Yukreen oo shuruud ku xirtay wada xaajoodka ay la geleyso Ruushka

Dowladda Yukreen ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in wafdigeedi wada xaajooda ay Gaareen dalka Belarus si ay Ruuskha uga wada hadlaan xal u helidda dagaalka ka socda qaar ka mid ah Magaalooyinka Yukreen

Xubin ka mid ah wafdiga Yukreen ayaa sheegay shuruudaha ay ku gelayaan wada xaajoodka oo ah in si  deg deg loo  joojiyo dagaalka iyo  ciidamada Ruuskhu ka baxaan  dhulka Yukreen

Wasaaradda arrimaha dibadda Belarus ayaa hore u sheegtay inay marti gelineyso wada hadal dhax mara labada dowladood  si xal deg deh ah looga gaaro dagaalka ka socda Yukreen