Masagawaa magaalo caan ku ahayd fidinta Diinta islaamka

Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay dhibaatooyinka ay u geystay bulshada Soomaaliyeed kuma eka oo qura dilalka,boob iyo dhaqan doorinta ee waxay sidoo kale burburiyeen goobihii cibaadadda lagu baran jiray sidoo kale waxay goobo qashin qub u beddeleen qaar ka mid ah masaajidada deegaanaddii ay shacabka ku dhibi jirtay kooxda khawaariijtu.

Magaaladda masagawaa oo ku caan ahayd goob fidisa diinta Islaamka sidoo kale ka hor intii kooxda khawaariijtu qabsan ahayd magaalo camiran adeegyadda bulshaduna shaqeeyaan sida waxbarashadda,caafimaadka iyo goobaha lagu barto diinta ayey kooxdu dhamaantood xirtay,kooxda khawaariijtu waxay xirtay mawlacyo diimeed oo magaaladu caan ku ahayd.

Masagawaa ayaa caan ku ahayd ilbaxnimo waayo soo jireen ahayd balse kooxda khawaariijta ayaa u bedeshay goob laga hayaamay marka laga reebo dad tiro yar oo duruufo u gaar ah uga bixi kari waayay,dhowaan ayaa kooxda khawaariijta laga xorreeyey magaaladda lana gaarsiiyey harka dowladnimadda,waxybaaha yaabka leh ee lagu arkay magaaladda ayaa waxa ka mid ah in Schoolkii deegaanka kooxdu ka dhigtay kushin ama goob cuntada ay ku karsadaan sidoo kale Cisbitaalkii deegaanka waxa ay ka dhigteen xerro ay ku xeraystaan xoollaha baadda ah ee ay sida xoogga ah uga soo qaataan shacabka deegaanka,sidoo kale waxay gubeen saldhigii deegaanka.

Ismaaciil Shiine waa Guddoomiyaha deegaanka Masagawaa wuxuu warbaahinta qaranka uga waramay dhibta kooxdku gaarsiisay xarumihii adeegga bulshadda,sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda khawaariijta ah aysan kala soocin shacabka kala duwan ayna gaarsiiyeen tacadiyo ka baxsan xuquuqda aaddanaha” wax aan rabaa inaan ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibedd ba u sheego dhibaatada ay ku hayaan adeegyadda bulshadda oo marwalba ah waxybaaha ugu horeeya ee bulshadu ku tiirsan tahay,sida Cisbitaallada,saldhigyadda,dugsiyadda iyo goobaha diinta siday u burburiyen”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda khawaariijtu xoog kula isticmaali jireen xoollaha shacabka sidoo kale na ay hanjabaad dilal iyo afduub kula kici jireen dadweynaha deegaanka,dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka qaxay magaaladda in ay dib ugu soo laabtaan isagoo sheegay in dowladda u fidin doonto adeegyaddii bulshadda.

Kooxda khawaariijta ayaa burburiyey suuqii ganacsiga magaalada masagawaa” halkan waxay ahayd suuq ganacsi kooxda khawaariijta ayaa burburisay si ay culays u saaraan shacabka” ayuu yiri guddoomiye Shiine,isagoo baaq u diray ganacsatadii kooxda khawaariijtu ka qixisay magaalada in ay dib ugu soo laabtaan magaaladda.