Xuska maalinta Kansarka adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ayaa maanta ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š M๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ง๐ฌ๐š๐ซ๐ค๐š ๐šd๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š.

Munaasabaddan oo uu furey Agaasimaha Waaxada Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Mukhtaar Shube, waxaana kasoo qeyb galey agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafikaadka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Heyโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala Soomaaliya, wakiilo ka socdey Isbitaalada dalka, Dhakhaatiir, aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Yoolka maalintan ayaa ahaa in la dhiirri geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan noocyada badan, waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado, ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan, dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel Caafimaad.

Goobta ayaa lagu soo bandhigey warbixinno ka looga hadlayey heerka xanuunkan iyo saameynta uu ku leeyahay bulshadeena iyadoo warbixinnadu ay barbar socdeen farriimo wacyi gelin ah oo ka qeyb qaadanaya ka hortagga iyo yareynta xanuunkan dunida oo dhami la daalaadhaceyso.

Khubarada iyo masโ€™uuliintii kasoo qeyb gashey munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Kansarka waxay ka wada dhawaajiyeen in si dhow ay bulshada ula socoto farriimaha ka imaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS iyo sidoo kale heyโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, iyadoo la raacayo tilmaamaha si loo badbaadiyo bulshadeenna.