Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Khadka Taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale, guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay in la sii laba jibaari doono wada-shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.