NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirsay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Juun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidaas warbaahinta u sheegay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

    

SODMA oo qabanaysa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) waxa ay qaban doontaa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya – 𝗖𝗛𝗙 𝟮𝟬𝟮5.

Madashaan ayaa looga hadlaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qayb-gala hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwa caalamiga, kuwa maxaliga, Ururrada Bulshada ee ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadannimada ee Dalka iyo deeq-bixiyayaasha.
Madashan waxaa ay ka dhici doontaa magaalda Beydhaba ee xarunta Maamulka koonfur galbeed, maalinta Arbacada oo ku beegan 06 August 2025.

Wafdi ka socda dowladda federaalka oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Beledxaawo

Beledxaawo:- Xildhibaan Baale Ibraahim Cabdi oo ka tirsan BFS, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax iyo saraakiil kale ayaa maanta magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo kula kulmay qaar ka mid ah odayasha dhaqanka degmadaasi.

Kulankaan ayaa lagu lafa-guray adkaynta nabad galyada degmada iyo sidii loo taageeri lahaa Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ee halkaas ku sugan.

    

Sheekh Aadan madoobe oo dhagax dhigay mashruuc laga hirgelinaayo Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhegax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinaayo Magaaladda Xudur iyo deegaanadda kale ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wwasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmadda Xudur isla markaana si rasmi ah u dhegax dhigay mashruucan ceelka lagu qodayo ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo deegaanadda gobolka oo dhan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mashruuca ceelka riiga ah looga qodayo Magaaladda Xudur uu isaga si gaar ah u hirgelinayo ayaa sheegay inuu ugu talo galay in dadka deegaanka ay ka faa’ideystaan, islamarkaana uu wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ah ee shacabka ku nool Magaaladda Xudur.

Qodista ceelka riiga ah ee laga hirgelinayo Magaaladda Xudur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doonta, waxa ayna noqon doontaa talaabo ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku nool Magaaladda Xudur.

Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladda Beijin dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Shirkadda seyniska iyo  tiknolojiyada oo fadhigeedu yahay Beijing.

Xildhibaanadaasi ka  socda labada Aqal ayaa halkaasi u jooga tababar aqoon0kororsi ah oo la xiriira cilmi baarisyada,iyagoo madaxda shirkadda ee ay la kulmeen ka dhageystay warbixinno ku saabsan taariikhda horumarka shirkada iyo qalabyada ay soo saaraan .

Madaxda shirkadda aayaa sidoo kale, sharraxaad kooban ka bixisay mashruucyada ay ka fuliyaan wadamo ka mid ah qaarada Afrika oo ay  tilmaameen in ay ka saacideen adeegyada zagga isgaarsiinta.

Xildhibaanada ka socda Soo maaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen madaxda sare ee shirkada,iyagoo halkasi ku daawaday wax soo saarka shirkadda ee xaggga isgaarsiinta,sida sameynta taleefanada,computerada,telefishinada iyo qalab kale oo muhiim ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka

6- Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo oo dhowaan ay dagaalo ka dhaceen.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabadda saxiixa iskaashi oo dhexmaray Hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabla Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiiro Iyo xildhibaano ayaa booqday magaaladda Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

9- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

10- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed,isagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

13- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay La-taliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

16- Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed (Soomaali Airlines) oo dhawaan ka hawlgali doona dalka .

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynihii shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya .

19- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa si’ rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka oo ku dhawaad 36 sanno hakad ku jiray.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa la kulmay Ku-Xigeenka Madaxa Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) , Marwo Ugochi Daniels,

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulan la yeeshay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa magaalada Laas Caanood kulan wadatashi ah kula yeeshay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatey Dr Rukaya Maxamed, oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

25- .Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshaya Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

27- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels.

29- Bayaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in macaamiisha koontooyin cusub furaneysa ama cusbooneysiisaneysa shuruud looga dhigayo inay heystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee Hay’adda NIRA.

30- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dalka Jarmalka kulan kula yeeshay Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

31- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada bulshada ku gaaray magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa la kulmay ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo ka dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii dowladda ay waddo ee ku aaddan sii deynta muwaadiniintaasi.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka ganacsiga, waxbarashada, iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN. Waxa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan gobollada istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda Calmiskaad.

labadaan Argagaxiso ayaa baxsad ka ahaa Ciidanka Amniga oo howlgal ka dhanka Khawaarijta ah kawada dhulka Buuraleyda ah.