Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Dowladdaha Soomaaliya iyo Seerbiya oo kawada hadlay xoojinta iyo iskaashiga adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta.

Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan sheekh” Xukuumaddu waxaa ay go’aan ku gaartay in la xakameeyo hubka lagu haysto Muqdisho, maxaa yeelay qofku inta uu arkayo gaari qoryo saaran yihiin oo Magaalada dhex ordaya amni ma dareemayo” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Masuul kasta ha watee gaarigii diida in la baaro halala dagaalamo waa amar, waana mamnuuc gaari Cabdi bile ah oo Magaaladaan dhex maraya”.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sida cadawga khawaarijta ay u hagardaamiyeen hormarka shacabka Soomaaliyeed waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Dalka Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo soo gaaray Magaalada Muqdisho .

Madaxweynaha iyo wafdigaasi ,waxa ay kulankoodii uga hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada ,gaar ahaan kuwa ku  saabsan arrimaha ay wadaagaan.

Finland waa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarka.

Wafdigaasi,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay ,Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse .

Wasiirka Arrimsha dibadda XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ka socday Dalka Finland

Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho .

Kulan kooban oo ay labada Wasiir ku yeesheen Garoonka ayaa waxay isku weydaarsadeen arrimmo la xiriiray xoojinta xiriirka saaxiibtino ee ka dhexeeya labada dal iyo horumarinta barnaamijyada wax ku oolka ah ee lagama maarmaanka u ah ama lagu saacidayo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa Wasiirka Finland uga warbixiyay halka ay marayaan dadaalada ku aadan Xaaladaha Beni’aadanimada, Abaaraha taagan, horumarka DFS ay ka waddo gudaha dalka iyo howlgalada ku wajahan kooxaha Atgagaxisada,

Soomaaliya oo loo doortay xilka hay’adda African Risk Capacity ee Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa loo doortay qabashadda xilka Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity oo Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha iyo Musiibooyinka.

Magacaabista xilka guddoonka hey’addaasi ayaa yimid xilli Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobinya uu ka socdo shirkii ay ka qeybgaleen 35 dal oo ku bohoobay hey’addaasi.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah oo ay soo xaadireen xubnnaha ururka African Risk Capacity (ARC),waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA Soomaaliya.

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika,waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisan yahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

 

Hey’adda MSF oo badbaadisay 440 muhaajiriin oo ay ku jireen Soomaali

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa biyaha caalamiga ah ee badda u dhow Malta ku badbaadiyay 440 tahriibayaal ah oo la socday doon kamid ah kuwa kaluumaysi .

Doontan ayaa waxaa la socday muwaadiniin u kala dhashay dalalka Masar, Syria, Pakistan, Bangladesh, Somalia iyo Sri Lanka, sida ay xaqiijieen wakaaladda wararka ee Reuters oo la hadlay haweeney ka tirsan hay’adda MSF.

Dadka tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in sabtidii la soo dhaafay ay ka soo ambabaxeen Dalka Liibiya,gaar ahaan deegaanka Binqaasi,waxaana kuwa la soo badbaadiyay ku jiray siddeed haween ah iyo 30 carruur ah .

Talyaanigu waxaa ku sii badanaya tahriibka badda ee ka imaanaya Waqooyiga Afrika, iyadoo in ka badan 28,000 ay sanadkaan yimaadeen, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,800 oo halkaasi gaaray 2022, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Daadadka ka jira Bariga Afrika oo hoos u dhigay rajadii dadka

Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa baabi’iyay guryo iyo xoolo ku noolaa miyiga Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay rajadii laga qabay in laga soo kabsado dhibaatadii gaajo ee ugu darneyd ee soo marta bariga Afrika muddo tobanaan sano ah,gaar ahaan sadexdii sano ee u dambeysay.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, daadad xooggan oo ku dguftay bariga Afrika ayaa dilay ugu yaraan 50 qof, waxayna ku qasbeen in ka badan 30,000 oo qoys inay guryahooda ka qaxaan, halka ay baabi’iyeen 21,000 oo hektar oo dalag ah iyo sidoo kale  dhimasho soo gaartay 10,000 oo xoolo ah .

mas’uul u hadlay Hey’adda Save the Children, ayaa yiri”Tani waa masiibo ku socota carruurta iyo qoysaska ku nool deegaannada Soomaaliya iyo Itoobiya ,kuwaas oo muddo saddex sano ku dhow sugaayry  roobab , markii ay da’eenna waxay qaadeen wixii yaraa ee ka haray dalaggii iyo xoolihii.

“Ma aha oo kaliya inaan u baahanahay inaan aragno maalgelinta caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatada gaajada , waxaan u baahanahay maalgelin ku saabsan adkeysiga muddada-dheer ee bulshooyinka cimilada u nugul sida kuwaan oo kale.

Save the Children waxa ay ka shaqaynaysay Soomaaliya ilaa 1951 waxana ay haysaa barnaamijyo la xiriira taageerada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo baahiyaha cuntada.

Sidoo kale Hay’adda Save The Children waxa ay ka shaqaynaysay Itoobiya in ka badan 60 sano iyada oo shaqadeedu ay diiradda saaraysay caafimaadka iyo nafaqeynta iyo sidoo kale gargaarka biyaha iyo nadaafadda iyo dhanka waxbarashada.

 Dhinaca kale,Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore ka digtay macaluul ku soo fool leh Soomaaliya oo wajaheysa abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah kadib shan xilli oo la waayey roobabkii la filayey iyo sidoo kale sare u kaca qiimaha cuntada iyo colaadaha ka jira deegaanada qaar.

Qiyaastii 345 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay soo food saartay cunto yari – in ka badan laba jibaar tiradii 2020 -kii sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaadtay madaxda hay’adaha DRC iyo IMC

Madaxweynaha dowladda gobolkeedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kula la qaatay
Wafi ka socday Hay’adaha Caalamiga ee DRC iyo IMC oo soo gaaray Jowhar.

Wafdigaan oo ay hoggaaminaayeen madaxda ugu sareyso hay’adaha DRC iyo IMC ayaa kulan kooda looga hadlay dardargalinta mashaariicda aay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan mashruuca Somali Crises and Recovery Project (SCRP) kaasoo aay kala shaqeeyaan Wasaarada Qorsheynta.

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa la wadaagay meesha uu marayo msharuuca SCRP iyo Hay’adda IMC oo kala shaqeysaa arrimaha caafimaadka Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle, iyagoo balanqaaday hay’adahaan Caalamiga ah in Dowladda goboleedka Hirshabeelle ay kala shaqeynayaan sidii loogu gurman lahaa dadka liita iyo xaaladaha fatahaadaha ee ka jira qeybo kamid ah deegaanada  Hirshabeelle.

   

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

Jaamacadda Qaahira oo bilaabaysa barashada Af-Soomaaliga

Xarunta barashada luqadaha Afrika ee hoos tagta Jaamacadda Qaahira ayaa sheegtay inay billaabeyso koorso lagu baranaayo luqadaha ugu waaweyn uguna faafintaanka badan Africa,Luqadaha lagu baran doono koorsadaaan ayaa kala ah Soomaaliga, Sawaaxiliga, Hausa, Amxaari iyo Fulani.

Jaamacadda ayaa intaas ku dartay in ujeedada laga leeyahay koorsadaan ay tahay in lo xoojiyo xiriirka iyo is fahanka Masar kala dhaxeeya dalalka Afrika ee ku hadla luqadahaan Guddoomiyaha Jaamacadda Qaahira Dr Maxamed Cismaan , ayaa sheegay in Jaamacaddu ku bixiso dadadaal badan arrimaha qaaradda Afrika si loo xoojiyo isku tiirsanaanta iyo isku soo dhawaanshaha Masar iyo dalalka Afrika.