Saraakiil ka socota dalalka Safka hore oo muqdisho shir ku yeeshay

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta ayaa ka qabsoomay xarunta talidka ee Ciidanka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa guddoominayey Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Generaal Maxamed Cali Bariise,iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah Jabuuti,Ethiopia,Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

  

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka UK u Fadhiya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha Hirshabeelle sida guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaaladii lala galay Khawaarijta, Howlgalada wali socdo iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista mashaariicda Dowladda Ingiriiska ay ugu talagashay deegaanada Hirshabeelle iyo arrimaha xasilinta oo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hada maraya merl gabo-gabo ah.

Guddiga Sare ee Hay’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soomaaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaanka ECF-ka.

Hay’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo qorshe-yaasha dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soomaaliya.

Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la labo laabo daadalada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta si loo yareeyo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hay’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

” Warbixinta ka soo baxday IMF waa war u wanaagsan dhagaha bulshada oo misna dhiirigalin u ah hannaanka Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya. Arrimaha dib-u-habeynta Maaliyaddu waxa ay ku socdaan waddadii saxda ahayd, waxaana naga go’an in aan aragno guulo badan inkasta oo ay jiraan caqabado waawyn” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda

-Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo la kulmay Wasiirka Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga Eng Hilary Onek ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay cabaqada haysta qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalkan Uganda.

Safiir Soomaliya ayaa la wadaagay wasiirka in ay jiraan caqabado soo wajahay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Uganda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sidaa ay muwaadiniin Soomaaliyeed usoo sheegeen safaarada, caqabadahaas oo Soomaalida u gaar ah.

Dhankiisa Wasiirka Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga dowladda Uganda Eng Hilary Onek ayaa sheegay in dhammaan caqabadahaas si deg deg ah wax looga qaban doono, Soomaalidana yihiin dad qiimo badan oo soo dhawayn Uganda ka mudan.

Shirweynaha dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmaya

-Shirweynaha Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa maanta lagu daahfurayaa magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxa daah furaya Ra’iisulwasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Madax ka socota haya’addaha kala duwan ee dowladda iyo wufuud ka socota Beesha caalamka ayaa ka qayb gelaysa shirkan iyadoo lagu soo bandhigi doono doodo kala duwan.

Bakoortii Guddoomiye Maddaale, bilowgii dagaalka Maandooriyaha (Warbixin).

– Maandooriyuhu waa halis weyn oo khatar ku ah amniga,dhaqankeenna iyo Diinteenna suuban.

Qaar badan oo ka mid ah Bulshadeennu haba ugu badnaadaane Dhallinyarada ayay mustaqbal tireen noocyada kala duwann ee Maandooriyaha.

Dowladda Soomaaliya oo ka duuleysa waajibaadka ka saaran badbaadinta dadkeeda iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga, dhaqanka iyo Diinta ayaa qaadatay go’aan culus, kaas oo looga hortagayo maandooriyaha halista ah.

” Mushkilad kasta oo ka jirta Baladkan waxay salka ku haysaa maandooriyaha,runtiina waa sida aad la socotaan umu khabaai’th waaye qamriga, maandooriyaha iyo wax kasta maanka dooriya waa wax kasta oo ummadda dib u dhiga,kulmaa qofka maankiisu tago wuxuu doono ayuu sameynayaa,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Intaas ka dib, ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa qaaday tallaabooyin lagu wajahayay isticmaalka maandooriyaha.

Howlgalka lagu qaaday goobaha lagu isticmaalka, goobo lagu qarinayay iyo meelo badan oo laga soo dejiyo ayaa lagu qabtay noocyo maandooriye halis ah oo lagu qarinayay guryo ku yaalo caasimadda.

Sidoo kale, waxaa la xayiray hotelo iyo goobo kale oo lagu nasto, kuwaas oo Dhallinyaro badan ay u tegi jireen in ay isticmaalaan maandooriyaha.

” Waxaa socda habeenkii labaad howlgalkii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu hoggaaminayay oo lagu tegaayay goobaha magaalada iyo shacabka Soomaaliyeed intaba muddo dheer ay ka sheeganayeen culeysna ay ku hayeen dhallinyaro badan oo kala duwan oo isugu timaado, kuwaas oo isticmaala maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, ” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mr. Yabooh.

“Runtii, xumaanta haddii aan lala wada dagaallamin fasahaadka waa nagu sii xoogeysanayaa, kulligeenna mas’uuliyad ayaa naga wada saaran, waxaanna rajeyneynaa maalin maalmaha ka mid ah inaan gaari doono,iyadoo la laga suulay magaalada calaqa iyo waxyaanahan mukhaadaraadka ah,” ayuu yiri guddoomiysha gobolka Banaadir Yuusuf Maddaale.

Sidoo kale, Dowladda waxay tallaabo u qaaday ciidanka ammaanka, kuwaas oo gabi ahaanba laga mamnuucay isticmaalka maandooriyaha.

” Adduunyada dhan Gaal iyo Islaamba xashiish mamnuuc ayuu ka yahay, war annaga ciidanka ahayn haddii aan xashiish cabno oo waddada la taagan nahay calaq,ciidan waaye-na nala leeyahay, canshuurta ummadda Soomaaliyeed laga qaaday hooyooyinka suuqa la fadhiya Yaanyada laga qaaday ee inta mushaar lagaaga dhigay ee ciidanna aad noqotay, waa fahamteenna umaleynaa, calaqna aad cabtid, amarna aadan qaadan oo xashiisheysi aad noqotid ciidanka aad ka mid noqotid , taas ma suurta galeysee ogow,” ayuu ciidanka kula dardaarmay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ma jiro askari ka tirsan ciidanka ammaanka oo jidka taagan ama howlgal ku jira oo isticmaali karaa nooc kasta oo ka mid ah maandooriyaha, waxaanna sidoo kale, shaqada looga ruqseeyay askar ka tirsan ciidamada amniga oo isticmaalka maandooriyaha ku guda jiray.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa sheegay in aan jirin askari ka tirsan hay’adaha amniga oo loo ogol yahay isticmaalka maandooriyaha.

” Askari ka tirsan ciidamada amniga oo loo ogol yahay inuu maandooriyo isticmaalo ma jiro, sidaad la socotaan qofka bini-aadamka ah afka inuu soo tirtuu wuxuu ku leeyahay aniga ma isticmaaleyn ma arag iyo igama muuqan, waxaan wadnaa qorshaha ah in jirkooda laga baaro, qofkii lagu arkaanna in hay’adaha ammaanka laga saaro,”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gacantiisa uu ku eryay 32-askari oo ka tirsan ciidanka asluubta, kuwaas oo lagu helay isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano ” Xashiishka”.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay Dowladda, tallaabada ay u qaadday ciribtirka waxyaabaha maanka dooriyaha, iyagoo ugu baaqay in la sii wado howlgallada ka dhanka ah maandooriyaha halista ku ah amniga,dhaqanka iyo Duinteenna suuban.

Share this Article

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka oo ka qayb galay daah furka xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xalay ka qayb galay Xaflad lagu daah furayay xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daaha furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Xildhibaano katirsan Golaha shacabka BJFS iyo wasiiro ka socday XFS ayaa hadallo ka jeediyay xaflada ayagoona ku amaanay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi
Howsha adag ee uu u haayo bulshada soomaliyeed gaar ahaan bulshada uu matallo xafiiskaana uu ka turjumayo sida uu ugu hiilan yahy in uu bulshadiisa ugu Adeego

Dhanka kale Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa waxa uu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan caawa goob joog ahaado xafladda furitaanka xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daahfuray xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Tani waxa ay fududeyneysaa in dadka Soomaaliyeed ay helaan meel ay ugu hagaagaan mas’uuliyiintooda si ay ula xisaabtamaan,waxaana dhinaca kale ay dhiira gelineysaa in siyaasi walba uu lahaado meel looga hagaago.

Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dhamaan mas’uuliyiinta Kala duwan iyo dadweynaha ka soo qeebgalay Xafladda lagu daah furayay xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daaha ka rogayay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.” Ayuu haddalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiyaha.

     

Xubno ka socda Banka dhexe ee Soomaliya oo shir uga qayb galay dalka Moroco

Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeyb galay Bankiyada dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigayo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxay sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb ka ahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guullaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta mashruucan.

shirkan ayaa waxa Bankiga dhexe ee Soomaaliya ku matalayey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Banka dhexe.

   

Share this Article

Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Meertada 32-aad ee Jaamacadda Carabta

Jidda:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

  

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameestey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ururkaan sida gaarka u tababaran uu dhiig cusub ku biirin doono Ciidanka Xoogga Dalka oo bilihii ugu dambeeyey Khawaarijta cashar lama ilaawaan ah u dhigey koobaha dagaalka.

“Waxaan halkaan uga mahad celinaayaa Dowlada Uganda, Shacabkeeda iyo hogaankeeda taageerada hagar la’aaneed ee la daba taagan yihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa wqxaa uu mahadceliyey Boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo uu sheegay in kaalin taariikhda geli doonta ka geysaneyso dib u dhiska CXDS tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.