Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta

Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ah ama loo yeero Wadamada safka hore, islamarkaana ay ka joogaan Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka qebgalay shirkaasi, kaasi oo socday muddo saacado ah, waxaana uga sii horreeyay shir ay lahaayeen Wasiirada Gaashaandigga iyo Taliyaasha Ciidamada ee dalalkaasi iyo Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob oo horay khadka Isgaarsiinta looga wada hadlay halka qaar kalena ay ahaayeen kuwo muddo horeba ay heshiis ku ahaayeen, iyaadoo qodobada qaar ay xambaarsanaayeen fariimmo mug leh, waxaana ka mid ah qodob ka hadlaayay ilaalinta midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Qodobkaasi oo ahaa kan 1-aad ayaa u qornaa sidan:- In la tixgeliyo madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Waxaa la dhihi karaa waa kan ugu muhiimsan, waxaa kaloo jira qodobo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed waxaana ka mid ah qodobka lagu amaanay Dowladda Soomaaliya waana qodobka 2-aad, wuxuuna u qornaa sida:- Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab. Waxaa kaloo xiiso leh qodobka 7-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.

Shirkaasi Go’aanada laga soo saaray waxaa kaloo jira qodobo muhiim ah sida 10-aad, kaasi oo u qoran sidan;- waxaa La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale, waxaa kaloo si gaar loogu xusay qodobka 12-aad, waxaana lagu soo dhaweeyay codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub, kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda Ciidamada, balse qodobka ugu muhiimadiisa lahaa ayaa ahaa qodobka 14-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023, kaasi oo muujinaya inay Soomaaliya u hesho taageero iyo garab istaag si Qaramada Midoobay uga qaaddo Cunaqabateynta Hubka.

Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga Gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasi oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee Argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, waxayna Madaxdu isku raaceen Qodobada ahmiyaddaweyn waxaana ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaa kaloo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan, waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaasi.

Muhiimad ahaan shirkasi waxa uu u ahaa mid muhiimad gaar u ah Dowladda Soomaaliyeed iyo Wadamada dariska la ah oo si weyn uga arrinsaday waxa ay ka yeelayaan Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta oo uu ku socdo sidii looga sifeyn lahaa Dhulka Soomaalida, islamarkaana aysan firxadkoodu gaarin Dalalka Soomaaliya Deriska la ah, sidaasi awgeed ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogala dagaalami lahaa waana la isku afgartay qaabkii loo wajihi lahaa Kooxdaasi, marka waxaan dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta.

Qallinka: C/laahi Ruush