Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee kasoo wareegatay madax-bannaanida Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 diblomaasi oo ka socday dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillo ka socday ururro caalami ah oo kala duwan.

Diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururrada ayaa dhamaantood ku bogaadiyay Soomaaliya guulaha ay gaartay kuna dhiirri geliyay inay sii waddo dedaallada horumarineed.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd fursad ay diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururradu isku dhaafsadeen fikrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay diblomaasiyiinta iyo martida kale ee ka qeyb gashay xafladda loogu dabaaldegayay 64 guurada madax-banaanida dalkeenna.