Xuseen Sheekh: Itoobiya wax aan kaga adkaanay Diblomaasiyad

La taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay guulaha dowladda gaartay muddada labada sano ah ee uu xukunka Hayo Madaxweyne Xasan sheekh, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, la taliyaha Madaxweynaha dhanka Dastuurka waxa uu sheegay in hormar badan laga gaaray dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Dibadda, Gudaha iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in damaca gurracan ee Itoobiya dowladda ay kaga hortagtay qaab Diblomasi ah, asigoo tilmaamay in dalal mudda dheer soo shaqeynayay ay soomaaliya kaga hormarsan tahay dhanka Diblomaasiyadda taasoo keentay in dhammaan wadamada caalamka lagu qaciyo in si cad uga hor yimadeen gardarada qaawan ee Itoobiya

“Soomaaliyada 1977-kii iyo mida 2024-ka, farqiga u dhaxeeya waa Diblomaasiyadda aan heerka sare ka gaarnay, waana aragteen waxa aan Itoobiya ku dhignay, inagoo aan adeegsan awood.”

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowaldda oo ka duuleeysa halku dhigii madaxweynaha Ee ahaa ‘Somaali Heshiis ah dunidana hishiis la ah ay dowalada ku guuleysatay wanaajinta iyo la macaamilka wadamada caalamka si ku dhisan wax is dhaafsi,taasna ay keentay soomaaliya wax badan oo horumar ah ay u qabsoomaan.

Wax uu intaa ku daray hadalkiisa in soomaaliya ay hadda isku diyaarineyso in u tartanto xubin kamid ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay taas oo muujineysa horumarrada muuqda ee ay gaartay dowladda Soomaaliya.

15-bishaan ayay dowladda u buuxsantay laba sano,waxana la qabtay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Deyn Cafinta,Cunaqabteyntii hubka oo laqaaday iyo Ku biirista ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo in degaano badan oo ka tirsan dalka laga xoreeyo khawaarijta oo mudda dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.