Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka Mexico

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Gobollada Midoobay ee Mexico, Mudane Alejandro Ives Estivill Castro.

Wasiir Cabdisalaan ayaa u rajeeyay safiirka inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, iyo xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo Mexico, isagoo carabaabay in falgalka diblomaasiyadeed ee cusub uu daaha ka qaadi doono wadashaqayn sal-ballaaran, ujeedkeeduna yahay dhisidda wax-wadaag xooggan oo sare-u-qaadaya nabadda, amniga iyo kobaca waara.

  

Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii 2006, taasoo ka faa’iidaysatay nuglaanta dowladnimo ee dalka ka jirtay xilligaas. Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in ay la wareegto qaybo muhiim ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay kusoo rogeen nidaam ay ugu yeeraan xukun Islaami ah.

Kooxdani waxay dhaqaale sharci-daro ah ka heshaa ilo dhowr ah, sida lacagaha baadda ay ka qadaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay uga magacdareen (Zakawaat), taasoo noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah sii jiritaankooda iyo qaadidda weerarada lagu beegsado dadka rayidka ah iyo xarumaha dowladda .

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay xilka Madaxweynaha bishii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab u qaabaysay istiraatiijiyad saddex-geesood ah: mid ka dhan ah fikirka xagjirnimada, mid ciidan oo milatari ah, iyo mid dhinaca maaliyadda ah oo lagu beegsanaayo ilaha dhaqaale ee ay kooxdani ku tiirsan tahay.

Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa guulaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2022 ilaa July 2025. Waxaa si gaar ah u falanqeynayaa dib-u-habeynta sharciyadeed ee la sameeyay, tallaabooyinka lagu curyaamiyay dhaqaalaha Al-Shabaab, iyo horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda ee u xilsaaran la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

1. Ansixinta Shuruucda Muhiimka u ah La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada

Kadib ku dhawaaqista Madaxweyne Xasan Sheekh ee “dagaalka dhinaca maaliyadda ah” oo lagula jiro ururada argagixisada, DFS waxay hirgelisay shuruucda muhiimka u ah curyaaminta awoodda dhaqaale ee kooxaha xagjirka ah.

Markii ugu horeysay waxaa wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda Iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT ACT 2016), iyadoo lagu soo daray qodobo cusub oo muhiim ah si uu sharcigu ula jaanqaado Talooyinka Caalamiga ah ee kooxda FATF. Dib-u-eegistan cusub waxay si weyn u xoojisay awoodda Xarunta Warbixinada Maaliyadeed (FRC) iyo Hay’adaha Fulinta Sharciga si ay si hufan uga hortagaan dambiyada la xiriira lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Sidoo kale, sannadkii 2023, DFS waxay ansixisay laba sharci oo muhiim ah oo xoojinaya awoodda dalka ee ka hortagga Maalgelinta argagixisada:

• Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman (2023): Iyadoo lagu saleynaayo Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs 1267 iyo 1373), sharcigan wuxuu awood u siinayaa dowladda in ay soo saarto liis qaran oo xayiraad maaliyadeed lagu beegsanayo hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisada, si waafaqsan xeerarka iyo waajibaadka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

• Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada (2023): Sharcigan wuxuu si weyn u ballaariyay awoodaha laamaha baarista iyo hay’adaha garsoorka, isagoo u oggolaaday qabashada iyo xayiraadda hantida ay leeyihiin shakhsiyaadka ama kooxaha lala xiriirinaayo argagixisada.

Shuruucdaan ayaa noqday tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda DFS ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada, waxayna dhidibada u taageen hannaan sharciyeed oo la jaanqaadaya xeerarka caalamiga ah.

2. Adkeynta Hanaanka Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay dejisay habraacyo wada-shaqeyn oo hufan oo lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyadoo hoggaanka hawshan ay leeyahay Guddiga Qaranka ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (NAMLC). Guddigan ayaa si gaar ah u qaabilsan ilaalinta nidaamka maaliyadeed ee dalka si looga hortaggo in kooxaha xagjirka ahi u isticmaalaan ujeedooyin argagixiso.

NAMLC waxay soo saartay qaraaro iyo farriimo wacyigelin ah oo si toos ah ugu wajahnaa ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo uga digaysa bixinta taageero maaliyadeed ama mid agab ah oo lagu gaarsiiyo kooxaha argagixisada. Sidoo kale, NAMLC waxay ku boorrisay dhammaan bulshada iyo ganacsatada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo ay uga shakiyaan inay la xiriirto maalgelinta argagixisada.

Mid ka mid ah guulaha istiraatiijiyadeed ee la gaaray ayaa ah soo saarista liisaskii ugu horreeyay ee Cunaqabateynta Maaliyadeed Ee Heer Qaran, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Liisasakan oo la shaaciyay bilaha Abriil iyo Luulyo 2024, waxaa xayiraad maaliyadeed lagu soo rogay 17 horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, boro-bogaandada, weerarada iyo qaraxyada.

Kadib soo saaridda liisaskan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) waxay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex kamid ah horjoogeyaashii liiska ku jiray:

• Maxamed Mire Jaamac (Mire)

• Nuur Xasan Rooble (Nuunale)

• Bakar Shariif (Baashe)

Tani waxay muujinaysaa sida cunaqabateynta maaliyadeed iyo xogaha istiraatiijiga ahi u horseedi karaan guulo la taaban karo oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, taas oo qayb ka ah dagaalka dowladda ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada.

3. Hoos u Dhaca Awoodda Dhaqaale ee Al-Shabaab

DFS ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah curyaaminta dhaqaalaha argagixisada, iyadoo si toos ah u bartilmaameedsatay ilaha dhaqaale, marinada ay mariyaan lacagaha baadda ah iyo meelaha ay ku keydiyaan. Tallaabooyinkaas oo ay hormuud ka ahayd xarunta FRC, waxaa lagu guuleystay in:

• Xayiraad lagu sameeyay xisaabaadka bangiyada (Banka Accounts) iyo kuwa Ganacsiga (Merchant Accounts) ee lala xiriirinayo argagixisada.

• Xiritaanka lambarrada moobilka ee lagu ururin jiray lacagaha baadda iyo kuwa lagu kaydin jiray lacagaha sharci darrada ah.

Sida ay baahisay SNTV, intii u dhaxaysay 2022 ilaa June 2025, waxaa la xayiray ku dhawaad 3,000 oo ay isugu jiraan xisaabaad banki, kuwa ganaciso iyo taleefan lambaro oo ay kooxaha Al-shabaab u isticmaalaayeen uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday hoos u dhac qiyaastii 30% ah oo ku yimid dakhliga sanadlaha ah ee kooxda Al-Shabaab, taasoo muujinaysa guulaha Dowladda ee curyaaminta dhaqaalaha kooxaha argagixisada.

4. Xukunkii Ugu Horreeyay ee Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya:

Bishii May 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay ay maxkamad Soomaaliyeed ku xukuntay dad lagu helay dambiyo la xiriira maalgelin argagixiso. Tani waxay calaamad u tahay biseylka hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda wada shaqeyn ee ku aaddan la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Xukunadaan ayaa ka dhashay iskaashi dhow oo dhex maray Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (XIG), iyo Hay’adaha Garsoorka. Iskaashigan ayaa suurtageliyay in xogaha maaliyadeed loo bedelay cadeymo maxakamdeed oo horseeday in xukuno lagu rido shaqsiyaadka lagu soo eedeeyey maalgelin argagixiso.

17-kii May 2024, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay Cali Xuseen Isaaq (70 sano jir) ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa maalgelin argagixiso. Maalmo kadib, haweenay lagu Magacaabo Ayaan Abuukar Maxamed (27 sano jir) ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $8,000, iyadoo lagu helay inay fududeysay lacago la xiriira maalgelin argagixiso.

5. Qiimayntii Ugu Horreysay Khatarta Qaran ee la xiriirta lacag dhaqid iyo Maalgelin argagixiso (National Risk Assessment)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay hirgelisay hannaan ku saleysan qiimeynta khatarta (risk-based approach) oo noqday tiir u dub dhaxaad u ah qorshaha qaran ee lagula dagaalamaayo lacag-dhaqidda (ML) iyo maalgelinta argagixisada (TF).

Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dadaalkan waa soosaarista iyo daabacaadda Qiimayntii Ugu Horreysay ee Khatarta Qaran (NRA) ee la xiriirta ML/TF, taasoo si rasmi ah loo baahiyey sanadkii 2022. Qiimeyntaan ayaa ahayd tallaabo istiraatiijiyadeed oo lagu waafajinayo hannaanka qaranka ee AML/CFT iyo xeerarka caalamiga ah ee ay dajisay kooxda Financial Action Task Force (FATF).

Xogta Qiimeynta Khataraha Qaran (NRA) ayaa bixisay falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan:

• Khataraha sare iyo meelaha u nugul;

• Caqabadaha hay’adaha iyo nidaamyada;

• Qaybaha ama hay’adaha u nugul in lagu takri-falo ama loo isticmaalo maalgelin argagixiso.

Natiijooyinka kasoo baxay NRA-du waxay saldhig u noqdeen:

• Dejinta siyaasado istiraatiijiyadeed;

• Dardargelinta kormeerka hay’adaha maaliyadeed;

• Horumarinta barnaamijyo lagu dhisayo awoodda hay’adaha.

Qiimeyntan waxay caddeysay sida DFS uga go’an tahay dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, lehna awood uu kaga hortaggo khataraha la xiriira dambiyada abaabulan iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo loo maraayo hannaan waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

6. Hirgelinta Waajibka Aqoonsiga Qaran (National ID)

Si looga hortago nuglaanta la xiriirta aqoonsiyada been abuurka ah, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa 29-kii Luulyo 2025 soo saaray qaraar waajib ka dhigaya in la adeegsado Aqoonsiga Qaran (National ID) marka la furaayo ama la cusboonaysiinaayo xisaabaadka bangiyada.

Amarka Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka wuxuu xaqiijinayaa:

• in laga hortaggo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.

• In la xoojiyo waajibaadka “Baro Macmiilkaaga” (KYC) iyo Hawlaha Hubinta Macaamiisha (CDD).

• In la hagaajiyo raadraaca iyo isla xisaabtanka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed.

6. Xoojinta Iskaashiga Gobolka iyo midka Caalamiga ah

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashiga ay la leedahay gobolka iyo caalamka intaba, si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dagaalka ka dhanka ah lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waxayna xubin firfircoon ka noqotay Ururka La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF). Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa hannaanka qiimeynta is-weydaarsiga (Mutual Evaluation Process), taasoo lagu qiimeynaayo dhameystiranka shrucuucda dalku u dajiyey la dagaalanka lacag dhaqidda iyo Maalgelinta argagixisada iyo heerka ay gaarsiisantahay wada shaqaynta hay’adaha u xilsaaran howlahaasi.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday dadaallada ku aaddan ku biirista Kooxda Egmont, si ay uga mid noqoto shabakadda caalamiga ah ee FIUs, taasoo suurta gelinaysa is-weydaarsiga xogaha sirdoonka maaliyadeed oo ammaan ah (Secure Financial Intelligence D). Si loo gaaro yoolkan, FRC waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka sharciga, dhisidda awoodda hay’adeed, iyo tayeynta hababka falanqaynta xogta.

Intaas waxaa dheer, FRC waxay saxiixday heshiisyo is-afgarad ah (MoUs) oo ay la gashay hay’adaha dhigeeda ah (FIUs), si loo xoojiyo is-weydaarsiga xogta, falanqaynta khatarta wadajirka ah, iyo iskaashiga farsamo.

7. Talooyinka Istiraatiijiyadeed oo lagu Xoojinayo Dadaallada Soomaaliya ee Ka Hortagga Maalgelinta Argagixisada

Si loo adkeeyo guulaha jira loona wajaho khataraha cusub, Soomaaliya waa in ay mudnaanta siisaa qodobbadan soo socda:

• Kordhinta wacyigelinta dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada

• Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay

• Kobcinta awoodda hay’adaha iyo horumarinta tiknoolajiyadda

• Cunaqabataynta joogtada ah ee hogaamiyeyaasha Al-Shabaab

• Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda iyo xakameynta khataraha cusub

• Xoojinta iskaashiga caalamiga ah

Qoraa:  Cabdiwahab Maxamed Cabdirahman

Khabiir sare Arrimaha AML/CFT ahna Baare Dambiyada Maaliyadda

Xarunta Warbixinada Maaliyad (FRC)

[email protected] // [email protected]

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ghana

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ghana u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Robert Afriyie.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Afriyie oo guda-galaya howlaha loo igmaday, isaga oo diiradda saaraya xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahan ee ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, carabaabayna rajada uu ka qabo soo banbixinta dhabbooyin iyo habab cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labo dhinaclaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay xafiiskiisa, safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Suleiman Dedefo Woshe.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si kor loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo la xiriira maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee uu soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha, baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay akoonka eedeysanaha ayaa lagu ogaaday lacag fara badan oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday maalgelinta falal ka dhan ah amniga qaranka.

Maxkamadda, kadib markii ay ku qanacday warbixintaasi hordhaca ah, ayaa ku amartay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta baaritaanku socdo, si loo dhammeystiro gal-dacwadeedka loo haysto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale adkeeyay go’aankiisa ah in si adag loola dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, isagoo digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falal noocaas ah in lala tiigsan doono sharciga, islamarkaana lagu marsiin doono caddaaladda.

Maxaa ka soo baxay kulamadii hoggaanka HSJ ay ku tegeen UK iyo Jarmalka?

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay warbixinada natiijooyinka wax ku-oolka ahaa ee la xiriira safarradii dibadda oo ay wafdiga heerka sare ah ay dhawaan ku tageen dalalka Ingiriiska, Swizerland iyo Jarmalka. Ujeedooyinka safaradaas ayaa ku qotomay sare u qaadista aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo sugida amniga socdaalka iyo xuduuddaha.

Qoddobada looga hadlay Kulanka:

1. Soo bandhigidda natiijooyinka u qabsoomay wafdiga HSJ ee safarradaas iyo guulaha laga gaaray wada-xaajoodyadii dhacay.
2. Meelaha laga bilaabayo iskaashiga iyo maalgelinta, gaar ahaan barnaamijyada tayeynta adeegyada socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, iyo kobcinta adeeg-bixinta muwaadiniinta.
3. Fikradaha cusub iyo farsamooyinka la heli karo si loo horumariyo shaqada Hay’adda gudaha dalka.
4. Warbixin wadaag iyo is-dhaafsi xogeed, si waaxyuhu ugu dhisaan qorshayaashooda shaqo miraha safaradaas.

Go’aamada iyo Tallaabooyinka ka dhashay Natiijooyinka Safarradaas:

• In waaxyaha HSJ ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha iskaashi ee laga helay dalalkaas.
• In xafiiska Waxqabadka iyo Isla xisaabtanka oo soo diyaariyo qorshe howleed lagu fulinayo waxyaabaha natiijooyinka kasoo baxay safarradaas.
• In la sii xoojiyo xiriirka dibadda ee Hay’adda si guulahaan oo kale ah sare loogu sii qaado.
• In loo diyaar garoowo wakiilo ka socda hay’adaha dhigeenna ah ee dalalkaas, si ay nooga taageeraan kaabayaasha tiknoolijiyada casriga ah.
               

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaannadaas, kuwaas oo ka dambeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaanadaas ka sifeeyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qaybo ka mid ah gobolka. Waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.
  

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaawday Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.