Maraykanka oo ciidan la dagaallama Al-shabaab usoo diraya Kenya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan.

Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geystaan kooxda Al-Shabaab.