XAQA QOFKA WEYN
Qofka weyni waa qofka gu` iyo da`ba kaa weyn , kaana cilmi badan, kaa taqwo iyo cabsi badan, jaah iyo sharafna leh.
Tusaalooyin iyo waanooyin ku saabsan sida qofka weyn loo ixtiraamo
1)Nebiga waxa uu yiri qof dhalinyar ma qiimeeyo qof weyn , haddii sidaa yeelo, isaguna waxa uu helaa qof qiimeeya marka uu weynaado.
2)Waxaa kale oo uu yiri nebiga naga mid maha qofkii aan keena yarna u naxariisan, midkeena weyna aan xaqqiisa garan.
3)Waxaa kale o uu yiri nebiga dhigga dadka heerarkooda ama manaasishooda.
4)Waxaa kale oo uu yiri nebiga waxa aan riyo ku arkay aniga oo cadayana ayaa waxaa ii yimid nin weyn iyo nin yar, markaas ayaan rumeygii u taagay ninkii dhalinta yaraa, markaas ayaa la igu yiri, kan weyn, markaas ayaan kii weynaa siiyey.
Waxaanu axaadiistan kala soo dhex bixi karnaa.
1.In qofka weyn la geliyo heerka uu u qalmo.
2.Arimaha oo dhan in qofka weyn lagu bilaabo.
3.In uu ka taxadaro in qofka yari uu yaso ama fududeysto qofka weyn.
4.In qofka weyni la ixtiraamo gacantana laga dhunkado.
5.In uu u istaago una adeego.
17-XAQA CARRUURTA AY WAALIDKA KU LEEYIHIIN.
Ilaahey waxa uu amray ilmaha in wax la baro lana tarbiyeeyo.waxaa kale oo uu nebiga yiri nnk, ilmo waliba waxa uu lu dhalanaya fidro, aabihiis ama hooyadiis ayaa islaamiya ama gaaleeya.waxaa kale oo uu nebigu yiri ilmihiinu amra salaada marka ay todobo jir gaaraan kuna garaaca marka ay toban jir gaaraan.una kala saara jiifka.
18-XAQA UU ILMUHU KU LEEYAHAY WAALIDKIISA WAXAA KA MID AH:
1)Waa in uu wanaajiyaa asluubtooda.
2)Waa in uu magic wanaagsan u bixiyaa.
3)Waa in uu ilmaha xaqqa u simaa.
4)Waa in uu u dhimriyaa oo uu naxariista baraa(dhunkadaa)
5)Waa in uu meel wanaagsan ka dhaliyaa.
6)Waa in uu haddii uu gaaro u guuriyaa.
19-XAQA AY WALAALUHU ISKU LEEYIHIIN
Ogow walaalkaa waxa uu kugu leeyahay xuquuq. Waxaana xuqquudaas ugu waaweyn kuwan soo socda.
1)Inaad caawiso naftiisa.
2)In carabka iyo qalbigaba laga saamaxo.
3)Waa in loo duceeyo
4)Waa in ballanta loo oofiyo
5)Waa in daacad loo ahaado.
6)Waa in waxkasta oo awood ah loo fududeeyo
7)Waa in dhibka iyo kalifaaddda laga ilaaliyo.
8)Waa in aad la jeclaataa oo aad dhigtaa wixii aad naftaada la jeclayd.
9)Waa in aad baahida naftiisa ka hor marisaa baahida naftaada.
10)Waa in aad ka aamustaa ceebihiisa.
11)Waa in aad xaaladiisu sida ay tahay aad baarbaartaa.]
20-XAQA AY MUSLIMIINTU ISKU LEEYIHIIN
Xaqqa uu qofka muslimka ah ku leeyahay qofka Kale ee muslimka ah aad ayuu u badan yahay, waxaana ka mid ah:
1)Waa inaad slaanto haddii aad la kulanto.
2)Haddii uu kuu yeero inaad ajiibto(waliimo)
3)Inaad u duceyso haddii uu hindhiso.
4)Inaad booqato haddii bukoodo.
5)Haddii uu dhinto inaad jinaasadiisa raaco.
6)Inaad ka rumeysato haddii uu kuu dhaarto.
7)Inaad la taliso oo waaniso haddii uu ku weydiisto.
8)Inaad ilaaliso haddii uu maqan yahay.
9)Waa in aad la jeclaataa waxa aad naftaada la jeceshahay.
10)Waa in aad la nebcaataa waxa aad naftaada la neceb tahay.
Rasuulka NNK waxa uu yiri:
2.Muslimiinta waxa ay la mid yhiin sida ay isu jecel yihiin oo ay isugu naxariisanayaan waa sida hal jir oo kale, oo haddii ay xubin xanuunto jirka oo dhami uu xanuunka wada saaqo.
3.Waxaa kale oo uu yiri nebigu muslimku waxa uu muslimka kale u yahay sida dhis oo kale oo midba lagu adkeeyo midda kale.
4.Waxaa kale oo uu nebigu yiri, muslim waxaa ah qofka ay muslimiinta kale ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisa.( qofna waa in aanu ku dhibin qofka kale ee muslimka ah ficilkiisa iyo qawlkiisa.)
5.Waxaa kale oo uu yiri nebigu ma banana in qofka muslimka ah uu qofka kale ee muslimka ah uu ka aamuso saddex beri, iyaga oo iska hor imaanaya oo isdhaafaya, midbana uu ka jeesanayo kan kale. Waxaana khayr badan labadooda midka salaanta hor bilaaba.
Waxaa kale oo la yiri
6.u samee wanaagga dadkiisa iyo kuwa aan dadkiisa ahaynba, waayo haddii aad dadkiisa la hesho waaba dadkiisii, haddii aad dadkiisii la geftana adiga ayaa dadkisii ah.
7.Waxaa kale oo la yiri caqli iyo garasho waxaa ugu toosan diinta ka dib, is jeclaysiinta dadka iyo u falidooda wanaagga kan xun iyo kan wanaagsanba.
Waxaa kale oo la yiri walaaluhu waa sida labada gacmood oo midba ay dhaqeyso midda kale. Taas oo ah inay iscaawiyaan oo ujeedo qur ah lahaadaan.
20-XAQA UU NINKU KU LEEYAHAY NAAGTIISA.
Xaqa uu ninku ku leeyahay naagtiisa aad bay u badan taha, waxaana ka mid ah:
1-In aanay oggolaansho la’aan guriga uga bixin.
2-In aanay isu diidin haddii ay daahir tahay.
3-In aanay maalkiisa qiyaamin.
4-In la ducaysato xlliga ducada.
5-In ay ehelkiisa sharafto.
6-In aanay ku qaylinin.
7-Inay waxay awooddo ku caawiso.
8-Inay maalkeeda ku galladaysan
9-In aysan maalkeeda u diidin haddii uu u baahdo.
10-In ay indhihiisa iyo dhegehiisaba xumaanta ka dhowrtaa.
11-Waa in aanay maalkiisa siinin qof uusan raali uga aheyn.
12-Waa in ay carruurtiisa dhowrtaa oo ay xanaanaysaa, hortiisana aysan ku dilin.
13-Waa in ay dhowrtaa jiifkiisa, sankiisa, gacantiisa iyo afkiisaba.
1.Inay adeecdo
2.Inay ka fogaato dhibaateyntiisa.
3.Waa inay ku dhaqantaa. Raali ahaanshihiisa.
4.Waa inay ahaataa adeecda ilaahey, rasuulka iyo ninkeeda.
5.Waa inay dhawrtaa maqnaashihiisa nafteeda iyo gurigiisaba.
21-XAQA NAAGTU AY KU LEEDAHAY NINKEEDA
1-Inuu marasho iyo masruuf siiyo.
2-Inuusan afar bilood ka badan ka maqnaanin.
3-Inuusan gogosha mooyee wax kale ku dilin.
4-Inuusan duburka uga tagin.
5-Meherkeeda inuusan u diidin.
6-Inuusan u diidin booqashada ehelkeeda.
7-Inuu diinta wax ka baro, sida salaadda soonka iyo xaylka.
Waxaa diyaariyey
Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)