Tahriibayaal ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay Turkiga

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bas yar oo ay saarnaayeen Tahriibayaal sharci darro ah uu ku dhacay bariga gobolka Van ee dalka Turkiga maanta oo Axad ah.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, shilka ayaa ka dhacay degmada Van’s Muradiye, halkaas oo gaariga uu dab qabsaday ka dib markii uu ku dhacay god.

Kooxaha caafimaadka, dab-damiska, ciidamada amniga iyo sidoo kale shaqaale gurmad ah oo ka socda Hay’ada Maareynta Masiibooyinka iyo Maareynta Degdega ah ee Turkiga (AFAD) ayaa loo diray goobta.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha sharci darrada ah ee ujeedkoodu yahay inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska. Si kastaba ha noqotee, safaradu badanaa waxay isu rogaan dhimasho, ha ahaato safar gaaban oo Griiga loogu maro badda iyada oo la raacayo doonyo aan ammaan ahayn ama basaska yar yar iyo gawaarida xamuulka ah.

Xigasho: Daily sabah.