XUSKA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED.

Barre ama Macalin waa midka gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah oo ka badbaadiya bulshada uu dhexjoogo mugdiga iyo Jahliga, oo sidoo kale Gaarsiiya ummadda baraaraha cilmiga iyo aqoonta heer ka gaartay.

Hawlaha macalinka iyo shaqadiisa dhabta ah marka ay caruurta yaryari ku soo barbaaraan marka hore guriga dabadeedna ay wax ka soo kororsadaan bulshada degen xaafadooda, caruurta waxaa la geeyaa ama ay tagaan Dugsi Qur’aanka lagu barto iyo iskuulada aqoonta maadiga ah lagu barto waxayna dhexda ka galaan bulsho ka balaaran tii guriga iyo middii xaafadda ay deganayeen.

Sida maamul wax u kala habeeya una maamuuso dadka meesha isugu yimid oo isugu jira dad waa wayn iyo kuwo yaryar oo aan wax badan garanayn una baahan turis iyo naxariis fara badan, sidoo kale waxay leedahay bulshadaan shaqaale u heelan sidii ay wax uga qaban lahaayeen wax kasta oo meesha loo yimid kuna saabsan tacliin barasho.

Waxaa kaloo bulshadaan ku jira arday oo iyagana meesh loo keenay in ay wax bartaan garaadkoodana lagu kobciyo iyo macalimiin hoga tusaleeya oo tilmaan guud iyo mid gaar ah ka bixiya aqoonta la baranayo.

Arrimaha nocaan ah ayaa saameyn  toos ah ku leh Arday kasta, Macalinkana waa hogaamiyahooda sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay Ardayga iyo waalidkii dhalay.

Xiriirkaas waa mid  ku saabsan dhaqan toosin iyo waxbarasho, taana waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu ku daydo Macallinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan.

Sidoo kale, Baraha ama Macallinka wuxa uu sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilasha soo koraya ee bulshada.

Heerarka uu soo maray macallinka marka aan fiirino Macallinka Soomaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar iyo duruuf kala duwan badankeeduna waxa ay ahayd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed xagga shaqada iyo xagga xuquuqda.

Sideedana Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:  Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa iyo mid kaloo iyana ku saabsan noloshiisa guud ahaneed.

Marka aan gadaal u raacno sooyaalka taarikhda waxbarashada dadka Soomaaliyeed waxaa la tilmamaa in xilligii ugu dhoweed ee Macallinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa ay aheed tobankii sano ee ugu horeysay hanaqaadkii xukuumaddii Kacaankii ee 21 sano dalka soo xukumayay, taasi oo ay marag u tahay qoristii Afka Soomaaliga.

Olalahii waxbarasha reer Miyiga iyo sare uqaadistii waxbarashada Ummadda Soomaaliyeed, taasi oo keentay in 21 November loo aqoonsado Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, laguna maamuusa marka lagaaro sanad waliba.

Sidokale markii ugu liitay  xuquuqda macalinka Soomaaliyeed waxaa lagu tilmamaa intii kadambeesay burburkii dalka 1991, xiligaasi oo uusan helen xuquuqdiisa xagg nolol iyo xagga kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

Macalinka Soomaaliyeed waxuu kaalin weeyn ka qataa:  Bedalida aragtida bulshada uu wax baraya.

Waxuu horsedaa in bulshada ay ilaaliyaan karaamada iyo sharafta Macallinka iyaga oo aaminsan in macalinka uu ka mid yahay waalidka ubaxa waxbaranaya.

Baraha ama Macilinka Soomaaliyeed waxyabaha loga baahan yahay waxaa ka mid ah:  In uu ogaado in shaqadiisa ugu wayni ay tahay in uu beddelo hab dhaqanka ardayga ugu yaraana uu ka dhigaa habdhaqan soo dhawayn kara midkiisa oo kale ama mid ka sii sara marsiisan.

In uu kahortago dhaqamada foosha xun ee la soo minguuriyay ee nooga yimid dunida lagu hareereysan iyo wadamada nala deriska ah. In uu bulshada ku gardaadiyo Aqon loo aayo, habdhaqan la tilmaansado iyo karti.

Macalinka Soomaaliyeed ee maanta ay tahay maalintii loo asteey xuskiisa iyo wanaag ku maamuuskiisa uu ogaado in ay saarantahay mas’uuliyada uga culus taasi ah inuu soo saaro bulsho Soomaaliyeed oo caafimaad qabta, lehna garaad ka sareeya midka dadyawga nala deriska ah.

Ugu Dambayntii Macalimiinta Soomaaliyeed waxaan u rajeyneeynaa barwaaqo iyo horumar waaro insha Allaah.

WQ: C/salaam M. Yaasiin