General Biixi” Waxan go’aan ka gaarnay weerarradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada”

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan xeeladaha gaadmada ah ee ay khawaarijtu adeegsadaan.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan mar dambana  dhacayn in ay soo hajuumaan khawaarijta xarumaha ciidanka ama ay haweystaan.

General Biixi” Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada,haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda”.

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin Ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, isla markaana aysan dhacayn in ay mar kale dhibaateeyaan shacabka ama u hanjabaan.

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Gen; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sidoo kale sheegay in khawaarijtu ay dhexdooda iska shakiyeen qilaaf weyna uu soo kala dhex galay, taas oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo qaabbilay Madaxa Hay’adda IMC Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Dr; Axmed Cabdi Aaden ayaa maanta Xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa xafiiska International Medical Corps – IMC ee Soomaaliya Mudane, Roland-Paul Veilleux iyo Global Director of Emergencies Dr Javed.

Madaxa xafiiska IMC ayaa warbixin kooban ka siiyay Guddoomie Axmed qorshe hawleedka hay’adda ee xafiiska Soomaaliaya iyadoo ugu danbeen laysla afgartay in SoDMA iyo IMC ay kawada shaqeeyaan,sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh gaar ahaan arimaha degdeg ah (Emergencies) iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa tababarada iyo Tayeenta la xiriira Arrimaha gurmadka Degdega ah si gaar ah dhanka Gurmadka Degdega oo ay hogaamineeyso Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Degdega (NEOC).

Masuuliyintaan ayaa soo kormeeray Xarumaha ay Hay’adda SoDMA ka koobantay oo ay ka mid yihiin Xarunta Howlgalladda Gurmadka Degdegga ah iyo Xarunta Ka digista halis-wadareedka.

Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotay hay’adda IMC booqashada ay ku yimadeen Xarunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland iyo safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya oo ka wada hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweynaha Jubaland Mudane , Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo maanta gaaray Kismaayo.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamadu.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in deegaannada cadowga laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay u geysteen argagixisadu.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada cadowga laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo  waiii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Khawaarijta.

   

Khawaarijta oo weysay maleeshiyaadkii ay qoran jireen, maxaa sabab u ah? Warbixin

Howlgallada dalka ka socda ayaa Khawaarijta u horseeday in ay ku socdaalaan waddadii ay ku guuldareysan lahaayeen, in ka badan dhowr iyo toban sano ayay dhib ku hayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxyaabaha laga faa’iday howlgallada dalka ka socda waxaa ka mid ah in deegaanno badan laga suuliyo fikirka Khawaarijta Al-shabaab. Hadda waxaa soo baxday in ay hoos u dhaceen tirada maleeshiyadii ku biiri jirtay Khawaarijta.

Haddaba waxaa idinla wadaageynaa sababta keentay in ay hoos u dhacaan:-

  1. Waxaa sii kordhaya tirada dhallinyarada iska soo dhiibay Khawaarijta Al-shabaab.
  2. Dhaqaalihii kooxda soo geli jiray oo hoos u dhacay, ka dib markii ay Dowladdu weerar ku qaaday illihii ay dhaqaalaha ka heli jireen argagixisadu.
  3. Cadaadis xooggan oo ay saareen maleeshiyada ay ku halaagayaan dagaallada xaqdarada ah ah.
  4. Weerarada lagu qaadayo deegaannada ay dalka kaga dhuumaleysanayeen Khawaarijta iyo dhimashada oo ku badatay.
  5. Dadka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta Khawaarijta Al-shabaab iyo in ay sifo qaldan ka bixiyaan Diinteenna Islaamka.
  6. Dhulka ay ka joogaan dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii howlgalladu ay ku bilowdeen maleeshiyada maafiyada ee Al-shabaab.

Guuldarada ku dhacday waxaa muujinaya niyad jab xooggan oo argagixisada soo wajahaday, waxayna horjoogayaasha kooxdu iska ilaaliyaan in ay warbaahinta horyimaadaan si aan wajiyadooda looga garan guuldarada iyo weji gabaxa ku dhacay.

Sidoo kale, maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay dhexdooda dagaallamaan, islamarkaana iska dilay dhagarqabayaal iyo horjoogayaal badan, kuwaas oo ka madax adeegay amarada qaar ee kooxda.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay kooxda kana qabsaday deegaanno badan,kuwaas oo muddo toban sano ka badan ay dadka ku gumaadi jireen, waxaana hadda deegaannadaas laga dareenayaa horumar, nabad iyo nidaam Dowladnimo oo ay ku diirsadeen.

Qadar iyo Bahrain oo ku howlan soo celinta xiriirkii dibolomaasi

Dalalka Qatar iyo Baxrayn ayaa wada dadaal lagu soo celinaayo xiriirkii diblomaasi ee u dhaxeeyay labadaasi dal,isla markaana lagu xallinaayo khilaaf soo jiray muddo dhowr  sanado.

Wafuud ka kala socotay labada dal ayaa Arbacadii shalay ku kulmay xarunta Golaha Iskaashiga Khaliijka ee GCC oo ku taalla caasimadda Dalka Sacuudiga ee Riyadh, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalkaasi.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Axmed Bin Xasan Al-xammadi ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Baxreyn Sheikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa ,kuwaas oo  ka wadahadlay sidii loo xallin lahaa khilaaf soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii.

Dabayaaqadii Jannaayo, dhaxal-sugaha Boqortooyada Baxreyn iyo amiirka Qatar ayaa yeeshay wadahadal dhanka talefanka ah,si ay xal uga gaaraan  khilaafka soo jiray mudada dhowrka sano ah.

2021-kii Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa dib u soo celiyay xiriirkan, inkastoo Imaaraadka iyo Qatar aysan weli furin safaaradahooda.

Sanadkii 2017-kii dalalka Bahrain, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar, waxay Qadar ku soo rogeen go’doomin diblomaasiyadeed ,iyagoo ku eedeynaya inay aad ugu dhow yihiin Iran,isla markaana ay ay taageerto kooxaha mayalka adagbalse Qdar weey beenisay eedahaasi.

Soo celinta xiriirka ee labada dal ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan dadaallo kale oo lagu xallinayo khilaafaadka gobolka, gaar ahaan heshiisiinta Iran iyo Sacuudi Carabiya.

 

Findland oo sheegtay in ay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa sheegay in ay dowladiisu ay diyaar u tahay in Soomaaliya laga cirib tiro khawaarijta, si nabad-gelyo looga sameeyo dalka Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah.

“Pekka Haavisto “Waxaan diyaar u nahay in la ciribtiro Khawaarijta, si nabad-geliyo looga sameeyo dalkaan Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah”.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdiiu ay qeyb ka tahay taageerada iyo tababaridda Ciidanka Soomaaliyeed iyo arrimaha xasilinta amniga, wuxuuna intaa ku daray inay muhiim tahay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo meelaha harsan in laga hirgeliyo adeegyo aas-aasi ah, sida wax barashada, caafimaadka iyo kuwo kale oo muhiim ah, waanan ka qeyb qaadan doonnaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin falalka burcadnimo ee khawaarijta u geysanayaan bulshada, dhaca hantida dadka, sida ganacsatada, kuwa muruqmaalka ah iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in door wacan ka qaadan doonaan olole kasta oo ka dhan ah falalka gurracan ee argagixisada ay ka dhex geysanayaan bulshada.

Dowladda oo mar kale ammar ku bixisay in aan hub culus lagu wadan karin Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan Caasimadda lagu dhax wadan karin hubka culculus.

Duqa Muqdisho oo adkaynaya ammar uu dhowaan ku bixiyay madaxweynaha JFS , Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inaan Caasimadda lagu dhex wadan karin gaadiid dagaal iyo hub culus toona ayuu mar kale ku baaqay in la dhaqan geliyo, wuxuuna intaa ku daray ciddii u hoggaansami weydo in laga qaadayo tallaabbada ku habboon.

“Maalin dhoweyd Madaxweynaha JFS wuxuu ku dhawaaqay inaan lagu dhex wadan karin gaadiidka hubeysan oo ay hubka culus saaran yihiin, sidaas si la mid ahna golaha Wasiirrada ay ku dhowaaqeen bishan lixdeedii, annagoo taasi tix raaceyno waxaan leennahy Gobolka Banaadir laguma dhex wadan karo Baabuurta noocaas ah, Ciidamada amniguna waad aragteen beryahahn aad ayay usoo taagan yihiin, waxayna diyaar u yihiin inay qabtaan, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, ku xigeennadooda iyo saraakiisha amnigaba faray inay dhaqan geliyaan ammarka dowladda ciddii ka hor timaaddana lala xisaabtami doono.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo New York kaga qeyb galay shir muhiim ah

New York- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay kulamada shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo ka socda magaalada Washignton ee dalka Maraykanka.

Ergeyga ayaa ka qaybgalay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen sidii ay codkooda ugu midayn lahaayeen, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aanada masiiriga ah ee hay’adaha maaliyadeed ee adduunka, ugana faa’iidaysan lahaayeen fursadaha cusub ee isbeddelka dunida.

Shirka waxaa guddoominayey ku xigeenka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Amina J Mohamed, doodo wax ku ool ah, dhaliilo togan iyo tabashooyin garawshiyo leh ayaa miiska la isgu keenay.

  

R/wasaare Xamse oo kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Caddaaladda iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgelayo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ku tagey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud warbixin la xiriirta dhammeystirka astuurka KMG ah, horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, hagaajinta iyo horumarinta sharciyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso, si loogu gudbiyo golaha wasiirrada iyo dardar-gelinta shaqada ka socota wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo in la-qabyo-tiro dastuurka KMG ah dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kormeeray Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud oo dhowaan ay howlgelisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay ahmiyadda ay u leedahay dalka xaruntani oo ka jawaabi doonta baahiyaha deg-degga ah ee dhanka caafimaadka ee la soo gudboonaada dalka.