Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka yar 15-ka oo ka guuleystay dhiggooda DR Comgo

Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano ayaa 4-0 uga guuleystay dhiggooda Dalka DR Congo, kulan ka tirsanaa tartanka FIFA Under -15 World Cup iyo Festival Azerbaijan ,kaas, oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Guushan ayaa wiilasha Ocean Stars u xaqiijisay inay u gudbaan semi-final-ka Tier D, iyagoo galabta la ciyaari doona xulka Dalka Canada,

Xulka Soomaaliya oo kulamadii u dambeeyay sidoo kale guulo ka gaaray xulalka Tanzania iyo Saudi Arabia, ayaa hadda jooga heerka semi-final-ka Tier D.

Haddii ay kulankan galabta guulo ka gaaraan wiilasha Ocean Stars, waxay u gudbi doonaan final-ka Tier D, taas oo u noqon doonta guul kale oo muhiim ah iyo fursad ay ku qoraan taariikh cusub oo u soo hoyatay kubadda cagta Soomaaliya.