Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda oo ay isaga hor yimaadeen kulan ka tirsan Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.

Soomaaliya kulankan wuxuu u ahaa kii afaraad oo ay ciyaarto, waxaana wiilasha Ocean Stars ay muujinayeen awood ciyaareed iyo isku xirnaan taas oo u suurtagelisay inay ugu dambeyn 3–0 kaga adkaadaan dhiggooda Rwanda.

Guushan ayaa ka dhigan in xulka Soomaaliya aysan weli wax guuldarro ah la kulmin afartii kulan ee ay ciyaareen. Waxay heleen 1 guul iyo 3 barbaro, iyagoo urursaday 6 dhibcood.

Rajada Soomaaliya ee usoo bixitaanka wareega afar-dhamaadka tartanka ayaa ku xiran kulan goor dhow dhex mari doona xulalka Kenya iyo South Sudan. Haddii ciyaarta laga adkaado Kenya, rajada Soomaaliya waxay noqon doontaa mid wanaagsan; balse haddii ay Kenya guuleysato, wiilasha Ocean Stars ayaa tartanka isaga hari doona.