Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee madax-bannaanida Soomaaliya. Munaasabaddan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 diblomaasi oo ka socday dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillo ka socday ururro caalami ah oo kala duwan.

Waxaa xusid mudan in xafladdan lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo horumarka ay dalka ka gaaray tan iyo markii ay madax-bannaanida qaadatay. Diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururrada ayaa dhamaantood ku bogaadiyay Soomaaliya guulaha ay gaartay isla markaana ku dhiirrigeliyay inay sii wado dadaallada horumarineed.

Intii lagu guda jiray xafladda, waxaa la jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsan taariikhda iyo muhiimadda ay leedahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd fursad ay diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururradu isku dhaafsadaan fikrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale. Xafladda ayaa ku dhammaatay jawi farxadeed iyo niyad wanaagsan, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ay ka muuqatay rajada wanaagsan ee ay u hayaan mustaqbalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sii wadaa inay ka shaqeyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, taasoo muhiim u ah horumarka iyo nabadda dalka. Xafladan ayaa ka mid ah dadaallada lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay diblomaasiyiinta iyo martida kale ee ka soo qeyb gashay xafladda loogu dabaaldegayay 64 guurada madax-banaanida Soomaaliya.