safka hore oo muqdisho shir ku yeeshay

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta ayaa ka qabsoomay xarunta talidka ee Ciidanka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa guddoominayey Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Generaal Maxamed Cali Bariise,iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah Jabuuti,Ethiopia,Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.