Filibiin iyo Mareykanka oo si wad jir ah u sameynaya dhoolatus Militari

Ciidamada Filibiin iyo kuwa Mareykanka ayaa maanta oo Talaada ah billaabaya dhoolatuskii ugu ballaarnaa oo wadajir ah, kaasi oo ka dhici doona gudaha Dalka Filibiin ee dhaca Koonfur-bari ee Qaaradda Aasiya.

Filibiin iyo Mareykanka ayaa sheegay in dhoolatuskan looga hortagaya kororka saameynta Shiinaha ee gobolka.

Ilaa 18,000 oo Askari ayaa ka qeyb qaadanaya dhoolatuskan, kaasi oo ay si wada jir ah u sameyn doonaan ciidamada Filibiin iyo kuwa Mareykanka, taasi oo ka dhigan laba jibaar tirada Ciidamada ka qeyb galay sannadkii hore.

Dhoolatuskan ayaa sida la sheegay socon doona muddo toddobaad ah, iyadoo la sheegaya in Ciidamada Mareykanka ay adeegsan doonaan Gantaalada Patriot, kuwaas oo ka mid ah difaaca hawada ee ugu wanaagsan adduunka.

Ruushka iyo Ukraine oo tiro maxabiis ah isdhaafsaday

Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis ah oo ay kala qabsadeen intii uu dagaalka socday, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay wareejisay 106 Askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, halka agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ruushkuna sii daayay 100 maxbuus oo ay hayeen.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista, Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

Isweydaarsiga maxaabiistan ayaa ah kaliya midda ay ka wada-shaqeeyaan Ruushka iyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalka ka dhex qarxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Makaa’iil Rashiid Barre

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane , Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Caddaala ayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee, Makaa’iil Rashiid Barre oo xalay fiidkii ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan howl wadeennada Wasaaradda Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Makaa’iil Rashiid Barre.

Marxuum Makaahiil Rashiid Barre ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana uu ka mid ahaa wariyayaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Antonio Guterres iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde International, ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya iyo madax kale.

Waa markii labaad ee uu xoghayaha guu ee Qaramada midoobay yimaaddo Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017, waxaana la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dalka ugu sarreysa.

Wasiirka amniga dowladda FS oo lankulmay khuburo amni oo Serbian ah

Belgrade- Wasiirka amniga gudaha dowladda FS oo kulan la qaatay khuburo ka socday waaxda hubka iyo ka hortagga dambiyadda Abaabulan ee dalka Serbia.

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowladda FS mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay khuburada Amniga iyo Dambiyada Abaabulan ee Wasaaradda amniga Serbia iyo shirkadda Yugo Import oo ay leedahay dowladda Serbia, taas oo ku shaqo leh dhoofinta iyo soo dajinta hubka.

Kulankan waxaa wasiir Doodishe ku wehlinayey danjiraha Jamhuuriyadda FS u qaabilsan dalka Serbia mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka ayaa khuburada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa tababarana loo siin lahaa howlwadeenadda ka shaqeeya amniga Soomaaliya iyo in khuburadu ay soo booqdaan Soomaaliya.

     

Khawaarijta oo xirxirtay odayaal dhaqameed hore ugu shaqayn jiray

Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanno iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka,waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.

War ay heshay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa xaqiijisay in odayaal dhaqameedyo khawaarijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee shacbka sida xoogga ah looga qaadi jiray ay wajahayaan xiligaan xaalad qatar ah kadib markii khawaarijtu ay ka dhigtay qaar ay Dishay iyo kuwa ay ku xir-xirtay degaanno hoostaga degmooyinka Ceelbuur,iyo degaanka Coosweyne oo hoostagta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayashaan ay xireen khawaarijta ayaa la shegayaa in inta badan ay ka soo jedaan degaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud,waxan la sheegay in odayaashaan ay dhibaata xooggan ku hayeen shacabka degmada Ceel-dheer tan iyo markii lagu jabiyay khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaanno laga saaray Khawaarijta

Kismaayo- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha khawaariijta ah ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweynaha oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan, isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda, si neecoowda dowladnimada loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

     

default

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Muqdisho.

Kormeerkan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo u kuurgalida xaalada Caasimadda, gaar ahaan Amniga, Nadaafada, u diyaar garowga xili Roobaadka iyo in si deg deg ah loo dhameestiro diyaarinta Waraha biya qabadka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

    

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin