Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay saxiixa heshiis ay gaareen Hormuud iyo Save the Children

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi dhexmaraya hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu kala saxiixday iskaashiga, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo xusay in iskaashiyada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo muhiim u ah horumarinta bulshada, gaar ahaan badbaadinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa carab ku dhuftay inay Xukuumadda DanQaran dhiirigalin iyo garabistaag ay u muujiso Iskaashiga shirkadaha maxaliga ah iyo hey’adaha caalamiga, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Lataliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta iyo warbaahinta ee la-dagaalanka argagixisada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ee ku aaddan ciribtirka xagjirnimada.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac, oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Waaxyaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka. Kulanka kadib, Wasiir Al-Cadaala iyo Bob Flannery ayaa booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen shaqada ay warbaahinta dowladda ka waddo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, warbaahinta, iyo dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirka ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho la-dagaalanka khawaarijta, iyadoo la xoojinayo doorka warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Dhankiisa, Lataliye Bob Flannery ayaa sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, si gaar ahna uga taageero dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

       

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu kulan muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama Bangiyada Dalka ay qeyb weyn ka qaateen qorshaha isbaddelka dhaqaalaha dalka oo hormuud ay ka tahay Wasaaradda maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Ururuka Bangiyada, xiriirka wada-shaqeynta Bangiyada iyo Dowladda iyo adeegooda muuqda ee ay bulshada u hayaan oo ah mid aad u sarreeya iyo maadama ay yihiin canshuur bixiye-yaal qeyb ka qaata dib-u-dhiska Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 29 𝑱𝒖𝒍𝒚 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, iyagoona ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay Dawladda Talyaaniga ka geysato dib-u-dhiska dalka, taageeridda dadaallada xasilinta Soomaaliya, asigoona tilmaamay in xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee Caasimadda Roma ku taal uu gacan weyn ka geysan karo is-dhaafsiga khibrado iyo aqoon waxtar u leh hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa ka mahadceliyay soo-dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose, waxa uuna dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballanqaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Wasiirka Beeraha XFS oo oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo ay mudnaanta koowaad la siin doono, horumarinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado tababar iyo shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Beeraha.

IGAD waxay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dadaalada iskaashiga ah ee lagu horumarinaayo nolosha bulshada, laguna xoojinayo xasiloonida gobolka.

Wasiir Biixi oo Muqdisho ka furay shir Madaxeedka hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay, shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa diirada lagu saarayaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hal abuurka ganacsiga, kordhinta dakhliga, dhiirigelinta ganacsiyada yar yar iyo kor u qaadidda ganacsiga haweenka Soomaaliyeed.

Shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Wasaaradda Batroorka iyo kheyraadka macdanta Daahir Shire Gudoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka dalka.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, taasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay wacyigelinta bulshada ee la xiriirta cudurka cagaarshowga, iyadoo la adkeynayo muhiimadda baaritaanka, tallaalka, iyo helitaanka adeegyada daaweynta, waxaa sidoo kale munaasabada kasoo qayb galay Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin, xirfadlayaal Caafimaad iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa muujiyay sida ay wasaaradda caafimaadka uga go’an tahay la dagaallanka cagaarshowga iyo xoojinta daryeelka Caafimaad ee dalka isagoo xusay muhiimada ay leedahay wacyigalinta iyo baaritaanada xiliga hore si loo yareeyo saamayntiisa.

     

Dowladda oo dib u soo celinaysa Somali Airlines

Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Soomaali Airlines, waxaana diyaaradahan ah ku hawl gali doono muddo laba bilood gudahood ah.

Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa maanta lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa bulshada la wadaagay in dib u soo celinta Somali Airlines uu yahay hadaf Qaran, dowladuna ay soo iibsanayso diyaarado badan xilliyada soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC

Dooxa: Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Isniin ah hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo lagu qabtay magaalada Dooxa inta u dhexeysay 27–28 Luulyo. Shirka oo ay martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka, iyo dhismaha 20,000 oo askari oo cusub. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka kadib markii laga cafiyay deymaha, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060. Waxa uu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana uu muujiyay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026. Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa. Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

       

“Soomaaliya waxay xal u noqon kartaa cuno yarida” madaxweyne Xasan Sheekh

Addis Ababa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey (UN Food Systems Summit) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madashan ayaa soo bandhigay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey in Soomaaliya ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada, taas oo horseedday in malaayiin qof ay wajahaan cunto-yari, waxa uuna adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soosaarka dalagga iyo xoolaha uu yahay lagama maarmaan si looga gudbo duruufaha nololeed.

“Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha, waxay si cad u qeexaysaa ahmiyadda ay leeyihiin hagaajinta maamulka, kordhinta wax-soosaarka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha. Waxaan aaminsanahay in beeruhu aysan kaliya dadka quudin, balse ay sidoo kale abuurayaan shaqooyin, xoojinayaan nabadda, islamarkaana ay Soomaaliya u diyaarinayaan mustaqbal ifaya”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saleysan ee Dib-u-dhiska (National Transformation Plan), kaas oo mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashiga dowlad iyo ganacsatada, dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo xoojinaya isku xirnaanta beeraleyda, suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

“Sugnaanta cunnadu waa nabad dhisid, isbeddelka beerahana waa dhisidda qaran. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo waa maalgashi lagu dhisayo nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageero siinaya kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraha si loo abuuro nidaamyo cunto oo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iidaystaan.