Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku dhammeystay Kaalinta Labaad ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U-17, kaddib markii ay guuldaro kala kulmeen dhiggooda Uganda oo kaga adkaaday rigooreyaal 6-5 ah.
Ciyaartoyda Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, kalsooni iyo isku-duubni.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiine ), ayaa da’yarta xulka qaranka ku ammaanay sida sharafta iyo geesinimada leh oo ay u difaaceen calankeenna.




