DEGENAANSHAHA IYO NABADDA OO KAALIN LA TAABAN KARA KU LEH KOBOCA DHAQAALAHA

Nabaddu waxay u leedahay noolaha guud ahaan ahmiyad gaar ah oo ay ku negaadaan .

Marka uu degenaanshuhu yahay mid wacan oo ay jirto isu socod han kasta ah ayaa waxaa markiiba muuqanaya wax is dhaafsi alaabo iyo badeeco, iyo ganacsiga oo suuq wanaagsan hela, isla markaana yeesha faa’ido la taaban karo.

Kororka dhaqaalaha ee waddan ayaa waxaa saldhig u ah nabadda taas oo u suutagalisa in la tiigsado qorsheyaal horumarineed ee dhanka qeybaha beeraha iyo wrshedaha.

Ka gungaarista waxbarasho heer sare ah iyo caafimaad horumarsan ayaa bartilmaameed u ah degenaansho iyo nabad joogto ah in la helo .

Marka nabadda iyo kala damebynta lunto waxaa la dareemaa welwel, fowdo ka dhalata amni darada oo ay soo uf baxaan kooxo dadka u dhigta jidgooyo una geysta boob iyo dhac .

Waxaa hakad gala isu socodkii ganacsiga oo isaga gooshi jiray gobolada iyo isu socodkii bulshada inteeda kale waana mid keeni karta dib u dhac , cabsi iyo shaki taas oo aan la isku alleyn karin biimo maahee .

Waddan kasta isaga ayey u taal sida uu u horumarin karo habdhiska nabadda ee dalkaa waana mid lama huraan ah .

Si kastaba ha ahaatee waxaan la isku heyn ahmiyadda degenaanshaha iyo nabadda ay ku leeyihiin horumarka dhaqaale ee dal walba waana mid looga bixi karo dhaqaalaha gaabiska ah ee dunida saddexaad la daalaa dhacayaan.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhallinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhalinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diyaariyay ciidamo ka qayb qaadanay sugidda Amniga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta iyo iskaashiga adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta.

Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan sheekh” Xukuumaddu waxaa ay go’aan ku gaartay in la xakameeyo hubka lagu haysto Muqdisho, maxaa yeelay qofku inta uu arkayo gaari qoryo saaran yihiin oo Magaalada dhex ordaya amni ma dareemayo” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Masuul kasta ha watee gaarigii diida in la baaro halala dagaalamo waa amar, waana mamnuuc gaari Cabdi bile ah oo Magaaladaan dhex maraya”.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sida cadawga khawaarijta ay u hagardaamiyeen hormarka shacabka Soomaaliyeed waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Dalka Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo soo gaaray Magaalada Muqdisho .

Madaxweynaha iyo wafdigaasi ,waxa ay kulankoodii uga hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada ,gaar ahaan kuwa ku  saabsan arrimaha ay wadaagaan.

Finland waa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarka.

Wafdigaasi,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay ,Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse .

Wasiirka Arrimsha dibadda XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ka socday Dalka Finland

Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho .

Kulan kooban oo ay labada Wasiir ku yeesheen Garoonka ayaa waxay isku weydaarsadeen arrimmo la xiriiray xoojinta xiriirka saaxiibtino ee ka dhexeeya labada dal iyo horumarinta barnaamijyada wax ku oolka ah ee lagama maarmaanka u ah ama lagu saacidayo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa Wasiirka Finland uga warbixiyay halka ay marayaan dadaalada ku aadan Xaaladaha Beni’aadanimada, Abaaraha taagan, horumarka DFS ay ka waddo gudaha dalka iyo howlgalada ku wajahan kooxaha Atgagaxisada,

Soomaaliya oo loo doortay xilka hay’adda African Risk Capacity ee Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa loo doortay qabashadda xilka Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity oo Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha iyo Musiibooyinka.

Magacaabista xilka guddoonka hey’addaasi ayaa yimid xilli Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobinya uu ka socdo shirkii ay ka qeybgaleen 35 dal oo ku bohoobay hey’addaasi.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah oo ay soo xaadireen xubnnaha ururka African Risk Capacity (ARC),waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA Soomaaliya.

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika,waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisan yahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

Hey’adda MSF oo badbaadisay 440 muhaajiriin oo ay ku jireen Soomaali

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa biyaha caalamiga ah ee badda u dhow Malta ku badbaadiyay 440 tahriibayaal ah oo la socday doon kamid ah kuwa kaluumaysi .

Doontan ayaa waxaa la socday muwaadiniin u kala dhashay dalalka Masar, Syria, Pakistan, Bangladesh, Somalia iyo Sri Lanka, sida ay xaqiijieen wakaaladda wararka ee Reuters oo la hadlay haweeney ka tirsan hay’adda MSF.

Dadka tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in sabtidii la soo dhaafay ay ka soo ambabaxeen Dalka Liibiya,gaar ahaan deegaanka Binqaasi,waxaana kuwa la soo badbaadiyay ku jiray siddeed haween ah iyo 30 carruur ah .

Talyaanigu waxaa ku sii badanaya tahriibka badda ee ka imaanaya Waqooyiga Afrika, iyadoo in ka badan 28,000 ay sanadkaan yimaadeen, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,800 oo halkaasi gaaray 2022, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.