Ra’iisul wasaare Rooble oo Moqdisho dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal afar cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.