Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladdu ka xuntahay weerarka halkaasi ka dhacay, markii malleeshiyaad ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka.

Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha.

Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah.

Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah la qaatay 𝐌𝐫. 𝐇𝐢𝐝𝐞𝐤𝐢 𝐌𝐚𝐭𝐬𝐮𝐧𝐚𝐠𝐚 oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka Soomaaliya (Country Manager), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay shaqada Xafiiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-eegista mashaariicda horumarineed ee Bangigu uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, qorshayaasha uu wato maamulahaan cusub iyo sidii loo Dardar-galin lahaa howlaha wada-shaqeynta Bangiga iyo Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah loo eego mashaariicda cusub ee hadda socdaan qorshahooda, si loo dardar galiyo diyaarintooda iyo iskaashi wax ku ool ah oo waara.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka dhageystay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo warbixinno la xiriirta xaaladda amni ee gobolka.

Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray:

• Xaaladda guud ee amniga ee gobollada Koonfur Galbeed.

• Howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta ah.

• Sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda.

• Wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa ku ammaanay Saraakiisha dadaalka ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaradda Amniga Gudaha ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada ammaanka, gaar ahaan dhanka qalabka, tababarrada, iyo dhiirrigelinta.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaali iyo Koonfur Afrikaan, kuwaas oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegay in sharciyada la xiriira ganacsiga kalluumeysiga la dhammeystiray, taas oo fududeynaysa in si rasmi ah loo hirgeliyo maalgashi gudaha dalka ah.

Wuxuu xusay wasiirku in wasaaraddu diyaar u tahay in ay taageerto dhamaan dhinacyada u baahan maalgashiga, sida dekadaha, qaboojiyeyaasha, doomaha kalluumeysiga iyo agabka kale ee muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha badda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Shiinaha ay si gaar ah u cafisay canshuurta gudaha ee kalluunka laga dhoofiyo Soomaaliya, haddii shirkadda dhoofinaysa ay leedahay Soomaali ama ay wada leeyihiin Soomaali iyo ajaanib, wuxuuna arrintan ku tilmaamay fursad muhiim ah oo u baahan in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku dooneyso in la xoojiyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay xalay munaasad ay soo abaabushay waaxda qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ayaa dib u milicsaday dhibaatadii ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991-kii.

Wuxuu bogaadiyay wasiirku taageerada muuqata ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku garab-istaageen dalka iyo dadka xilligii adkaa ee dagaallada , barakaca iyo abaaraha, isaga oo xusay garab-istaaggooda dalka muddadii 35-sano aheyd ee dalku tabaalaysanaa.

Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in Wasaaraddiisu ay ku guda-jirto dhisidda dhismo ballaaran oo u gaar ah arrimaha qurbajoogta oo la filayo inuu ku soo dhammaado muddo shan bil gudahood ah, martigelin doonana shirarka rasmiga ah, munaasabadaha iyo barnaamijyada qurbajoogta.

Wasiirka ayaa xusay in ay qorshaynayaan qabanqaabada hindiseyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka sannadlaha ah ee maalgashiga qurba-joogta iyo shirka “Habeenka Qurbajoogga” oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirrada iyo sare-u-qaadidda wada-shaqaynta.

Wasiirku ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay kaalinta lama-huraanka ah ee qurba-joogta ay ku leeyihiin taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo sheegay in taageeriddooda amniga qaranka ay la mid tahay taageerada ay u hayaan qoysaskooda, ayna weli lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada, si loo xaqiijiyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay wax doortaan, lana doorto.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda.

Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka qeyb galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida oo hal-ku dhiggeedu ahaa difaac iyo doorasho, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogta, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha oo furay shirka ergooyinka SSC Khaatumo

Laascaanood: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Xoosh ayaa kula dardaarmay ergooyinka in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la tixgalinaayo wadajirka Bulshada iyo ilaalinta midnimada.

Ugu Dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeynaya geeddi dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC.

   

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aan ka soo saaray dhul-boob lagu hayey suuqa Bakaaraha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada iyo in uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yiri: “Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkaan, mana jiro qof ama dad idin barakicin karta ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkaanna waxaan leeyahay iimaanka Alle ha idin geliyo”

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xadgudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida; Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale, isagoo digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyada been-abuurka ah oo rabo in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda mudane Maxamed Axmed Diiriye, Agaasimaha Waaxda Suuqyada mudane Nuur Xuseen Xasan iyo Guddoomiyaha degmada Hawl-wadaag mudane Bashiir Cabdi Maxamed.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay guud ahaan ku burburiyeen guri ay Khawaarijtu u isticmaaleysay kaydinta waxyaabaha qarxa, waxaana la beegsaday markii la dhammeystiray xogta ah in halkaas ay dhagaro ugu maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Seddaxdii bishii hore ee Juun, howlgal sidaan oo kale ay Ciidanka Gaashaan ka fuliyeen isla deegaanka Dhanaane waxaa lagu dilay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka iyo Gandarshe.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, iyagoo halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed