Xuska Sanadguuradii 46-aad ee asaaska Isbitaalka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadda sanad guuradii 46aad ee aasaaska Isbitaalka Weyn ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo soo bandhigidda waxqabadka afartii sano ee ugu dambeysay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka , Wasiiru Dowllaha Wasaradda, Agaasimaha Guud, Xubno ka socday Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal , Agaasimayaasha Isbitaalada Guud, iyo Isbitaalada gaarka loo leeyahay , Qaybo ka mid ah Dhaqaatiirta Caafimaadka , Madax ka socotay Hay’addaha Caafimaadka taageera, qaybo ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Dalka iyo Ururada Bulshadda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa ka sheekeysay wax qabadka howl wadeennada iyo tallaabooyinkii horumarka lahaa ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed sanadihii lasoo dhaafay.

Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa sheegtay inay ka mira dhaliyeen shaqadii loo igmaday howl wadeennada Isbitaalka iyo adeegyada Caafimaadka ee ay si bilaash ah ugu fidiyaan Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.