Ciidanka Booliiska oo toogtay dhagar qabe miino ku aasayay deegaanka Garasbaaley

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa toogtay dhagar qabe Miino ku aasayay waddada dhinaceeda.

War ka soo baxay Boliiska ayaa lagu yiri” Ciidanka oo howgal ku jira ayaaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinaceeda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, dhagar qabaha ayaa sameeyay iska caabin waana la toogtay”.

 

 

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xilka u kala wareejiyay ku-simihii taliyaha ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay kusimihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Abdikarim Ali Afrah iyo taliyaha cusub ee dhowaan la soo magacabaay c General Mahad Abdirahman Adan.

Munaasabadd0a xil wareejinta ah waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Xasan Macalin ayaa bogaadiyay kusimihii taliyaha ciidanka Asluubta Gen Abdikarim Ali Afrah sida howsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cusub General Mahad uu yahay nin shaqadaan yaqaan horena usoo qabtay wax badana  ay ka filyaan dhammaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

6 April seddax maalin ka hor ayay golaha Wasiirada XFS waxay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhibanada BFS in uu markale noqdo  taliyaha ciidanka Asluubta

 

 

  

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, waxaana uu u ballan qaaday in maxkamadda sare ee dalka ay garab istaagi doonto.

“Runtii na waxa aan ku aqaanaa aqoon, waayo-aragnimo, iyo hoggaamin heerkeedu sarreeyo.

Maxkamadda Sare ee Federaalku taageero buuxda ayey la garab taagan tahay si loo xaqiijiyo hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Garsoorka loona hirgeliyo sharciga hab middaysan.”

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa 8 -dii bishii April u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Hirshabeelle garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib markii uu kala diray garsoorkii hore ee dowlad goboleedkaa Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.
Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeynta Ciidanka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan lawareegidda guud ahaan amniga dalka Soomaaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dowladooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeeynta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo si rasmi ah uga dhacay deegaanka Bidda-Ciise oo aad ugu dhow degmada Ceeldheer ayaa wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan inuu sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku geeriyooday dagaalkaas.

Inkastoo, argagixisadu deegaankaas isgaarsiintu ka xanibeen, dadkana dhaq-dhaqaaqa ay u diideen si aan xogta khasaaraha dagaalka loo helin, haddana warar lagu kalsoonaan karo oo aan deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan labaatameeyo ruux halka dhaawacuna gaarayo afartameeyo.

Dagaalka oo markiisii hore ka bilowday in la dhammeystiro maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo iyaga oo dhaawac ah yaalay deegaankaas Bidda-ciise laguna dabiibayay markii kooxda ay aragtay in cadaadis xooggan soo fuulay ay go’aansadeen in dhaawacyada waqti ku lumin, horjoogayaalna ay soo jeediyeen in dhaawacyada la dhammeystiro si looga gudbo, maaddaama kooxdu uu ku furan yahay dagaallo jihooyin kala duwan ah,islamarkaana hadda uu ku bilowday wejigii labaad ee howlgallada Dalka guud ahaanba looga sifeynayo.

Horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda oo dhalasho iyo hayb ahaan ay aad isugu dhow-yihiin dhallinyarada dhaawacyada ah ee yaallo deegaankaas ayaa arrintaas ka biyo diiday iyagoona ka dagaallamay, taas oo keentay gacan ka hadal socday muddo ka badan 24-saac, Al-shabaab uu dhexmaro.

Dagaalka Bidda-Ciise ka dhacay, ku dhowaad 24-saac ay ku dagaallameen maleeshiyaad labada dhinac ah oo horjoogayaal ay kala hoggaaminayaan, ilaa shan horjooge ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku nafwaayeen iyagoo dhexdooda iska dilay halka maleeshiyaadka dagaalka ku dhintayna hadda labaatan ay kor u dhaafeen.

Xaaladda deegaanka Bidda-Ciise oo dagaalku uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa hadda la soo sheegayaa in ay wali cakiran tahay oo maleeshiyaad Shabaab ah labada dhinac gurmadyo isaga kala yimaadeen,iyadoo hadda wararku ay xaqiijinayaan in dhinacyada halkaas ku dagaallamay qaarkood ay u suurta gashay in maleeshiyaadkii dhaawaca ahaa in la dhammeystiro marka hore dirirtu ay ka bilaabatay la dhammeystiro.

Dhowaan ayay ahayd, markii sidan oo kale, dagaallo ugu dhexmareen isla maleeshiyaad Khawaarijta ka wada tirsan deegaanno hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug. Dagaalkan hadda ka dhacay deegaanka Bidda-Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli kooxdan jiritaankooda ay maalmo uun ka harsan tahay oo ay ku jiraan xilliyadii ugu dambeeyay dhammaadkooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Hirshabeelle

-Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowadda Goboleeeka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobka 51aad ee Dastuurka Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Markuu arkay: Soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka uu kusoo jeediyay in la magacaabo Guddoomiyaha Makamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.

 

 

 

 

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed

)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Madaxtooyada maamulkaas ku qaabbilay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamarreeb, waxaana Madaxweynaha kulanka culimada ku wehlinayay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Galmudug Xasan Cabdulqaadir Xuseen.

“Ujeedka imaanshaha culimada ee deegaannada Galmudug ayaa ah faafinta diinta, fadliga bisha Ramadaan iyo weyneynta Qur’aanka Kariimka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Markuu arkay: Qodobka 51aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Warqada sumadeedu tahay DGHSH/MOJHS24/23 kuna taariikhaysan 07/04/2023, taas oo Wasiirka Cadaaladda & Arr. Garsoorka ku soo jeediyay in la kala diro Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wuxuu Madaxweynaha soo saaray xeerka

Qodobka 1aad
1- Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray

Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

2- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.

Maxkamadda Ciidamada ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka Khawaarijta la xukumay, kuwaas oo kala ah:

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

Halka Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.