Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa socda Dagaalka Wajigiisa 2-aad, kaasi oo ku wajahan dhameystirka goobo yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolka Galguduud iyo Mudug, iyadoo horey looga sifeeyay Dhammaanba Maamulka Hirshabeelle, islamarkaana u bilaabatay gaarsiinta adeegyadii lagamamaarmaanka u ah nolosha Dadweynaha ku dhaqan Deegaannaddii la xoreeyay, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan la gaarsiiyay Kaalmo gargaar cunto, Dawo, lana howgaliyay Isbitaalkii Degmadaasi iyo in loo xiray Nalalka Soolarka hadda Magaaladaaasi habeenkii waxaa ka baxaya Iftiin Leyrar ah, taasi oo aysan hore u arag.

Waxaa kaloo jira howl-gal lagu xaqiijinayo amniga deegaannadii horay looga saaray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka, waxaana dhowaan la qorsheynayaa in uu bilowdo wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi, waxaana meelaha ugu horreeya ee la filayo in uu ka dhaco ka mid ah galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo uu Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in ay ku jireen diyaar garowgii ugu dembeeyay ee dagaalka.

Haddaan ka hadalno Dagaaladdii ugu dambeeyay ee lala galo Kooxda Khawaarijta ah ayaa waxaa ka mid ah Degmada Galcad iyo Deegaannada ku dhow dhow waxayna Ciidanka xoogga dalka ay shalay Khawaarijta ka xoreeyeen Magaalada Galcad ee  gobalka Galgaduud, waxayna Ciidamada dhowr jiho ka galay magaalada, waxaana lagu sameeyay baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga, waxaana Ciidanku qarxiyeen Miino ay ku dhex qariyeen Guri ku yaalla Magaalada, wax khasaare ahna kama soo gaaroin cidna, sida Wariyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo ciidanka la soda ay soo sheeayaan in Khawaarijtu iskaga carartay Galcad oo muddooyinkii u dambeeyay ay isku aruursanayeen, waana magaalo muhiimad u leh isku socodka Deeganada ka tirsan Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Galguduud, iyadoo masuuliyiintii ka hadlay arrintaasi waxaa lka mid ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage wuxuuna Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay uga harsan yihiin dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka degmada Galcad, waxaana ay ka wada hadleen sidoo looga wada shaqeyn lahaa adkeynta Ammaanka & Ciribtirka Argagixisada waxaana loo caddeeyay in Dowladdu aysan marna ka bixi dooninin Deegaanada la xoreeyo, ayna ku kalsoonaadaan Dowladdooda, si loo soo gaarsiiyo Adeegyada ay Dadweynuhu u baahan yihiin, waxaa kaloo ka hadlay arrimahaasi Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid wuxuuna soo dhaweeyay guulaha Ciidamada Xoogga dalku ka gareen howlgalka wajiga labaad ee ka socda qeybo ka mid ah Galmudug.

“Gudaha Galcad iyo hareeraheeda ayay Mujaahidiinta Xoogga Dalku ka wadaan hawlgal weyn oo lagu raad-goobayo Khawaarijta, dhul ka badan 100KM oo ka tirsan bariga Galguduud iyo xadka Shabeelaha dhexe ayaa laga soo nadiifiyay”- sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiramaan Yuusuf Cadaala.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo khawaarijta looga sifaynayo ka sameeyay deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud, taasina waxay daba socotaa hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka Khawaarijta looga xoreynayo Gobolada Dalka waxana howlgalkaas uu ku socda si xowli ah, iyaado ilaa iyo hadda la xoreeyay Deegano badan oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, Wasiira Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay Dagaalka Wajiga 2-aad ayaa isna sidan yiri:- ” Hawlgalkan waxa uu kuwii hore uga duwan yahay waxa uu ku bilowday, kuna dhammaanayaa qorshe dhammaystiran”

Farriimo badan ayaa loo diray Dhallinyarada lagu dhameynayo Dagaalada ay u isticmaalaan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana tii ugu dambeysay u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda, iuasgoo xusay in dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa hadaladaasi ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta, waxaa kaloo jira in Ciidamo laga keenay Dalka Yugaandha uu shalay galab kula hadlay Xerada Hiilweyne oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana noo sharaxaya Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxa ay Ciidamaasi yihii iyo waxa ay qaban doonaan “Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaarayaan Furimaha dagaalka waxaa u dheer, in ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Muqdisho laga bilaabo maanta. Ciidamadaan oo qeyb ka ah CXDS  gaar ahaan kuwooda u tababaran Sida Booliiska ee loo yaqaano “Militairy police” ayaa waxay la shaqeyn doonaan Booliiska Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda..

Dhinaca kale waxaa jira marka ay kooxdu dareento ama la saaro awood Ciidan iyo mud dhaqaale waxaa soo if baxa in ay dhexdooda iska shakiyaan, faraha isku tag taagaan, kadibna uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maro, waxaana tusaale nooga filan Warar aan ka helnay Dadka Deegaanka Cows weyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa tibaaxaya in Kooxda Al shabaab ay Deegaanka Bido Ciise iskaga dilay 10 dagaalame halka Cosweyne oo habeen hore lagu xiray Odayaal ka tirsanaa Kooxda Khaaarijta ee Al-shabaab ah, kana soo jeeda Deegaanka Ceeldheer, islamarkaana  caan ka ahaa, waxaa kaloo jira in dhawaan ay isku fara saareen Degmada Jilib Hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah, waxayna iska dileen Maleeshiyaad badan, haddaba maxaa xiligaan Keenay Khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda?

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Horgalada Muhaajiriinta Kooxda Shababka iyo Horjooge ka tirsan Kooxdaan, kadib markii la weeraray Guri uu ku sugnaa Horgalka ugu sareeya Ajaaniibta, kaasoo ku yaal magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada, Ilo Wareedkaan ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Horjooge Mahad Qaley (Karatee), ayaa weeraray guri uu ku sugnaa Horgale Jaabiir oo ku yaala Suuqa Kaluunka ee Degmada Jilib, Horgalkaan ayaa ka soo jeeda Dalka Kenya, iyadoo is-rasaaseyntaani ay ku dhinteen 5-ka mid ah Maleeshiyaadka Shababka waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 8-kale oo uu ku jiro Horgale Jaabiir, arrintani ayaa waxaa sharaxaya Falanqeeye Degan Dalka Finland oo lagu magacaabo Ciise Xasan.

Falanqeeye Ciise Xasan waxa uu yiri “Xiisadaan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay kadib markii Unug ka tirsan kuwa Ajaaniibta ay ka soo qafaaleen degaanka Kamsuuma Horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ku beel ah Mahad Qaley isla markaasna madax ka ahaa Isbaarada Buundada waxaana la sheegay inuu socdo dadaalo xiisadaan lagu qaboojinaayo. Khilaafkasn ayaa ku soo beegmay xilli inta degaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyay inta dhimana lagu wado dhawaan in la bilaabo doono xoreynta wajiga 2-aad ee degaanada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalka”.

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 13-AAD)

Iridda markay ka baxday bay orod is xaabisay iyadoo baaddiye iyo meel cidla’ ah goobeysa. Waxay ogsoon tahay in hadday oroddo oooroddo ay ugu dambaysta magaalada ka bixi doonto waxay oroddaba siday filaysay noqotay, taasoy ban cidla ah u baxday.

Kaligeed maahee magaaladuba aad bay banaanka hareeraha ka xiga u isticmaashaa, guud ahaana musquluhu way ku yar yihiin. Markii roob da’o geedaha ama cawska magaalada dhinacyadeedu aad bay u baxaan una tanaadaan, jinidda iyo caafimaad xumada ka imanaysa laysma weydiiyo.

Maryan waxaysan meesha keensan inkastoo lagaga weyna inay guniga soo garan doonto iyo in kale, goor damboy ladan tahay ayay dib u soo laabatay iyadoysan sumad iyo tilmaan midna u kala lahayn magaaladu. Isku mid, midab, malluug iyo magac bay guryuhu u wada lahaayeen. Habowgii hore mid kala xigay oo Maryan mar kalay gacan u baahatay. Magaalada hareeraheeda dhurwaa iyo libaaxba waa laga helaa. Dhanay magaaladii ka abbaartay garan wayday. Wax kale iska daayo sinaba u garan mayso meelahay soo martay. Dhaxani may jirto kuleylse waa jiraa oo waa kaad cirku kacaansanaa. Daruura biyeysani waa buuxaan qaar ayuunba ka hillaacayaa.

Intuba inta ka dhaqso lehe, Maryan oo siddeeddii yaabban; meel bannaana taagan iyadoo is leh haddaad guryahan ku dhawaatid armaad dembi ka gashaa ayaa cirku soo gootay isagoo yalka, hillaaca iyo onkodka ama madkaraba-shaduu turayaa wax kale yihiin. Dhibicda kadhacaysa xooggeedu wuxuu wax yeelayaa dhagxantiyo cidda naf cidla u taaganna iskaba daayoo. Cirkii wuxuu da’ayey muddo dhowr saacadood ah isagoon kala go’ lahayn dabayl dhaxan beergooyo ah wadataana u dheer tahay.

Maryan iyadoo dhibicdiina dusheeda ku tagtay dhaxantiina ku cashaysay walowba ay weli dhacayso ayay qabow galay iyo iyadoo awalba aad u itaal darrayd darteed waxay bilowday inay kalyaha ka booddo, ilkeheeduna sidii dawaar qof toli yaqannaa shubayo u ciyaan afka iyo sankana duuf iyo dhareer ka shubto. May garan guryahay gabbaadso oo wayba ka baqday. Way togantey oo sidii gurma go’an kol hore qallaley waxay ku qodbanaatay goobtay caawoo dhan taagneyd.

Magaaladu way huruddaa, dadyow inta gurigu ku darrooray ama biya u soo galeenoo iska asturaya mooyaane.

Odaygii iyo afadiisii baa markii dabaysha xoogga lihi dhacaysay waxay dareerneen irridda furanee is garaacaysa. Afadii baa inta soo kacday aragtay irridda. Way fahantay in yartii maqan tahay waxa furayna ayan tuuga ahayne iyadii baxday tahay. Waxay ka gaabsatay inay ninkeeda u sheegto iyadoo is lahayd wuu daallan yahaye waxba ha dhibin darteed.

Maryan iyadoo sidii u leeleesan goobtiina taagan ayaa waagii dusheeda ka beryey wadaaddadii addimayey ayay mooddey dad isu qayshanayee iyada baadi goobaya. Waagii bariyoolIa soo wada dardareer. Dadka meelaha marmarayey way arkayeen Maryan waxayse u hasteen inan yaroo dab iyo wax la mida dooneysa. Mar dambaa naag dhawr kol taagnida Maryan isha ku dhufatay gurigeeduna meesha yahay yare shakiday oy istiri qofka maxaa meesha ku dhidbay. Haddaba way la ahaan weyday inay inta u timaaddo wax weydiiso.

Maryanna meeshii ka dhaqaaqi weydey oo wayba togtogantay mabana dhaqaaqi karayso ilaa ama la qaado ama la diiriyo, naagtii aragtayna u iman weydey. Dadyow kalaa iyana arkay qofkan meesha ku dhidbane aan dhaqaaqayn.

Mar danbe, inkastoon weli lays weydiin ayaa naagtii dadka u hor aragtay intay soo dhaqaaqday Maryan u timid. Intay isa soo agtaagtay bay tiri, “Haye gabadha,bal iska warran, xanuun miyaa ku haya?’

Maryan in yaroy indhaha wax ka eegayso mooyaane dhaqaaq iyo hadalba waa deysay. Naagtii baa waxay aragtay in qofta lahayo si kastaba ha loo hayee. Aragtay inay tahay qof baadiye ka yimid; weliba mid fog oo dharkay qabtiyo saansaankeedaa laga garanayaa. Naagtii intay yare naxariiso is tiri bay damacday gacanta qaboo inta meel fariisisid wax ku qabo. Ay qabatayba waxay dareentay siday u qabowdahay una dhaxamaysan tahay. Intay isku duubtay bay u garab gashay dhankii gurigeedii. Meel bay inta fariisisay shaah kulul faraha ka saartay.

Maryan oo gacmeheedu dhaqaaq gab ku dhow yihiin xanuun dheeraadna ka tirsanaysa ayey fadhigii la fariisiyey shaahii qabso maagtay markaasuu ka fara baxay. Aad buu ukululaa, kubabka iyo caguhuna kaga daatay, markaasey wax dareentay. Naagtii ayaa inta aad u naxday waxay la soo carartay sonkor iyadoo meeshii shaahu kaga daatay ka marmarinaysa. Awal bay nabarro iyo xagtimo tiro badan meeshaas ku lahaydoo dhaawaceedu ma yarayn.

Mar labaad baa shah loo soo shubay oolooma sii deyne inta loo qabtay la cabsiiyay. Waxaa kaloo agteeda la soo dhigay burjikadii reerku quraacda ku karsanayey si loo kulaalsiiyo dhiigguna ugu diirsamo. Waxaa yaab lahaa duufka sanka ka da’ayey badnaantiisa iyo sidii qabowgu ugu tagaye ay u gariireysay. Mudday qaadatay nolol ku soo celinteedu, inkasta oo wax nolol la moodey ku soo noqotay. waxaa dhacday inay humbuluuluqday hurgunna asiibay. Waxaa taa ugu wacnaa iyadoo oogadeedu aad u wasakh badnaydoo ayan muddaba qubeysan laga baayee dhalatayoo in ayan Maryan roob mar uun ku daa mooyaane ayan qubeysanin iyadoo jirkeedu tabar gabay, iyo weliba nabarro iyo dhaawac horoo qarfadii iyo oodday soo jibaaxday gaarsiiyeen qabtay.

‘Alla tani mid nool ma aha way dhimane yaa u dadoo aan la doonaa’” Afadii soo qaadday baa tiri’

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 36-AAD)

“Waxaad i tiraahdaa waxaa jirta qof aan sariirta u baahnayn oo malaa’ig ah!”

“Waa loo wada baahan yahay, laakiin waxaan ku iri waxaa lagu socdaa waqti iyo qorshe, waana taas midda dadku xoolaha uga duwan yahay. Baahidaada degdegga ah oo keliya hadday ku hoggaamiso, ee aad noqotid maalin-la-nool calooshi-la-ciyaar ah, markaas waxaad la mid tahay xoolaha.”

“Haah. Markaad wacdiga ii geli jirtay baa la soo gaaray. Shiikhow waxaan ku waydiiyey, hal masalo iga jaahilbixi, adigaa cilmi Eebbe ku baraye: Nin iyo naag maxaa isu keena, sow in ay isku raaxaystaan ma aha?”

“Xitaa taada haddaan kuu raaco, ee xiriirka ragga iyo dumarka dhanka isku raaxaysiga keliya ka eegno, raaxadu kuma koobna sariirta dusheeda. Siyaalo badan oo kala gaddisan baa lagu gaaraa.

Waxay ku xiran tahay marba labada qof xiriirkoodu inta uu qota le’eg yahay iyo dareenka isku xirayaa nooca uu yahay. Waxaa laga yaabaa gabadhii galabta i ag fadhiday, raaxada aan ag fadhigeedaas iyo la sheekaysigeeda ka helaayo in aadan ka helin intii

gabdhood ee aad waligaa sariir ku midowdeen oo la isku wada daray.”

“Micnaha waxaad leedahay gabadhaa, waan jeclahay, adiguse weligaa wax ma jeclaan, sow ma aha?”

“Adigu in aad weligaa wax jeclaatay iyo in kale adigaa iiga xog ogaalsan, laakiinse anigu qoftaas waan jeclahay.”

Intuu qoslay buu kajankiisii sii watay, ee yiri, “Oo shiikhow kitaabku ma wuxuu dhigayaa gabadha aad jeceshahay sariirta waa laga dheereeyaa?”

Intuu aad u sii qoslay, baabuurkiina joojiyey, buu yiri, isagoo Axmed garabka ka dharbaaxaya, “Waah, waah, waxaasaa jaceyl ah! Eeysh calaa cashqaan! Illayn ninku waa nin cishqi dilooday, wax dabiibtana waayey! Hoheey jacaylow, kii Qays jicsintow, Cilmina waran ku jiidow, maxaad yarka nooga jiirtay!”

“Ma rumaysnid miyaa in Qays iyo Cilmi jacayl u dhinteen?” Axmed oo aan saaxiibki qosolkiisii badnaa kala qayb gelin, jacaylka uu ku jeesjeesayana aad uga xun baa su’aashaas waydiiyey.

“Taas waxaan rumaysanayaa marka aan rumaysto in adduunku yahay ukun dibi geeskii saaran, dibigana mukulaali sanka uga jirto, marka mukulaashu nuux-nuuxsatana dibigu madaxa gilgili doono, duniduna halkaas ku burburin doonto!”

“Kula yaabi maayo, qudhaydu jacaylka intii aan dabayshiisu i soo gaarin, ee aan sidaada maalin-la- noolka ahaa waxaan u haystay wax afka uun laga sheego sida khuraafaadkii aad hadda sheegaysay.”

“Waryaa ma anigaan jacayl i soo marin! Eey! Raalli ahow duqa! Aniga jacayl iguma gaari kartid. Habeen aanan gabar jaclaan ma jiro. Tii aan la qayilayo, shardi waa in aan caashaqaa. Miyaadan maqlayn habeenkii aan gurigaaga ku qayilayey wixii jacayl iga baxayey? Xaggee baad jirtay markii aan gabadhii ila qayilaysey ku lahaa, ‘Xabiibi macaaneey, xayaatadii naftaydaay, xubbigaagaan la taahayaaye, xabadka i soo saar, xanuunka aan ka raystee!’ Markay ii soo gurmataye aannu cabbaar isla gabaara gaddoonayna, xisaabtii jacaylka halkaasay noogu xirantay. Habeen kasta sidaasaan tii markaas ila joogta xabiibi iyo xayaati isugu jiibinnaa, ee jacaylka u darandoorinnaa.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada Xoogga Dalka oo bur buriyay fariisimo iyo godod ay Khawaarijtu ku dhuumaleysan jirtay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay Khawaarijta ku baacsanayaan ka wada degaanno dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali ayaa ka mid ah saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaamineysa howlgalkaas.

Ciidanka ayaa gaaray deegaannada Dhagaxyaale,Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay ay isaga carareen, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Khawaarijtu ka qodatay deegaannadaas.

     

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kuuba

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay muhiimadda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalka Kuuba iyo booqashadii uu dalka ku yimid Wasiirka arrimaha dibadda Finland.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamc ayaa ku sheegay wareysigiisa in labada waddan ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan.

“ 1977,dii waa waqti hore, hadda waxaynu joognaa 2023,intii u dhaxeysay caalamka wax fara badan ayaa iska bedelay, inagoo kale, dowlad qubad leh oo xoog leh la ciseeyo ayaynu ahayn, Dowladdeynii waa duntay, haddana cidla ayaynu wax ka soo abuurnay, dowlad ayaan maanta haysanaa, caalamka waa isu guur guuray, waad ogtahay Yurub waa qeybsaneyd, waa midoowday, waxay noqotay hadda Midowga Yurub bey sameysay, 27-wadan baa is doontay oo sameystay urur, xilligaas waxaa jiray Jarmalka oo qeybsanaa wuu midoowbay,” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay ku shaqeeyaan siyaasad ah inaan Soomaaliya wax cadow ah yeelan, saaxibo badana yeelato, taas oo kor u qaadeysa horumarka iyo diblomaasiyadda dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa ka hadlay ujeedka booqasho uu Muqdisho ku yimid wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Pekka Haavisto.

Dowladaha Soomaaliya iyo Finland ayaa iska kaashanaya arrimaha la xiriira amniga, howlgalka ATMIS, Waxbarashada, caafimaadka iyo in ay gacan weyn ka geystaan Barnaamijka la xiriira isbedelka Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo soo gaaray Magaalada Muqdisho .

XILKU WAA AMMAANO.

dalkeena waxaa si joogto ah uga dhaca is badallo dhanka maamulka ah oo 4-tii sanoba mar ah, kol kolna soo deg dega oo si lama filaan ah u yimaada, kuwaa soo saameeya dhammaan madaxda qeybaha kala duwan ee waaxyaha dowladda sida madaxweynaha, xil-dhibaanada, golaha wasiirada, danjireyaasha, gudoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka, taliyaasha ciidamada, iyo agaasimeyaasha.

Is waydaarinta xilalka qeyb ahaan waxaa loo maraa hanaan magacaabis ah oo ay madaxda sare ee dalku awood buuxda u leeyihiin, qaar kale oo fara ku tiris ihina waxay ku yimaadiin hab-doorasho hufnaanteeda iyo daah-furnaanteedu aanay dhaliil ka marnayn oo ay cod-bixiyaasheedu aad u kooban yihiin, loolan adagina aanu ku jirin oo qofka ku soo bixi doona la sii saadaalin karo.

Xilliyada kala guurka loo yaqaan oo ah kolka ay qolo ammin-hugaamineedkoodu gabangabo tahay, koox kalena ay hanashada caynaanka xusul-duub ugu jiraan ayay dad badani ka mid noqashada goleyaasha maamul u tafa-xaytaan oo dadaal tab iyo xeelad walba ku gaashaaman ku bixiyaan.

In kastoo aanay yoolalku boqolkiiba boqol si ay doonayaan ugu wada hir-gelin, haddana qaar baa guulaysta oo waaxyo danta guud iyo adeegga dadweynaha laf-dhabar u ah loo magacaabaa, xaafiisyo diyaarsan iyo howl-wadeenno darbanna hormuud looga dhigaa.

Dadku isku baxaalli iyo garasho ma ehee qaar baa meelaha loo dhiibo wax ku soo kordhiya oo durbadiiba billaaba dardar-gelin, hal-abuurid, hagaajin, kormeer joogto ah iyo warqab maalinle ah oo ay ugu kuur galayaan qof kasta oo xarumaha ayaga hoos taga ka tirsan bed-qabkiisa, waxa uu qabto, qalabka uu ku shaqeeyo, iyo guud ahaan qaab ay howlaha waaxdu u socdaan.

Sidoo kale waxay xooga saaraan dayac-tirka dhismayaasha, agabka, iyo xaq-siinta hawl-wadeenada jaad walba leh ee foog iyo fiidba u taagan sidii ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegi lahaayeen, una babac dhigay halista baaxadda leh ee kaga imaanaysa kooxaha taabidda danta gaar ah u tafa-xaydan.

Kuwaasi waa dar ay ku dhaqanka dawga toosan ee diinta iyo damiirku hageene, waxaa ayaguna jira qaar aan waxa loo igmaday iyo  culayska xilkaba ka daman oo keliya diiradda saara sidii ay intay meesha joogaan nolol uga abuurtaan oo ay dhaqaalaha iyo dhuunigu bartilmaameedka koobaad u yihiin, danta guud iyo hormarinta laanta maamul ee uu ku magaacan yahayna aan dooc iyo dareen toona u lahayn.

Kaa soo kale waxaa xilligu ka dhammaadaa asagoo aan wax-qabad muuqda, magac iyo muunad madaxtinimo toona  kororsan, habaar iyo halgaado dhaceelo iyo guul-darrooyin ku galaysanina ay dul hoganayaan oo aan haba yaraatee bulshada ammaan ku dhex lahayn, gabood-falyo iyo eedo ciida iyo camaarka ka badanna laga tirsanayo.

Intaa waxaa u dheer wacdaro iyo hoog howkar badan leh oo dharaarta qiyaame sugaya, iyo weydiimo aanu sinaba kaga baxsan doonin oo ammaanadii uu dhowri waayay iyo xatooyadii uu ku kacay ku qotoma oo aayan-darro iyo aayo-xumo u horseedi doona sida qur’aanka iyo axadiista suubanaha “NNK” ku cad.

Haddaba waxaa  la gudboon qof kastoo xil haya ama loo igmaday ku howlan inuu danta guud wax walba ka hor-mariyo, oo uu ka fogaado gabood-fallada, eexda, xatooyada, iyo dayacaadda howsha uu u xilsaaran yahay oo uu sii ambaqaado adeegyada socda iyo hal-abuurka wax cusub xoogga saaro.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

ISKA XOREENTA KOOXAHA ARGAGIXISO EE NABAD DIIDKA AH

Gobolada dalka Soomaaliya waxaa Ka curtay guluf colaadeed oo la iskaga xoreeynaayo kooxaha diidka ah oo bulshada Soomaliyeed ay u geestaan dhibaatooyinka aad u arxan daran oo wuxuushnimo ah taasi oo sababtay in bulshadii ay kacdoon sameeyaan sida ay iskaga soo afjari lahaayeen kooxaha argagiso ee dhibka ku haaya bulshada Soomaliyeed.

Kooxahan xagjirka ah ee Alshabaab ayaa tacadiyo aad u xuxun bulshada Soomaliyeed u geesteen 14kii sano ee lasoo dhaafay ayaga oo aan u aabayeeleenin Caruur, dhalinyaro oo ah ubixii wadanka, waayeelo aqoonyahano iyo waxgarat ay Ku haayaan gumaad joogta ah oo ay Ku gumaadayaan Qaraxyo aan loomeeldayin lala beegsado dadka rayidka ah ee aan waxbo galabsanin, dilal qorsheesan oo ay fuliyaan ayna Ku doonayaan cabsi galin lagu sameenaayo bulshada Soomaliyeed sidoo kalena lacago baad ah Dadka laga qaado , sako baad ah Dadka laga qaado, Ceelashooda laduugo haldoorkooda la laayo taasina waxa ay dhashay in bulshadii ay heeryqamaha Iska tuureen sida ay iskaga kicin lahaayeen cadowgan aan waxba hambeyneyn.

Gobolka Hiiraan waa goobta ay kabilaabatay kacdoonka la iskaga celinaayo kooxaha argagiso ee Alshabaab Kuwaas oo xasuuqay shacab Ku safraayey Gobolka Hiiraan dadka laxasuuqay waxaa Ku jiray Caruur gaaraayo ilaa todobo Caruur ah Kuwaas oo ladilay sidoo kale Ceelashii ayey dadka Ka duugeen taasi ayaa qasabtay in shacabka Reer Hiiraan ay Iska dhicyaan Cadowga ayna kaqabsadeen goobo badan oo ay Ka heesteen Gobolka Hiiraan waxaana gacanta Ku dhigay Macawisley oo ah dadka deegaanka oo Ka cay iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo garab siinaayo shacabka Gobolka Hiiraan.

Kacdoonkaas waxa ay dhashay in Gobalada dalka ay sameeyaan kacdoon Ka dhan ah kooxaha argagixiso sida Maamulka Galmudug oo ay kasocdaan kacdoonka, maamulka Koonfur galbeed ayaa iyana kacdoonka kasocdaa iyo maamulka Jubland gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa iyana kasocdaa kacdoonka Kuwaas oo dadaal xoogan ugu Jira sida ay dhibaatada Cadowga ay iskaga qaadi lahaayeen.

Dhiiragalin shacabka Soomaaliyeed EE kacay sida ay iskaga celin lahaayeen cadowga arxanka daran waxaan Ku dhiira galinyaa in ay joogteeyaan weerarada ay Ku hayaan argagixisada oo ay siilaba jibaaraan sidoo kalena waa in kooxda bulshadooda ay u dhimriyaan oo ay Kala hadlaan dhagarta cadowga sida ay oga feejiganaan lahaayeen oo baraarug lasiiyaa si ay ugu dhiiradaan in ay cadowga sheegaan meelkasta oo ay Ku arkaan.

Ugu danbeeyey dowladda waxaa looga baahan yahay taakuleen joogta ah iyo garab istaag dhan caafimaad, dhanka saadka iyo dhanka shidaalka iyo Raashinka.

Dalka Edatorial

GANACSATADA QAAR OO QEYB KA AH DIL SHACABKA SOOMAALIYEED

Diinteena Suubban Ganacsiga waxey ku tilmaamtay inuu yahay sida Ribada oo kale balse Alle wuxuu xalaaleeyay Ganacsiga isagoona Xarrimay Ribada.

Ganacsigu waa bixinta adeeg ama gadidda Badeeco taas oo uu qofku kaga raadsado faa’iido.

Haddaba qormadeenan waxaan ku jeex jeexaynaa Burburkii kadib markii la waayay kaalintii Dowladda ee ahayd ilaalinta Badqabka Badeecadda la soo galinayo dalka iyo midda loo iib geynayo dalka dibadiisa waxaa soo if baxay Ganacsato kaliya ay u caddahay faa’iido taas oo markii danbe kaliftay in dalal shisheeye laga keeno daawooyin dhacay, Raashin dhacay balse taariikhda laga badalay iyo daawo tayadeedu aad u hooseyso oo aan wax tari u lahayn Bukaanka loo qoray iyadoo laga raadinayo Faa’iido xad dhaaf ah iyagoo dhinaca kale dhib weyn u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan ee la daalaa dhacaya nolasha.

Ganacsatadan waxey iska indha saabeen isla xisaabtanka Rabbi ee maalinta Qiyaamaha ee qof walba illaa afar (4) su’aalood laga waydiinaayo uusan ka hor dhaqaaqi doonin banka Qiyaamaha ee Alle hortiisa ah. Su’aalahaas waxaa ka mid ah in qofka la weydiin doono “Hantidiisa siduu ku kasbatay ama ku soo shaqeysatay iyo sida uu ku bixiyay.” Alle wuxuu weydiinayaa Addoonkiisa isaga oo og oo aan waxba ka qarsooneyn waxa ka dhacayay Konkan, waana hubaal in ciqaabta Rabbi uu muteysan doono qofkii hantidiisa si khaldan ku tabcaday ama meel khaldan ku bixiya oo uusan Rabbi raali ka ahayn. Waxaana suurtagal ah in ciqaabta uu Alle u soo dadajiyo oo uu dunida korkeeda lagu ciqaabo.

Meeshaas waxaa kaaga cad in hantida sidaad ku heshay iyo meesha aad ku bixisay intaba ay ka danbeyso xisaab aan laga gudbi karin ee dadoow Arsaaqaddiina wanaajista.

Cilmi baaris la sameeyay arrintan ayaa xusaysa in dadka u dhinta Daawada khaldan ay ka badan yihiin inta cudurrada caadiga ah u dhinta, waxaana sabab u ah Ganacsadaha dalka soo galiyay daawada dhacday, Raashinka dhacay iyo midda ay tayadeedu liidato.

Wiil aan Habra wadaag nahay oo dalka Hindiya wax ku soo bartay ayaa iiga warray sheeko aan aad uga naxay oo dhex martay isaga iyo Ganacsade Soomaaliyeed oo rabay turjumaan:

Ganacsade: Asc adeer? Ma taqaan Afka Hindida?

Turjumaan: Haa adeer. Maxaan kaa caawiyaa?

Ganacsade: waxaan rabaa inaad ii raacdid Warshadda Daawada oo aad inoo kala turjumto   aniga iyo kuwo maamulka Warshadda, adigana khidmaddaada waan ku siin.

Turjumaan: haye, diyaar baan ahay.

Ganacsade: Waxaad u sheegtaa liiskan Daawada ku qoran inuu hayo

Maamulka: waan haynaa ee cadad intee la’eg ayaad rabtaa?

Ganacsade: Horta, fahansi sida aan wax u rabo oo u sheeg tiro aad u badan oo daawadaas oo mid dhacday ah iyo tiro aad u badan oo daawo tayadeedu ka hooseyso midda kor kaga koran inaan rabo u sheeg.

Turjumaan: Acuudka! adeer maxey tahay waxaad sheegaysid?! Alle ka baq!!!

Ganacsade: Adeer waligeen baan sidan ku qaadan jirnay ee u sheeg ninka

Turjumaan: Adeer anigu diyaar uma ihi wax sharci darro ah inaan kaala shaqeeyo oo khiyaano ah. Adduun iyo Aakhiro midna kuma liibaanaysid ee qof kale raadso.

Koley, ganacsadahan hawshuu u socday way caddahay qof caado qaata ahna ma waayayo haddii uu wiilkan iska diiday haseyeeshee arrintan waxey soo if baxday oo ay bulshadu ku baraarugtay ama ogaatay tobankii sanno ee ugu danbeysay inaysan Daawo qudhaata ahayn ee ay ku jiraan Raashin dhacay sida Burka iyo Bariiska … iwn. Waxaana caddeyn u ah bariis caag ah oo muddo laga gadayay Bulshada iyo Bur dhacay oo dhagax isku badday inay Ganacsatada qaar keenaan dalka kadibna intay rag u diraan la burburiyo oo dib loogu cabbeeyo jawaanno cusub.

Tani waxey sababtay cudurro aan dalka lagu arki jirin inay ku dhacaan dad badan oo ay la il daran yihiin Gobolkasta oo dalka ka mid ah.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan inay jiraan ganacsato aad u ammaanan oo xalaal miirato ah oo keena dalka wax tayo leh balse qaali ah oo aysan gadan karin dan yarta ah balse aad loo ammaanay waxtarka daawada iyo badeecadaha kale ee ay keenaan.

Haddaba, Dowladda oo ku baraarugtay dhibta iyo Aafada ka dhalay Daawooyinka iyo Raashinka dhacay ayaa dib u yagleeshay Hay’addii Tayo Dhowrka Soomaaliyeed taas oo u xil saaran inay ilaaliso tayada Badeecadaha dalka la soo galinaayo iyo kuwa laga dhoofinaayo ee dalka dibaddiisa loo iib geynaayo ama loo diraayo.

Waxaan ku rajo weyn nahay in dowladnimadeeno xoogeysato oo gacan bir ah ku qabato muwaadiniinta sida khaldan wax uga faa’iida iyo kuwa ku gacan siiya falalka gurracan.

Dalladda ay ku mideysan yihiin Ganacsataduna waxaan leeyahay inta idin suncad xumeynaysa iska qabta ama dowladda u far muuqa si loo badbaadiyo dadka iyo dalka intaba.

Gabagabadii, taladayda ku aaddan Ganacsatada sida khaldan wax u rabta waxaan leeyahay Arsaaqad kuu keenta Curro aan daawo lahay, caruurta oo caasi kaa noqda iyo Cadaabta Rabbi waxaa kaaga kheyr badan wax yar oo xalaal ah inaad ku koobnaatid oo aad Alle u towbad keentid, weydiisatidna Arsaaqad Xalaal ah oo ballaaran oo aad sadaqo kala bixi kartid kana Xajiyi kartid taas oo kuu horseedi karta inaad Adduun iyo Aakhiro intaba ku Liibaantid.

WQ: ABU CIMAADUDIIN

DHEELMADKA IYO GAADMADA KHAWAARIIJTA MIYAAN WAX LAGA BARANEYN?

Khawaariijta oo dhan ayaa dagaalkoodu yahay gaadmo iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq, ma ahan kuwo ku fiican dagaalka muwaajahada ah ama fool ka foolka ah.

Waa dad dhagar badan oo isku dhex qariya bulshada dhexdeeda isla markaana og Meesha aad ka jilcan tahay waayo xuuraankooda ayaa ku dhex jira dadka ay doonayaan inay weeraraan, haddaad aragto meel ay khawaariijtu ku soo nonoqotayna waa xaqiiqo in goobtaasi u u ku sugan yahay qof iyaga la shaqeeya oo u soo dusiya xogta ka jirta meeshaas.

Marka ciidankeennu waa inay mar waliba ka foojignaadaan dhagarta iyo diban daabyada kooxda khawaariijta ay la damacsan yihiin.

Ciidammada markaad fiiriso kuma dhaqmaan shuruucda milliteriga waayo milliteriga markuu meel dego xilliguna waya waqti dagaal waxaa loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciyadda xilliga dagaalka iyadoo la muujinayo feejignaan dheeri ah ciidanka markuu meel dego waa inuu ogyahay waxa dhici kara iyo gaadmo kasta oo ku iman karta, waa in la sameeyaa dhowr wax yaalood oo muhiim ah sida:

1-In ciidankeenu joogteeyo sahanka iyo xuuraanta laga heli karo cadowga

2-In la xoojiyo waardiyaha iyadoo saacado leysku beddelayo, si mar walba uu waardiyuhu u noqdo mid firfircoon, waaridyaha ka degaya shaqada waa inuu kaambo boostaha ku wareejiyaa hadduu wax arkay haduu wax dareemayba shakina jiro.

3-In sahanka uu joogto ahaado si ay usoo ogaadaan inta uu cadowgu u jiro iyo xaaladda uu ku sugan yahay cadowgu.

4-In Ciidankaasi yahay mid isku filan tiro iyo tayaba hubkoodana u dhan yahay

5-Darawalka gaariga tiknikada ah ama beebaha waa in lagula xisaabtamaa darawalka si uusan cadowgu u qaadan darawalka ku qoran gaarigaasi waa inuu ahaadaa mid foojigan isla markaana diyaar u yahay goor walba ama saacad walba dagaal.

Darawalka waa in uu ogaadaa xaaladda gaarigiisa ku sugan yahay haddey cillad jirtana sida ugu dhaqsiyaha badan waa in loo hagaajiyaa, waa in gaarigiisa uu san cadow ka qaadan waxaana fiicanba darawalku in uu ku dhex jiro gaarigiisa had iyo jeer.

Taliye kasta oo mas’uul ah waa in lala xisaabtamo ka soo billow kaabo unug, kaabo koox, kobo horin ilaa iyo taliye urur ilaa iyo midka ugu sarreeya ee ciidanka guud ahaan wata ee ka mas’uulka ah, sideey ku dhacday sow lama joogo goob dagaal xilliguna sow maahan xilli dagaal sidee loo dhagri karaa taliye dhan oo lagu aaminay masiirka ciidanka xilli dagaal.

Waa in lala xisaabtamaa xisaabtan adag oo aad u daran qof allaaliyo qofkii dayaca mas’uuliyaddiisa ciidannimo kii bixiyana sirta ciidanka waa in lala tiigsadaa sharciga milliteriga waana qaacin waddan.

khawaariijtu iskama weeraraan meel aysan xog buuxda ka helin, haddaba kan bixinaya sirta ciidana waa in laga dhex goobaa ciidanka ama duleedka Meesha ciidanku degay intaas unbaa bixin karta oo sheegi karta waxa Meesha ama xerada ka socda.

Taasi ciidankeennu waa in uu ka foojignaado khayaanada iyo dhagarta dheelmadka ah ee soo noqnoqtay waxay soomaalidu tiraahdaa Mar I dage Allaha dago Mar labaad I dage Anays dagay, laakiin aniga waxaan u arkaa inay tahay duqonnimo aad u weyn in meeshii shalay lagaa qaniinay in maanta iyo mar walba lagaa qaniino ama waxay noqon kartaa in Meesha ay ku jiraan kuwa fashilinaya xogtana bixinaya oo argagixisada la shaqeeya oo la qaraabta .

Hadal iyo dhammaantiisa maahan sidii xayaawaan in mar walba aad tiraahdo waa ley gaaday war intii adiga lagu gaadayo maxaad qabaneysay ileen meeshu waa meel furin ahee ma waxaa jira waxaan dagaal ahayn oo aad Meesha u timid, war iska daaya sida aad ku socotaan bulshada ayaa idinla yaaban waxayna idin leeyihiin halaga daayo askarta qaadka u keenaya inay dhafraan.

Askariga waa inuu xaadir ku yahay xerada ama goobta dagaalka, istambeydana lagu adkeeyaa markaasi haddey taagan tahay xaalad dagaal askarigu waa in uusan is dhigan tuutahana iska siibin waa inay jirto foojignaan dheeraad ah intaas ka dib waad ku guuleeysan kartaan in aad dhinaca dhulka u dhigtaan khawaariijta gaadmo ku noolka ah.

Dalka Edatorial

 

COLAADAHA IYO NOLOSHA QOYSASKA DAN YARTA AH.

Goobaha ay ka dhacaan dagaalada waxay galaaftaan nolosha deegaanka waxay joojiyaan ganacsiga, waxbarashadda iyo adeegyada caafimaadka.

Dhammaan bulshada isku si ayuu u saameeyaa, haddane waxaa jirto reero danyar ah oo aanan la taag ahayn reeraha ladanka ah, kuwaasoo aanan awoodin waxyaabaha aas-aasiga ah oo nolosha lagama maarmaan u ah.

Hooyooyin, carruur iyo waayeelka ayaa la il darnaado bakaca iyo nolosha deegaanada ay nabadgelyada u raadsadaan, guryahoodi ayey ka guuraan, waxayna door bidaan in ay buushash iyo guryo cooshado ka sameynsan ay dhistaan, waxay waayaan biyo, cunto, caafimaad iyo waxbarasho.

Waxaa xirmo wada noolaanshiyaha dadka oo markii hore isku dhex noolaa, waxaa la waayaa shaqooyinkii nolosha lagu dabiri jiray oo ay waayi taankeeda sabab u tahay colaadka iyo khilaafaadka soo kala dhex galay dadkii wada noolaa.

Colaada ayaa keenta in ay dhacdo furiin taasoo sababteeda ay lahaan karto in ay lamaanaha ay kasoo kala jeedaan laba reerood ee colaada ka dhex aloonsantahay.

Miciishada ayaa hawada isku shareerta, iyadoo ay ganacsatada ay kaga faa’ideystaan oo ay lacag ka macaashaan inta ay colaada jirto.

Sidoo kale waxaa hakad ku yimaadaa dalagyada ay beeran jireen qoysaska danyarta ah.

Waxaa jiro maahmaahyo badan oo ku saabsan colaada, waxaana ka midda nabad ayaa naas la nuugo leh, colaad wiil kuma dhashee mid nool bey dishaa, iyo kuwa kaloo badan.

In nabad lagu wada degnaado ayaa wax walba ka muhiimsan, oo ay reeraha is dhexgalaan badhaadhe lagu wada joogo.

Colaada ayaa badanaa keenta saboolnimada sida ah sheegeen cilmi baarayaasha aduunka, waxayna sababtaa sicir barar, nabaad guur iyo cuduro ba’an.

Nabad la’aan waa nolol la’aan, noloshana waxay ku xirantahay xasilooni waarta, bey’ada colaada waxay ka dhigtaa meel aanan lagu soo hirankarin oo lama deggeen ah, waxaana tusaale inoogu filan goobaha lagu dagaalamay oo laga guuray, taasoo ah cid ceyrsila dad, duunyo iyo dugaagba ka hayaameen.

Dadka qaar ayaa ku waaya calooda  dad ehelkooda ah, halka kuwa kala ay ku dhaawacmaan oo ay ku waayaan xubno jirkooda ah oo u naafoowa.

30’kii sano ee ugu dambeysay dalalka dhaca geeska Afrika oo ay ka midyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeyo iyo mid argagaxiso, sameynta ugu ballaaran waxay soo gaartay dadka ay noloshooda hooseysa.

Waxaa gaboodfalo ka dhasha dagaalada kuwasoo isugu jira kufsi, jir-dil, dhac iyo xabsi.

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigrey waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeyey muumulka TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya, dagaalkaasi wuxuu halakeeyey boqolaal kun oo ah dadka dan yarta ah oo ka barakacay guryahooda qaarkoodna ay ku naf waayeen, halka kuwa kalana ay ku hanti beeleen.

WQ: C/wali Daljir