Xuska munaasabadda maalmaha xorriyadda ee 26-ka juun iyo 1-da Luulyo oo dalka si weyn looga dareemayo

Todobaadka maalmaha Xorriyadda dalka Soomaaliya oo si weyn looga dareemayo guud ahaan gobolada dalka, iyada oo goobaha lagu dalxiis tago lagu xardhay Calanka.

Waxaa lagu arkayaa Goobaha loo damaashaadka tago iyo Suuqyada,dadka oo u diyaar garoobaya xuska munaasabada maalmaha xorriyada oo ugu soo horayso 26-Jun,halka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada dariska iyo caalamka kale ay baraha bulshada ku kulanto isugu hambalyeenayaan.

Caawa waxaa ay ku beegan tahay markii ay gobolada Waqooyi xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska,taasi oo aheyd 26-kii juun 1960-kii,waxaana dalka guud ahaan laga dareemayaa u diyaar-garow xooggan oo ku aadan munasabadaha xuska maalmaha xorriyadda.

Toddobaadka dambe ayaa gobolada Koonfureed waxaa looga diyaar garoobayaa in ay u dabaal dagaan xuska maalinta weyn ee 1-da Luulyo ee israacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfurta ay ku midoobeen.